Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Norway oo ku kulmay Addis Ababa

Addis Ababa, January 25, 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Wasiiradda Arrimaha Dibadda Norway Ms. Ine Marie Eriksen Søreide kadib casha sharaf ay ku casuuntay Wasiirada Arrimaha Dibadda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal, iyo sidoo kale joogtaynta taageerada Norway ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ballaaran ku bixinaysa bandhigidda hiigsiga qaran ee Nabad iyo Nolol ee loogu saldhigayo deganaanshaha iyo iskufilnaanshaha dhaqaale ee dalka, si looga gudbo dirirta iyo abaaraha, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

###

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker