Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wegdigiisa ayaa maanta oo Sabti ah ka duulay magaalada Boosaaso oo uu booqasho ku joogey tan iyo maalintii Khamiista. Wefdiga Madaxweynaha ayaa gaaray  Magaalada Gaalkacyo ee xxarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Gaalkacyo si weyn loogu  dhaweeyey, iyadoo wefdiga Madaxweyanha Soomaaliya uu ka horeeyey  wafdi kale oo uu hogaaminayay Madaxweynaha Puntland.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa soo dhaweeyey madaxa Puntland, Galmudug iyo bulshada qeybaheeda kale duwan

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqan doona Cadaado oo xarun kumeel gaar ah u ah Galmudug, sidoo kale wauxuu booqan doonaa Dhuusamareeb oo ay ka taliyaan Ahlu-sunnah.