War Deg-Deg ah: Garsoore ABDULQAWI AHMED YUSUF oo Maanta loo Doortey Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ee Caddaaladda ee (ICJ)

War Deg-Deg ah: Garsoore ABDULQAWI AHMED YUSUF oo Maanta loo Doortey Madaxweynaha Maxkamada Caalamiga ee Caddaaladda ee (ICJ)

Talaado, Feberaayo, 06, 2018 (HOL) –Maxakamada Caalamiga ee Cadaalada ee afka Ingriiska loo yaqaan International Court of Justice oo ku taala Magaalada Hague ee Dalka Netherlands ayaa manta waxay yeelatey Madaxweyne cusub.  Maxakamadaan oo ay hoos timaado Qaraamada Midoobey ayaa saddexdii sanno hal mar ayey waxay doorata Madaxweyne. Madaxweynahaas oo laga soo dhex doorta Garsoorayaasha dhexdooda, waxaana loo doorta shakhsiga hela aqalabiyada codadka Garsoorayaasha Maxakamadu, doorashaduna waa qarsoodi (secret ballot).

 

Muqdishu. Sidoo kale wuxu Doctor International Law ka qaatey Jaamacada Geneva ee Switzerland.

Judge Abdulqawi wuxuu Guest Professor ka yahay Jaamacado ku yaal Switzerland, Italy, Greece iyo Fransiska.

 

Safiirka Soomaliya ee Wadamada Benelux iyo Midowga Europe Dr. Ali Said Faqi ayaa ku sheegey doorasha Judge Abdulqawi inay tahay magac iyo sharaf weyn u soo hooyatey Ummada Soomaliyeed. Kalsoonida buuxda ee Garsoorayaasha Maxkamada ay siiyeen waxay muujineysa kartida aqoontiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan saaxiibkooda ayuu yiri safiirka.

Dr. Ali Said Faqi isagoo ku hadlaya magaca Madaxweynaha iyo Xukuumada Soomaliyeed wuxuu halkaan hambalyo uga diraya Judge Abdulqawi Yusuf, Xaaskiisa iyo dhamaan Caruurtiisa, waxaan leeyahay ilaah ha kula garab galo Mas’uuliyada lagu doortey.

hambalyo Garsoore Abdulqawi Yusuf. Waana Guul usoo hoyatay dhamaan shacabka Soomaaliyeed .

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker