Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiweli  Gaas ayaa hadda ka soo deggay garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo, Saraakiil, Mas’uuliyiin iyo Dadweyne ayaa ku sugan garoonka oo soo dhaweeyay madaxweyne Gaas.

Waftiga madaxweynaha ayaa horudhac u ah, waftiga kale ee goor dhow la sugayo oo u hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Diyaar garow weyn ayaa ka muuqda garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo.