80 arday oo ka qalinjabiyey Machadka Farsamada Gacanta ee Qardho [sawiro]

January 22, 2013   //   Warar Somaali

Xaflad si heersare ay u soo agaasimeen Maamulka Machadka Farsamada gacanta Gardo Technical Vocation Center (GTVC) ayaa lagu qabtay Howlka Xaruntaasi,waxaana ka soo qeybgalay Maamulka Degmada Qardho,Gudoomiyaha Gobolka Karkaar C/qur’aan max’ed Aadan, Madax ka socotay Hey’adda Save The Children ,ardaydii ka qalinjabisay Machadkaani iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan.

Arday_Kaqalinjabisay_GTVC_Qardho. (5)

Ugu horeyntii waxaa ka hadalay Maamulaha Machadaka GTVC Jimcaale Cali oo sheegay in ardaydaani ay barteen farsamooyinka kala duwan sida.
· Mobile Repair.(Farsamada Dayactirka Mobilada)
· Computer Training.(Barashda Xirfadaha Computerka)
· Business .(Barashda Maamulka Ganacsiga)
· Electric. (Barashda Korontada)
· Beekeeping.(Barashda Xanaaneynta Shinida iyo Ka faa’ideysigeeda)

Arday_Kaqalinjabisay_GTVC_Qardho. (6)
Mr. Jicmaacle ayaa sheegay in arday ay baranayeen Xirfadahaan muddo dhan muddo todobo bilood,waxaana dhanka maalgalinta ka cawiyey Hey’adda Save the children,waxa uu xusay Maamulaha in mashruucaan lagu magacabao Social Safety Net Project, waxaana looga talagalay in aryday ay ka bartaan xirfadaha kala duwan si ay noloshooda wax ugu badalaan,Waxa uu xusay in ay jiraan dhalinyaro la abuurayo ganacsi qaarna la siinayo Qalab ay ku shaqeystaan,waxana uu ku dhiiri galiyey in ay ka faa’ideystaan fursadaan soo martay.

Arday_Kaqalinjabisay_GTVC_Qardho. (8)
Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogamo-laror ayaa ka hadalay Xafladii maanta shahaadooyinka lagu gudoonsiinaayey ardaydaan baratay xirfadaha waxa uu sheegay in loo baahanyahay in dhalinyarada ay bartaan xirfado kala duwan,waxa uuna la dardaarmay dhalinyaradii ka qalin jabisay machadkaani in ay sii kordhiyaan xirfadaha ay barteen islamarkaana ay ku shaqeystaan,si ay wax ugu badalaan heerka noloshooda.

Arday_Kaqalinjabisay_GTVC_Qardho. (7)

Kulankaani ayaa waxaa ka hadalay Dr. C/llaahi Maxamuud Nuux(Goobe) oo ka socday Hey’ada Save the childreen ayaa sheegay in mashruucaan oo ka socdo meelo badanoo ka tirsan Puntland intabadana waxaa ka faa’ideyta dhalinyarada u jeedana mashruucana waxa uu yahay in shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarda aan helin fursada waxbarsho,sida kuwa soo barakacay iyo dhalinyarada baadiyaha ka soo xaroota.

Arday_Kaqalinjabisay_GTVC_Qardho. (15)

Gudoomiyha Gobolka karkaar C/qur’aan Maxamed Aadan ayaa ugu danbeyntii soo xiray Kulankaani waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah leedahay in la helo dhalinyaro baratay Xirfadaha kuna shaqeysta, waxa uuna u mahadceliyey Hey’adda Save the Children oo howlo badan ka wado guud ahaan gobolka karkaar.

Arday_Kaqalinjabisay_GTVC_Qardho. (9)

Xafladaani ayaa waxaa shahaadooyin la siiyey dhamaan ardaydii ka faa’ideysatay barashda Xirfadaha ay bixisay Machadka Farsamada Gacanta ee Qardho,waxa ayna xafladanai ku soo dhamaatay jawi aad u heersareeyo.

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. SYL says:

    Way to go Qardho!!!!.

Leave a Reply