Ciidamo badan oo katirsanaa Somaliland oo ku biiray Puntland [Dhagayso]

Ciidamadaan ka tirsanaa kuwa Maamulka Soomaaliland ayaa ku sugnaa deegaanka Caraweyn ayaa waxa ay ku biireen Ciidamo kale oo ka tirsanaa kuwa Maamulka Puntland oo ku sugnaa Magaalada Buuhoodle waxaan halkaasi ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland.

 

Ciidamadan ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayaan ilaa 160 Askari kuwaas oo horay Puntland uga goystay kuna biiray Soomaalilnd balse markale dib ugu soo laabtay Maamulka Puntland.

Gaashaanle Sare Cabdirisaaq Cismaan Gar’adag oo ka mid ahaa Saraakiishii hogaamineysay Ciidamada soo goystay ayaa sheegay in ay kalsoonidii kala laabteen Maamulka Soomaaliland.

 

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker