Warbixin Sawiro Wadata Oo Ku Saabsan Bilicda iyo Tacliinta Degmada Iskushuban

January 5, 2013   //   Announcement, Warar Somaali

Waxaa dhowaan gaaray degmada Iskushuban ee Gobolka Bari qurba-joog kasoo jeeda deegaanka, kuwaas oo u kuurgalayey xaalada nololeed iyo mida tacliinta ee dadka ku nool magaalada qadiimiga ah ee Iskushuban.

Degmada Iskushuban waxaa wax ka barta arday faro badan, kuwaas oo xataa qaarkood waxbarashada ay kasoo aadaan deegaamada hoos yimaada Iskushuban ee la leh soohdimaha.

Iskuulada hoose, iyo dhexe ee demada Iskushuban ayaa haatan waxaa wax ka barta boqolaal arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaas oo heer wanaagsan ka maraya tacliinta asaasiga ah.

Gudoomiyahay waxbarashada degmada Iskushuban Mohamoud Ismail ciise ayaa ka waramay heerka waxbarashada degmada iyo staraatiijiyada u degsan ka mira dhalinta ujeedooyinka ay higsanayaan mustaqbalka dhow.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in magaalada uusan ka jirin dugsi sare oo marka ay ardayda waxbarashada hoose iyo dhexe dhameeystaan ay waxbarashada u doontaan magaalooyin kale, taas oo dhib ku ah degmada iyo ardayda.

Dhismayaal gaboobay oo aan dayactir helin, islamarkaana ay ka tagtay xukuumadii dhexe ee Somalia ayaa magaalada ku yaala, halkaas oo ahaan jirtay dugsiga sare ee magaalada Iskushuban.

Inkastoo gudoomiyaha waxbarashada degmada uu sheegay in hay’addaha samafalka ay waxoogaa kaalmo ah oo ku saabsan dhanka agabka waxbarasho ay degmada ka hesho, hadana wuxuu qaylo dhaan u diray qurba-joogta deegaanka meel walba oo ay joogaan inay gacan qabtaan sidii degmada qadiimiga ah ee Iskushuban u heli lahayd dugsi sare oo ay baahi weyn u qabaan ardayda dhameesata waxbarasha dhexe.

Maamulka, odayaasha iyo dadweynaha ku nool magaalada Iskushuban ayaa qurba-joogta ka codsanaya sidii dib loo abaabuli lahaa loona dayac tiri lahaa iskuulka sare ee degmada Iskushuban oo haatan u baahan dayactir balaaran, qalabeyn iyo in lagu daro dhismayaal kooban.

Gudoomiye Maxamuud Ismaaciil wuxuu carabka ku dhuftay hadii mushtamaca ku nool Iskushuban ay helaan iskuul sare oo degmadu yeelayo inay fursad qaali ah u tahay ardayda heli kari waayey ama ka saaqiday waxbarashada sare markii ay heli kari waayeen meel kale oo ay tacliintooda ka sii kordhistaan.

Muxiyadiin Abdullaahi Abshir oo isagu kamida xubnaha fir-fircoon ee qurbajoogta reer Puntland ee ku nool dalka Britain, ayaa soo arkay una kuur-galay xaaladaha kala gedisan ee ka jira degmada Iskushuban, wuxuuna haatan horkacayaa mashruuc dib boorka looga jafayo laguna gargaarayo tacliinta degmada Iskushuban.

Muxiyadiin iyo quba joogta kale ee kasoo jeeda degmadan ayaa isu xilsaaray sidii kaalmo macne leh looga geysan lahaa horumarinta iyo sare u qaadida waxbarashada degmada Iskushuban.

Degmada Iskushuban waa Magaalo Caynkee ah?

Degmada Iskushuban ee gobolka Bari waxaa ay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah ee gobolka Bari, waxaa degmada caan ku tahay waxsoo saarka geedaha timirta iyo qudaarta noocyadeeda kalle duwan ee laga isticmaalo gobolka Bari.

Iskushuban waxaa mara silsiladda buuraha Golis, waxaa ay leedahay illo biyeed abaar iyo doogba aan gurin, taasi oo biyaheedu ka yimaadaan silsilada buuralayda Golis ee mara gobolada waqooyi ee dalka
Soomaaliya.

Waxaa degmada kuyaalla dhul ku wanaagsan daaqa,dhismayaal uu gumaystihii Talyaanigu hirgaliyay oo isugu jirta saldhigyo, taallo iyo garoon diyaaraduhu kasoo degi jireen kahor intii xornimada dalku qaadan

balli-iskushuban-roon

Shacabka degmada Iskushuban ayaa noloshoodu ku tiirsantahay dhaqashada xoolaha iyo tacabka beeraha maadaamada ay buuraha Golis ay xiliyada roobabka ka jiraan gobolada waqooyi ee biyahooda kusoo shubaan buuraha degmada oo usii gudbiya dhanka badwaynta Hindiya.

 

beeraha-iskushuban16-kanaal

dhismayaashii-gumaysigii-talyaani-iskushuban

geedaha-timirta-iskushuban

masjid-taariiqi-ah-iskushuban

kanaal-iskushuban

 

MACLUUMAAD INTAAN KA BADAN HADII AAD DANEYNEYSO FADLAN LA XIRIIR: MO. ABSHIR EMAILmoabshir@hotmail.com

 

COMMENTS

RSSComments (24)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Mj boy says:

    Asc.dhalinyarada reer pntlnd dhulkiina dhista wanaagana isku raaca xumaantana iska reeba dadkiina. dalkiina iyo diintiinaba ha hilmaamina isku shuban masha Allah ilaahoow ha idilin anoo soo arkin ilaa xaafuun baargaal. Bandar beeyla. Qandala. Laasqoray.wanaaga always xumaha kuwii iska waaniya allaha naga dhigo Somalia iyo pntlnd dadka dhibka kuhaya allaha ka qabto cideey doonaan ha noqdaan

  2. waa war wanaagsan inladhiso iskuul sare iskushuban waameel barwaaqa ah hadiilagarto alow nagaransii sida geedaha loobeerto geyigana noobarwaaqay

  3. Mdeeq says:

    KU: Mohiyadin Abdullahi abshir
    Waad ku mahadsantahay Jawaabtaada oo ku aadaneeyd manhajka hada laga dhigo primary schoolka iskushuban

    Talo
    waxaan talo soo jeedinayaa Qorshe 6 months ah oo fundraising secondary school iskushuban lagu kicinaayo in eey qurba joogta ka wada qeeyb qataan

    secondary school iskushuban waa in laga dhigaa Manhajkiisa language school

  4. Cade Cadey says:

    asalaam caleeykum waramatulaahi wabarkaatu. waa waxa wanaagasan wayi gelenta
    dhamaan jaaliyada reer isku shuban gaar ahaan qurba joogata meelkasta aay joogan waxaa iska baraarujuna bahada reer isku shuban inaay waxa kageeysataan dib udhiska dugsiga sere ama dhexe midkuu noqado wanaa ku mahada santihiin dhaliyarada nasaa weyigelisay gaar ahaan dhaliyarada joogata gobolka bare gaar ahaan iskushuban inshaa alaahu waan uistaageeynaa waan utaagabahaya waxaan idinka cadsaneey naa garabaka qabana dagmada isku shuban

  5. Cade Cadey says:

    asalaam caleeykum waramatulaahi wabarkaatu. waa waxa wanaagasan wayi gelenta
    dhamaan jaaliyada reer isku shuban gaar ahaan qurba joogata meelkasta aay joogan waxaa iska baraarujuna bahada reer isku shuban inaay waxa kageeysataan dib udhiska dugsiga sere ama dhexe midkuu noqado wanaa ku mahada santihiin dhaliyarada nasaa weyigelisay gaar ahaan dhaliyarada joogata gobolka bare gaar ahaan iskushuban inshaa alaahu waan uistaageeynaa waan utaagabahaya waxaan idinka cadsaneey naa garabaka qabana dagmada isku shuban

  6. Wiil nugaal says:

    Dhulka Puntland ilahaybaa balaadhiyay qurxiyay waxaa jira degmooyin badan oo quruxbadan una baahan waxqabad laakiin yaa wax qabanaya? Anigu waxaan qabaa in bulshadda reer Puntland iyagoo midaysan in ay horumariyaan dalkooda. Waxaan sameyn karnaa isbadal waase goorma waa marka aan midowno.Xagga maamulka waxaan laga maarmin si horumar loo gaaro in la helo maamul hufan oo bulshadda ka soo baxey si guudna loola xisaabtami karo. Qabiilka aan ka gudubno una gudubno xisbiyo ku tartamaya anaa kaa daacadsan kaana waxqabad fiican.

  7. samawada says:

    Horta aad iyo aad baad u mahadsan tihiin bahda puntlandnews24 iyo ciddii soo diyaarisey barnaamijkan, waa inaanu meesha ka kacnaa oo sida ugu dhaqsiyo badan lacag u ururinaa meel hoo u baahan hadal waxba kama taro,wabillaahi towfiiq.

