Ururka Sahal oo warbixin kasoo saaray xaalada Soomaaliya
December 5, 2012 // Warar SomaaliHorudhac
Ururka Sahal waxuu dadwaynaha Soomaaliyeed halkaan ugu soo bandhigayaa xaalada ay marayso wadanka Soomaaliya waxayna warbixintan kooban ka hadlaysaa meesha ay marayso Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma, is badal ku yimid isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo heerka uu maraayo maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka.
1. Xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma
Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa sidii sharafta lahayd ee dawlada Ras’iisal Wasaare Saacid iyo xubno ka mid ah Baarlamaanka ay fariin culus uga soo saareen xaalada Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma.. Sidoo kale, waxaan ummadda Soomaaliyed la socodsiinaynaa in dhowaan iyana la kireeyey Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee New York/UN.
Waxaan xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid uga mahadcelinaynaa go’aaminta in xaalada Safaaradaha Rooma iyo New York ay u dirto wafti heer Wasiiro ah kuwaasoo looga fadhiyo inay wax ka qabtaan waxyaalaha uu ku kacay safiirka dowladda u fadhiya dalalka Talyaaniga & Biljamka Nuur Cadde kaasoo ku takri-falay hantidii Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale, ururka Sahal waxuu u mahadcelinaynaa Wasaarada Arimaha Dibada ee Talyaaniga oo Nuurcade u yeertay si ay su’aalo uga waydiiso sababta Safaarada Soomaaliyeed ee Rooma looga kireeyay Shirkad Jirka Dumarka ka Ganacsata.
Dhinaca kale, ururka Sahal waxuu si wayn ugu mahadcelinayaa Jaaliyeed Soomaaliyeed ee waddanka Talyaaniga kuwasoo muujiyey muwaadinimo iyo geesinimo ay ku difaacayaan hantida iyo dhismaha Safaaradii qaranka Soomaaliyeed ee Rooma. Sidoo kale, Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibedda ku nool waxaan ka codsanaynaa inay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed isla markaasna ay ilaaliyaan hantida qaranka Soomaaliyeed. Ugu danbayntii waxaan ka codsanaynaa xukuumada Ras’iisal Wasaare Saacid, Baarlamaanka Jamhuuriyada dawlada Fadaraalka inay soo celiyaan hantidii Qaranka ee la bililiqeystay, gaar ahaan safaaradaha Rooma iyo New York.
2. Qaadista isbaarooyinkii magaalada Muqdisho iyo samaynta ciidamo beeleed
Ururka Sahal waxuu soo dhowaynayaa qaadistii isbaarooyinka dhowaan laga fuliyey magaalada Muqdisho. Hase yeeshee, ururka Sahal waxuu si buuxda uga soo horjeedaa go’aankii madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha Gudaha ee ahaa in saldhigyada Booliiska magaalada Muqdisho laga badalo ciidamadii Booliiska Soomaaliyeed ee dhowaan la soo tababaray isla markaasna lagu badalo ciidamo gaar ah kuwaasoo kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna u badan ciidamadii hogaamiye kooxeedkii iyo maxaakiimtii fashilmay.Khatar wayn ayaan u aragnaa in Muqdisho oo lagu sheegaayo caasimadii Soomaaliyeed inay lagu wareejiyo maleeshiyo beeleed kasoo jeeda beesha haysata magaalada Muqdisho isla markaasna aan matelin karin dhammaan beelaha Soomaaliyeed.
3. Warbixin heerka ay dadka deegaanka ah u marayso hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in howlihii Maamul u sameynta gobolada Jubooyinka ay marayso heer gabogabo ah isla markaasna dadka kasoo jeeda gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo waxay si buuxda isugu waafaqeen inay ka go’an tahay maamul u sameynta Jubbooyinka. Sidoo kale, ka dib shirar wadatashi ah, iyo falanqayn dheer ka dib waxaa dadka deegaamada Jubbooyinka iyo gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbaland waxayna si buuxda isugu waafaqeen samaynta shan gudi, iyo in la isu keeno 480 ergooyin kuwaasoo ka kala imaan doona beelaha Soomaaliyeed ee ku nool sadexdaa ee Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Ergooyinka kasoo qaybgalaaya shirwaynaha samaynta maamul goboleedka Jubbaland waxaa loo qaybsaday sida hoos ku qoran:
1. Gobolka Jubada Hoose waxaa ka imaanaya 185 ergo
2. Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ka imaanaya 135 ergo
3. Gobolka Gedo waxaa ka imaanaya 165 ergo
Ururka Sahal waxuu si buuxda u taageerayaa dardargelinta u sameynta gobolada Jubooyinka iyo qaabka loo qaybsaday ergooyinka loo qoondeeyey shirwaynaha maamulu sameynta gobolada Jubooyinka. Sidoo kale ururka Sahal waxuu ugu baaqayaa ergooyinka shirka maamul u sameynta gobolada Jubooyinka iyo gudiga farsamada inay si cadaalad iyo sinaan ah wax ugu qaybiyaan dhammaan beelaha Soomaaliyeed ee dega gobolada Jubbooyinka.
4. Arigtida Ras’iisal Wasaaraha ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in shalay uu Raisul wasaaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ku dhowaaqay in xukuumadiiisu ay diyaarisay qorshe balaaran oo lagu xasilinayo amaanka gobolada dalka isla markaasna hawlaha maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka ay tahay in dadka degaanku ay iyagu soo doortaan maamul ay iyagu leeyihiin. Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si wayn usoo dhowaynayaa bayaanka waafiga ah ee kasoo baxay Ras’iisal Wasaaraha Jamhuuriyada Fadaraaliga Soomaaliya kaasoo uu si cad u muujiyey in doorka dawlada Soomaaliya ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay iyagu dhistaan maamul goboleed waafaqsan sharciga dawlada fadaraaliga ah.
5. Cadaalada darrada iyo hagardaamada madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya ay ku hayaan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in tobobaadkii wasiirka arimaha gudaha uu magaalada Muqdisho ka abaabulay shir lagu sheegay wadatashi ku saabsan maamul u samaynta gobolada Jubbooyinka. Hase yeeshee, ururka Sahal, ka dib markii uu falanqeyn, iyo daba-gal dheer ku sameeyey waxaa lagu ogaaday in ujeedadu ugu wayn ee shirkani waxuu ahaa in lagu xagal-daaciyo isla markaasna lagu fashiliyo shirka wada-tashiga ee magaalada Kismaayo uga socda beelaha walaalaaha ah ee degga gobolada Jubadda Hoose,Jubadda Dhexe iyo Gedo kaasoo ku saabsan in la sameeyo maamul goboleedka Jubbaland.
Baaris iyo dabo-gal dheer oo ururka Sahal sameeyey waxaa lagu ogaaday in madaxwaynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya aysan ku faraxsaneyn in la sameeyo maamul goboleed ka kooban Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Gedo, isla markaasna waxay labadan mas’uul dadaal kasta u galeen inay carqaladeeyaan hawlaha ay wadaan guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka. Dhowaan waxay dawladu Muqdisho iskeed uga bilowday qorshe cusub oo hadda iyo kow kusoo bilaabayso shir wada-tashi ah ee maamul u samaynta gobolada Jubbaland kuwaasoo muddo sanad iyo bar ah la soo waday. Sidaasi darteed, asbuucii hore ayaa madaxwaynaha iyo wasiirka Arimaha gudaha waxay Muqdisho ku qabteen shir lagu sheegay inuu yahay wadatashi ay ka qeybgalayaan odayaal, dhalinyaro iyo haween ka soo jeeda beelaha dega gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo oo ah saddexda gobol ee maamulka loo dhisi doono.
Sidoo kale ilo xog-ogaal ah oo ururka Sahal siyaabo hoose u heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Federaalka soomaaliyeed Mudane Xasan Sheikh Maxamuud uu Muqdisho ugu soo laabtey sida deg dega ah arimo la xiriira xaalada Maamul u sameynta Jubooyinka. Sidoo kale, warar rasmi wada tashi uu la sameeyey Masuuliyiinta uu xilsaarey arimaha Jubooyinka ee jooga Muqdisho ay ku dhaliyeen inuu si deg deg ah u gaaro Muqdisho, una baajiyo safarkiisii qorsheysnaa ee Nairobi (Xigasho Puntlandi: 2-12-2012).
Dhinaca kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar uu todobaadkii hore shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa wuxuu si cad u sheegay “in dawlada ay ka mas’uul tahay maamul u sameynta gobolada dalka, lana diyaarinaayo nidaamkii federaalka ee dalka lagu dhaqi lahaa” (xigasho Raxanreeb, November 30th, 2012). Sidoo kale asagoo hadalkiisa sii wata waxuu muujiyey inuusan aaminsanayn in xiligan Soomaaliya laga hirgeliyo nadaamka fadaraalka ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “in inkastoo dalka loo dejiyey inuu noqdo federaal, haddana aysan jirin wax sharciyo ku saabsan federaal oo horey dalka uga jiray, dadkuna aysan u diyaarsaneyn ku dhaqanka nidaamkaasi” (xigasho Raxanreeb:30/11/2012).
Hadalkamadaxweynuhu wuxuu muujinayaa mid shaki galinaaya inuusan aqoonsanayn sharciga fadaraaliga ah ee lagu soo dhisay dawlada fadaraaliga ah ee Soomaaliya.
Sidaasi darteed, ururka Sahal waxuu si buuxda u cambaaaraynaa in madaxwaynuhu iska indhatiro ku dhaqanka sharciga fadaraalka ah ee u degsan dawlada Soomaaliya.. Waxaan sidoo kale ka walwelsanahay xafiiska Madaxwayne Xasan Shiikh oo shaqadiisa 1aad ka dhigtay ka hortagista in maamul goboleed laga dhiso gobolada Jubbooyinka. Hadaan nahay ururka Sahal, waxaan si buuxda uga walwelsanahay dhibaatada iyo hagardaamada laga soo falkinaayo xafiiska Madaxwaynaha, xisbigiisa, beeshiisa iyo dagaal oogayaasha ku nool Muqdishu kuwaasoo geed dheer iyo geed gaaban u fuulay in dadka deegaanka ah ee ku nool gobolada Jubbooyinka aysan habayaraatee samaysan maamul goboleed ku salaysan deegaankooda isla markaasna waafaqsan dastuur dawlada fadaraaliga ah.
6. Hagardaamada iyo xagal-daacinta uu wado Shariif Xasan
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Shariif Xasan ayaa magaalada Muqdisho ka waday olole balaaran oo ku rabo inuu ku sameeyo maamul goboleed ka kooban lix gobol (Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose). Sidoo kale, haddii uu socon waayo qorshaha lixda gobol ee Shariif Xasan wato, waxuu rabaa in gobolka Gedo la raaciyo Bay, iyo Bakool isla markaasna gobolka Shabeelaha Hoose la siiyo beesha Yusuf Indhacade. Qorshaha Shariif Xasan waxaa si wayn u taageersan madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaasoo heshiis hoose kula galay in Shariif Xasan uu noqdo maamul goboleed lagu sheegay Somali South-Western State of Somalia.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinaynaa in madaxwaynaha, gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan, Cabdiqaasim Salaad iyo Ismail Omar Geele inay go’aan ku gaareen inay si kasta uga hortagaan inaan la hirgelin maamul goboleedka Jubbaland. Waxaana arintan cadeyn buuxda u ah in halkii madaxwayne Xasan uu dawlada Jabuuti ugala hadli lahaa arimaha dibada iyo xiriirka labada dawladood, waxaa la ogaaday in madaxwaynuhu ajendahiisa 1aad ka dhigtay in Ismail Omar Geele uu kala taliyo arimaha gobolada Jubbooyinka.
Ugu dabayntii, waxaan dhammaan beelaha dega Jubbaland aan ugu baaqaynaa inay gacmaha is qabsadaan isla markaasna ay dadajiyaan dhisitaanka maamulka Jubbaland.
Warbixintan waa soo saaray Ururka Sahal Organisation,
Taariikh 5th December 2012




Ururka Sahal waa ku mahadsan yahay qoraalka qiimaha badan ee ka hadlaaya xaqiiqda maanta ka jirta dawladii lagu hanwaynaa inay maanta Soomaaliya ka samatabixiso dhibaatada ku habsatay.
Dhinaca kale ninka la baxay Gacal ee aflagaado ka bixiyey qoraalka uu soo saaray ururka Sahal la yaab ma laha waayo waa nasiib darro inuu ku faraxsan yahay in asaga iyo reerkiisu ay iskula quman yihiin hanti iyo guryo la bililqaystay 1991. Gacal hadaad wanaag cid u sheegayso u sheeg dadka wali Xamar dulmiga ka wada, isla markaasna wali u soo hanqaltaagaya Kismaayo iyo boob dhul aysan asal iyo farac u lahayn.
Ugu danbayntii ilaahay halaga baqo ha la isugu hiiliyo wanaaga iyo midnimada. Markale ururka Sahal way ku mahadsan yihiin inay waxyaalo badan bannaanka soo dhigaan.
salam all, marka hore: horta waxaan salaan iyo qirid dadaal u qiraya ururka sahal, waxaan leeyahay sidaa u sii wada dadaalkiina.
talabaad: wallaahi waxa nasiib daro ah, inay madaxweynihii iyo rayso barlamaankii somaaliya ay isir diid,qabyaalad iyo dhibaato horle ka abuuran somaaliya oo si aad ah loogu raja waynaa.
marka 1aad- dawlada hada jirta nidaamkii ay ku timid maxaa la iskaga ag marayaa??
fadaralismkii lagu dhisay dawlada ee somaali kuwada heeshisay maxaa loo dhinac maraya??
waa suaalo mesha yaala!!
2aad- gobolada jubooyinka iyo gedo maajority ahaan, dad isku hayb ah weeyi, maamulka ka soo baxa wuxuu noqon doonaa sida Somaliland, Puntland, maamul adag oo hirgala, maamul homogenous ah sidaa dhibaato uga timaado way adag tahay, markaa tiir, tiirarka dawlada somalia oo adag ayeey noqon doonta jubbaland.
ee maxaa loo didayaa??
3aad- 22sano oo dagaal iyo dawlad la’aan ah kadib, inay dawladu ay cadalaad mooyee xaq daro muujiso maxaa keenay?? wixii israaci kara ha isracaan, dawladu xaga cadaalada iyo coordinationka uun hala socoto.
4aad: somaaliya oo wali laga xorayn al-shabab, oo cidamo shisheeye dalkii oo dhan wada joogaan, oo hablihi cawrada ahaa ee somaaliyeed wadaa faraxumeeyay iyo dalkii oo dhan ba..
Maxaa keenay ina lagu mashquulo gobolada jubboyinka ???
5aad: kenya oo somaali dhib badan ka badbaadisay 22kii sano, maxaa keenay ina la faquuqo?? maxaa kaduway dalalka kale?? ama maxaa meesha keenay ina dawlad weyn oo jaar ah, ina cadaawad lagashado??
jawaabaha suaalahu waxa weeyi, dawladu xaq daro,cadalad daro iyo qabyaalad bay uu muujinaysaa gobolada jubbaland iyo dadkooda, waxayna sii adkaynaysaa aamiinada dawlada ay u qabaan maamulada kale ee dalka ka jira:
Taasina waxay keenasay raja laan dawladeed iyo burbur labaad…
waxaan leeyahay, xaalada maanta, ma’aha tii sidaa loo maamulilahaa somalia, dawladu muruq iyo maalba waxay saari lahayd: nabadaynta dalka, heeshisiinta umada oo lasii wado, kalsoonida umada oo laxoojiyo, kashaqaynta dalka oo kor isku taaga, dhaqaalaha iyo horumarka oo xooga la saaro, ciidamada ajanabiga oo si mid ah loogu mahad celiyo oo ay ka baxaan dalka…etc
VIVA SOMALIA
salam all, marka hore: horta waxaan salaan iyo qirid dadaal u qiraya ururka sahal, waxaan leeyahay sidaa u wada dadaalkiina.
talabaad: wallaahi waxa nasiib daro ah inay madaxweynihii iyo rayso barlamaankii somaaliya ay isir diid,qabyaalad iyo dhibaato horle ka abuuran somaaliya oo si aad ah loogu raja waynaa.
marka 1aad- dawla hada jirta nidaamkii ay ku timide maxaa la iskaga ag marayaa?? fadaralismkii lagu dhisay dawlada ee somaali kuwada heeshisay maxaa loo dhinac maraya?? waa suaal mesha taala!!
2aad- gobolada jubooyinka iyo gedo maajority ahaan, dad isku hayb ah, oo maamulka ka soo baxa wixuu noqon donaa sida somaliland, puntalnd, maamul adag oo hirgala, waayo maamul homogenous ah sidaa dhib uga timaado way atkaan, markaa tiir tiirarka dawlada somalia oo adag ayuu noqon doona. ee maxaa loo didayaa??
3aad- 22sano oo dagaal iyo dawlad la’aan ah kadib, inay dawladu ay cadalaad mooyee xaq daro muujiso maxaa keenay?? wixii israac kara ha isracaan dawladu haga cadaalada uun hala socoto base.
4aad: somaaliya oo wali laga xorayn al-shabab, oo cidamo shisheeye dalkii oo dhan wada joogaan, oo hablihi cawrada ahaa ee somaaliyeed wadaa faraxumeeyay iyo dalkii oo dhan ba,maxaa keenay ina lagu mashquulo gobolada jubboyinka?
