Puntland ma ka badbaadi doonta khatarta ka dhallan karta isjiidjiidka siyaasadeed ee ka dhextaagan maamulka iyo mucaaradka?.
January 2, 2013 // Faallooyin, Warar SomaaliGobollda Puntland oo sannooyin baddan ku naaloon jiray xassilooni iyo horusocod dhanka dhaqaalaha ah, ayaad moodda hadda in ay jiraan khataro isa soo biirsanaya oo halis gelinkaraa horumarkaas hadii aan si dhaba looga fekerin xallinta khilaafdka siyaasadeed ee maalin kasta soo xoogaysanaya.
Maamulka uu garwadeenka ka yahay Madaxweyne Adbdiraxmaan Faroole, ayaa shirweyne uu ku qabtay Garowe bartamihii bishii April ee sandakan 2012 waxa uu ku meelmarsaday halsano oo loogu kordhinayo maamulkiisa si uu udhammaystiro nidaamka xisbiyada badan ee ka hirgeli doona gobollada Puntland marka ay dhammaato muddo kororsigaasi sida uu sheegay.
Muddo korsigaas ayaana saldhig u ah khilaafaadka hadda taagan oo dadka ka soo horjeeda ay ku tilmaamayaan muddo kororsi xeeladaysan oo aan dastuuri ahayn, iyaga oo kuu sheegaya in maamulka hadda jiraa uu xilligiisa uu ahaa 4sano oo ku eg Bisha January 8eeda 2013 taas oo ay ka harsan tahay maalmo yar, waana arrinta in badan oo reer puntland ay ka fekerayaan waxa dhici doona marka la gaaro waqtigaas.
Khilaafkuna waxa uu gaaray hadda heerkii u sarreeyey kaddib markii siyaasiyiin u dhashay deegaanka oo u sharraxan madaxtinimada gobolka ay warbaahinta kaga dhawaaqeen, in doorashada aan waqtigeeda la dhaafin karin, ilaa haddana mamuuqato udiyaar garow iyo qaban qaabo doorasho oo ay dawladdu waddo halka ay ku mashquulsan tahay raadinta dad xisbiyo furta oo ay maalgeliso iyo shirar beeleedyo ay taageero ugu raadinayso muddo kororsigeeda.
Ilaa iyo haddana uma muuqato dawlladdu mid dhegaha u furaysa baaqyada tirada badan ee ka soo baxaya bulshada reer Puntland ee ku nool gudaha iyo dibadda kuwaas oo muujinaya welwelka ay ka qabaan khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan in uu xuubsiibto gacankahadl, iyada oo aad mooddo in maamulku uu kalsooni ku qabo lifaaqa muddo korsiga ah ee jeebka ugu jira, taas oo in badan oo reer Puntland ahi kuugu sheegayaan, arri boowe arrinta Faroole waa ” Qabso oo ku qadimayside”.
Cabashadii reer qardhoodku ay u muujiyeen madaxweyne Faroole iyo jawaabtii dhiigu ku daatay ee uu ka bixiyey ayaa noqonaya casharada dimuqraadiyadda cusub ee ay ka baranayaan dadka reer Puntland barnaamijka xisbiyada badan ee ay waddo dawladdu.
la soco qaybta labaad ee aan kaga hadli doono :-
1-Cabburinta safaaxadda
2-Dhaqaalaha Mandaqadda
3-Doorka culimada qaarkeed ay ku leeyihiin isbeddelka socda.
4-Alshaabta soo Jeeda iyo kuwa suuxsan ee Puntland.