  8. (carmo"xirrirro) says:

    masha’allah guul midnimada puntland allow nabada noosiyaadi amiiiiiiiiiiiin %%% viva puntland reer puntland waa ineedhisaan raascaseer ilaa raskonbooni waa dhul gaar ahaan leyihiin DD viva kismaayo fanoole calanley lugabaxsi ilaa fuuma kinyasuu kooyame kudhaa buurgabo raskonbooni madhawi jula jabaa allow nabada noosiyaadi amiiiiiiiiiiiin %%%

  9. aad baad ugu mahadsantihiin commmentska aad ka bixiseen qoraalkan ama dareenka aad ka muujiseen baahida ay magaaladu qabto in ay yeelato dugsi sare,waxaan jeclaan lahaa in aan clarify gareeyo dhismo cusub maahan waxa hada ladoonayo in lasameeyo ee waa in dib dayactir loogu sameeyo schooladi sare ee dawladii dhexe katagtay sidaad ka aragtaan sawirada daaraha burbursani ka muuqdaan. Mdeeq walaal manhajka hada laga dhigo primary schoolka waa Carabi iyo Somali axample xisaabta/scienceku waa carabi Taariikhdana waxaa lagu baraa af Somali laakiin waxa uu maamulku ku rajo weynyahay in uu dhowaan English ka dhigo. Finally waxaa u istaagay howshan charity ladhoho SOM Development Ltd oo ka rajisgareysan wadankan Engriska already na bilowday fund raising marka fadlan qofkii kii doonaya in uu ka qeybqaato hanagala soo xiriiro emailka kor ku qoran

  10. Caaqil Bari says:

    Waxaa dhab ah in waddanku wax qabad u baahan yahay, markaad sawirrada fiiriso waad naxaysaa oo waxaad ogaanaysaa in madaxda Puntland nin walbaa danihiisa gaarka mooyee aanu wax kala jeclayn ,haddii aynu is bar bar dhigno ISKUSHUBAN iyo GAROOWE waxaad garaneysaa farqiga u dhexeeya, teeda kale bal adeer Cadde Muuse halla weydiiyo wixii uu u qabtay magaalada, marka ogaada ninkaloo shisheeyena intuu magaaladaada yimaado inuusan wax u qabanayn haba yaraatee, dhibaatada meesha ka socotana waxa weeye ragga xukunka aad u dhiibtaan oo aan laga fiirsan inuu waddani yahay dadkiisuna isugu mid yahay, hadda iyo dan raadiya oo soo doorta nin qabiil ka madax bannaan, waddan qurux badan ayaad haysataane wax u qabta dhibkana idinka saara.

  11. LAYLA CADEEY says:

    WAR QURUX WAAYE INTAAD KA BAXDAAN DADKAAN WAX MA UQABANAA OO INTAAN LACAG URUURINO AAN U DHISNO DUGSI SARE. TAAS AYAA NALOOGA BAAHAN YAHAY HADAAN NAHAY DAD SAMAFAL KA JECEL KA QEEB QAATA TACLIINTA MAGAALADAN INAAD DHUL U II BISAA SI LOOGA DHISO SCHOOL SECONDARY AH OO FIICAN.

    TAAS WAA IGA TALO WALAALAYAAL . GUDOOMIYAHA MAGAALADA WAXAAN KA CODSANAYAA INUU ASAGA BILAAWI DHULLKII LAGA DHISI LAHAA LACAGNA LOO ARUURIYO KADIB INSHA’ALLAH DADKA WAA DAD KHEER BADAN DADKA QURBAHA AYAA KA QEEB QAADAN DOONO IYO KUWA GUDAHABA.

    TALAABADAAS WAA IN LAGU DHAQAAQAA.

  12. sayid bari says:

    asc aad baan uga helay waana kumahad santihin intii soo diyarisay lakin waxaa larabaa dhul badab oo bariga ah oo tarikh iyo bilic baleh ondad badani aqoon bajiree inlatago wana inlaga qayb qaato iskushuban horu marin teeda lakin lax barkade miyaa weli xakuma kkkkkkkkkkkkkk

  13. waa ku mahad santihiin asxaabta puntlandnews, barnaamijkaan xiisaha badan, halkaas ka wada guulaystayaal.

  14. sww waan ku faraxsanahay in la soo xasuusto dhulkii taariikhiga ah marka waxaan ku boorinayaa in waxqabad la muujiyo iyo dadaal

  15. Mdeeq says:

    Ku: Muxiyadiin Abdullaahi Abshir
    waxaan ku weeydiyay Primary School-ka iskushuban ka furan Manhajkee lagu bartaa

  16. Adam says:

    Waxba maahan waxaa ku filan inteenaan reer Puntland ee Scandanevianka deggan inaan u ololeeno dhisida Dugsi Sare waana in loo kacaa Puntlanders ka jooga dhan qurbaha. Waxaan idinka codsanayaa kaliya Dhulkii inaad soo gelisaan ee laga dhisilahaa plan kaas kaliya lacagta waa iska imaanaysaaa waxaa baddan dadka qeerka jecel.

  17. Waaaaaaaw
    Qurux aya ka muqata iskushuban
    Dadlkeena run ahanti wa dal isku filan
    Hadi isku shuban so saarto sida carabta
    Anagana waxi kadhiman an so saarno
    Dalkana nabad noqdo waxan huba is qabqabsi iyo qabiil in ay meesha kabaxayan ileen shaqa la’an aya sabab u ah xukun jacaylka

  18. mohamed hassan says:

    fadlan dhul quruxdaa leh ayaa Eebe ku siiyey ka ilaali:
    1) nabaadguurka
    2) sumuynta xoolaha iyo dirta
    3)carro guurka

  19. mohamed says:

    asc wr wb marka hore salankadib waxan mahad balaaran uso jedinaya shaqaalaha warbahinta PUNTLANDNEWS24 inta kadib waxan kula talinlaha bulshada reer iskushuban ee qurba jogta ah iney u istagan degmada sidi wax logu qaban lona hirgelin laha dugsiga sare ee degmadu u bahantahay ma u malaynayo hadi laysu tago iney wax sas u weyn noqoneyso gacmo wada jir ayey wax ku goyaan wa bilahi towfiq AC

  20. aware yare says:

    hi salaan sare all waxaa layaab ah dawlada buntland ma dayactiri waysay wakhtigii cade maxxaa loo dhisiwayeey iyo 4 sano faroole jogay waa les then 10.000$ mida kale wax danta wadaa majiraan qofwalbaa dantiisu uordayaa waa selfish dadkayagu mida kale hay ado ayaa inta badan sameeya maa lala hadlo waa dayactir wadadaal fican in aan ogaano sida wax ujiraan thanks

  21. Mansha allah isku shuban waa deegan ku wanagsan beeraha iyo xoolaha daajintooda waana magaalo taariikhiya waana in gacn wangsan laga gaysta horumarka deegankas dhinac waxbarasho iyo caafimadba

  22. caqil says:

    asc waa wax loo bahan yahay in ay yeelato iskushuban dugsi sare waa inaynu xooga saarna sidi aan u hirgalin laheen dugsi sare waxa wax aad looga xumaado ah beenta uu wasiirka jaxa sheego uu dhaha waxbashadi puntlan ban kor u qaday tan maanta ay arkayno waxay muuji naysa in dolwlada puntland ay ka shaqayso gobolka nugaal waxan dadka reer iskushuban ka codsanaya inaad mudahiraadan oo waliba ka mudahiraadan kororsiga halka sano oo xaaranta ah mida kale waxan u baaqaya bulshada reer iskushuban meel walba aad jogtaan waa inaad u kacdaan sidi loo hirgalin laha dugsi sare

  23. faatax says:

    asc waa wax loo bahan yahay in ay yeelato iskushuban dugsi sare waa inaynu xooga saarna sidi aan u hirgalin laheen dugsi sare waxa wax aad looga xumaado ah beenta uu wasiirka xuja sheego uu dhaha waxbashadi puntlan ban kor u qaday tan maanta ay arkayno waxay muuji naysa in dolwlada puntland ay ka shaqayso gobolka nugaal waxan dadka reer iskushuban ka codsanaya inaad mudahiraadan oo waliba ka mudahiraadan kororsiga halka sano oo xaaranta ah mida kale waxan u baaqaya bulshada reer iskushuban meel walba aad jogtaan waa inaad u kacdaan sidi loo hirgalin laha dugsi sare

  24. Saciid says:

    Asalaam calaykum dhamaan bahda websiteka iyo dhamaan qurbajoogta noo soo gudbisay xaalada magaaladan. Walaal waxaad noo soo qortaan telefoonka Gudoomiyahay waxbarashada degmada Iskushuban Mohamoud Ismail ciise. Waxaan jeclahay inaan la xeriirno Gudoomiyaha si aan wax ugu weeydiino arimahaas. Walaal min fadlak ku soo qora tel lagala xeriiri karo Gudoomiyaha Mohamud ciise.

Leave a Reply