jawaabaha suaalahu waxa weeyi, dawladu xaq daro,cadalad daro iyo qabyaalad bay uu muujinaysaa gobolada jubbaland iyo dadkooda, waxayn sii adkaynaysaa aamiinada dawlada ay u qabaan maamulada kale ee dalka kajira: Taasina waxay keenasay raja laan dawladeed iyo burbur labaad…
waxaan leeyahay, xaalada maanta, ma’aha tii sidaa loo maamulilahaa somalia, dawladu muruq iyo maalba waxay saari lahayd; nabadaynta dalka, heeshisiinta umada oo lasiiwado, kashaqaynta dalka oo kor isku taaga, ciidamada ajanabiga oo si mid ah loogu mahad celiyo oo ay ka baxaan dalka…etc
Asc dhamaan umada soomaliyeed salan kadib waxaan ad ugu xumahay in sahal kuwan la baxay warkoda waqti lagu qasaariyo sababto ah waa dad cuqdad dilootay qabyaaladana lafaha iyo dhuuxa ka gashay naceebka ay u qabaan qabil soomaliyeed wuxu gaarsiyey in ay jeclaadaan kenyatiga gumeysto gobolkood walibo raga hor boodaya arinta kismayo ciilka iyo cuqdada idin hayso waad ku dhiimaneysaan le ma aha mid dawa loo helayo sababto xiligan aynu joogna wa 2012 waxaan dagaal iyo isleyn ku dhex jirnay 20sana ka badan waxaad ogaataan kismaayo wa dhul soomaaliyed waxana leh somali idilkeed maamulka iyo iska war hays iyo wax wada qabsina wuxu ka dhexeeyaa qabaaa,ilada somaliyeed e daga goboladaas kenya iyo calooshod la ciyaarasha iyo waxi maangaab ah o dhana boos uguma banaana e kuwan sahal isku magacabayow iska sexda talo iyo tusaale ma haysan wanaagna uma haysaan somaliya wcs wr wbr dhamaanti
Asc dhamaan umada soomaliyeed salan kadib waxaan ad ugu xumahay in sahal kuwan la baxay warkoda waqti lagu qasaariyo sababto ah waa dad cuqdad dilootay qabyaaladana lafaha iyo dhuuxa ka gashay naceebka ay u qabaan qabil soomaliyeed wuxu gaarsiyey in ay jeclaadaan kenyatiga gumeysto gobolkood walibo raga hor boodaya arinta kismayo ciilka iyo cuqdada idin hayso waad ku dhiimaneysaan le ma aha mid dawa loo helayo sababto xiligan aynu joogna wa 2012 waxaan dagaal iyo isleyn ku dhex jirnay 20sana ka badan waxaad ogaataan kismaayo wa dhul soomaaliyed waxana leh somali idilkeed maamulka iyo iska war hays iyo wax wada qabsina wuxu ka dhexeeyaa qabaaa,ilada somaliyeed e daga goboladaas kenya iyo calooshod la ciyaarasha iyo waxi maangaab ah o dhana boos uguma banaana e kuwan sahal isku magacabayow iska sexda talo iyo tusaale ma haysan wanaagna uma haysaan somaliya wcs wr wbr an
Maxaa u diyaarsan daaroodkaan asaga isku maqan oo cadowga isku noqdey hawiye waakaa tashadey eeye waliba Majeerteen oo intaa colaad uu Siyaad u qabo mareexaaan ku colaadinaaya si in hal nin uu qabiil matali karo mise Mareexaan majeerteen iska dhex arkey mise Dhurbahante iyo Warsengali maalinba calan ceyn ah wada mise Ogaadeen aan dhan loo raaco laheyn intaas oo aan is hagaajin Darood isma raacayo waana kala daadsanaanayaa waana laga tagayaa iyagoo cidla jooga.
Aad iyo aad Ayan usoo dhaweynayna baaqan wanaagsan ee ururka Sahal kasoo saartay arimaha guud ahaan xaalada ay marayso Somaiia gaar ahaana arimaha Jubaland State of Somalia.
Runtii Waa nasiib daro aad uweyn in madaxdii qaranka loodhariyey ay qaab qabiil udhaqmayso oo ay rabaan in ay Somalia uhorseedan dagaalo sokeeye oo horleh runtiina taasi Waa nasiib daro horleh oo kahor imaanaysa waaga cusub ee Somalia ubaryey.
Aad iyo aad ayan udhaliilaya go’aamadan foosha xun ee kasoo baxaaya madaxtooyada muqdishu ee villa Somalia. Waxan hadal cad kuleeyahay halaga joogo xumaanta lawado oo umada sicadaalad iyo sinaan ah haloogu shaqeeyo.
Ugudamayntii waxan umahad celinayaa ururka Sahal ee markasta kahadla xaqiiqada dhabta ah ee Somalia kajirta waxan idin leeyahay howshiina halkaas kawada waxad tihiin Waa ubaryay umada somaliyeed.