Weriye Muxsin Ali “Badmacaanshe”
Bossaso Puntland ,Somalia



waxaan inaga codsan inaad mucaarad nimada iska deeysa waxad sheeganaysaa magac qaran ah iyo bulsho is jecel xumaan ayaad u baahinaysaa waad ka baqdaan alle warkaad sheegta iyo kaad qortaanba alle waa idin kala xisaabtamayaa ee alle ka baqa oo xishooda wax dhaqan xun aa tihiine fuck wada ah shit up
marka hore halkan waxaan ka salaamaynaa shacab ka reer puntland
hadaan ka waramo xaalada kala guurka ee puntalnd
puntland waxay soo martay heerar kala duwan
maanta waxay maraysaa meeshii ugu xumayd
waxaa hada haysta madaweynayaashii soo maray kii ugu liitay
waxaan faroole u sheegaynaa wakhtigu markuu kaa dhamaado isaga deg kursiga hana u hoseedin dalka dagaal sokeeye
faroole isaga deg kursiga
Alle ayaa mahad iskale dhamaanteed waxaana liibaana qofkii wanaaga iyo waxsan sheega kashaqeeya waxaa dulaysan oo dhib qaba aakhiro iyo aduunba qofkii ama kooxdii kashaqaysa dhibaato iyo khilaaf iyo mashaqo dad iyo dal dagan ama umad muslim ah oo aan wax dhibaato ah kadhexmuuqan waxaa kaloo xadii nabiga csw laga wariyey ahaa hadalka wanaagsani waa sadaqo iyo in dadka waxsan oo khayr leh la la jeclaado oo laga malaysto oo loo rajeeyo marka waxaan leeyahay dadka xumaanta iyo wax xunsheegida caadaystay ha ogaadeen inay illaahood iyo umadiisaba ay dhib kuhayaan oo ay dabi kujiraan waxaan kaloo leeyahay wax waliba waa alle xagiis waxa ayka dhacaan shar iyo khayrba wixii xun waxaa shida oo ku lugleh ibliis iyo cawaantiisa wixii sanna waxaa kashaqeeya dadka alle wanaajiyey ee wanaaga jecel marka anu waxaan idin oran lahaa marka hore alle usoolaabta ooka toobadkeena waxa aad ku danbaabaysaan marka 2baadna waxaan idin leeyahay war wixii wanaag lagu waayey iyo walaaltinimo xumaan iyo dhibaato kashaqayn laguma helo ee aynu wanaaga kashaqayno oo haday wax khaldan yihiin aan si wanaag ah ku saxno oo wanaagbaa wanaag dhalee aynu si tasliix iyo walaaltinimo ku jirto dariiqsan ugu doono waxaa wax laga noxo ah in aynu kalagaran wayno dariiqa danta guud loomarayo iyo dariiqa duminta danta guud oo runtii sida wax looqorayo iyo sida loohadlayo ay noqoto midii cadawga iyo dadka wanaagdiidka ah toodii mid kaxun oo ka tiiraanyo iyo calool xun taasna waxaan u arkaa indho la aan iyo aqoon la aan iyo masuuliyad daro aan hadaf iyo ujeedo midna lahayn oo aan qiimayn karin wax shishe iyo wax soke toona waayo xitaa hadii aad wax diidan tahay ama aad qof neceb tahay waxaa haboon inaad aashaa necbaato wayo biri waa wax suurto gal ah inaad isku saf ahaataan oo aad isku siyaasad ahaatan sidoo kaleeto hadaad wax diidan tahay ama aad wax saluugsan tahay amaba aad aamin santahay inaad si uun waxa socda inaysan sax ahayn nidaam ahaan waxaa ila haboon in si farsamaysan oo aan adna wax kaatagin aadku kuraadsato si aan biri ka maalin adna inta aad hesho oo xilka aad qabato aan laguugu noqon laf dhuungashay ileen adba xeerin wayday wixii laysu ahaaye oo waxaad samaysatay oo aad abuurtay colaad iyo mahadho aad adu fogaysay eh marka waxaan leeyahay walaalayaal meelo farabadan aynu waxka eegno oo dalkeena iyo dadkeena wanaagiisa aynu kawada shaqayno sidaas ayaynu xal iyo wanaag kugaari karnaaye
Puntland waxay khatar u tahay in wadaado qabsadaan ee hallaga fiirsado oo dhaqso u midooba qofkaad dooran lahaydeena isaga soo dhex saara intaan wacdaro la idin tusin oo xeedho iyo fandhaal kala dhicin. maantaba hallagu dhaqaaqo in laga wada hadlo arrintaan.