26-ka June Maalin ku weyn xusuusta Soomalida

June 26, 2012   //   Warar Somaali

Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka June waxay ku beeggan tahay maalintii ay xorriyada qaateen gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya, waxaana markii ugu horreysay calanka Soomaaliyeed laga taagay magaalada Hargeysa.

Sanadka markuu ahaa 26-ka June 1960-kii ayaa gobollada waqooyi ee dalka Soomaaliya waxay ka xorroobeen gumeysigii Ingiriiska.

Maanta oo kale ummadda Soomaaliyeed waxay u tahay maalin weyn, iyadoo ay u suuragashay shacabka oo isku duubnaan muujinaya in ay iska dul qaadaan dhibaatadii gumeystaha Ingiriiska.

Xuska munaasabadda 26-ka June oo ka soo wareegatay 52 sano markii ay xornnimada qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah.

52-sano kadib waxaa ku soo aaday in sanadkan in markii u horeysay muddo 21 sano ah ay wada hadalo mustaqbalka Soomalia ku saabsan wada yeeshaan Somalia oo uu gumeysan jiray Italiano iyo Somaliland oo loo aqoon jiray British Somaliland.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply