Aamusnaan Mayno Anagoo Ujeedna Xaqdarro [Abukar Cawale]
December 18, 2012 // Opinion, Warar Somaali
Waxaa guux iyo Bulaan kayeerayaa qurbajoogta kasoo jeeda Puntland kuwaasoo intooda badan aad uga xumaaday Xarigii iyo shaqo joojintii lagu soo rogay Agaasimihii iyo Agaasime ku xigeenkii hay’ada Daryeelka bulshada ee puntland Mudanayaal Cabdikaafi M xasan & Ismaciil Aaden Diiriye.
Shaki kuma jiro in dowladu ay xaq uleedahay inay kahortagto cid alaale cidii keeni karta ,halisna gelinkarta burburka iyo horomarka ay hiigsanayso Puntland .
Gudoomiye kuxigeenku mayahay nin Qatar galinkara Puntland Mise maamulaka ayaa waxaa kudhacaya cudurka loo yaqaan paranoid ama shaki sababa in qofku hooskiisa kacararo. Ckaafi Xaq ayuiu u leeyahay inuu lakulmo nabadoonada iyo dadweynaha ,wuxuu kaloo xaq uleeyahay inuu cabiro fikirkiisa wa sida aan anigu hada yeelayee.
Maxaase shaqada loga Joojiyey Ismail aaden diireye oo ahaa howlkar juhdi iyo waqti badan geliyey inuu u hiiliyo dalkiisa iyo dadkiisa markuu qurbaha kunoolaana ahaa nin ku caan baxay difaaca qadiyada iyo sharafta Puntland ,intii uu xilka hayey ismaaciil wuxuu Hay’ada kusoo kordhiyrey horumar balaaran hadaanu nahay qurbe joogtana waxaan filaynay in loo aqoonhsan doono (Employee off the Year ) waxaase loogu abaal guday in shaqada laga joojiyo dadka ay arintani saamayn doontana waa dadka danyarta , maatada Naafada Puntland oo noqonaya kuwa ay arintani Saamayn doondo ( The Real Victims ).
Waxaa kaloo ayaan daro weyn ah qurbe joog kale oo badan oo wax soo bartay oo xir-xiraa inay dalkood kulaabtaan kana qayb horumarka iyo dimoqraadiyada ay hiigsanayso puntland ayaa waxaa ku dhacay niyad jab weyn arintaasoo keeni karta in laga quusto ama laga samro kulaabashada Puntland , shaki kuma jiro inaanaan wax badan kabadeli Karin waxna aanan ka qaban Karin laakiin aamusnaan mayno anagoo u jeedna xaqdaro.
Abukar Awale ( Qaad Diid )
Gudoomiyaha Ladagaalanka Qaadka.



A/C, Way wanaagsantahey in laga hadlo xaq darrada laakiin myeysan wanaagsaney in dadka loo iftiimiyo xaqdarrooyinkii hore iyo kuwa maantey taagan iyo kuwa hadda soo socda taasna waxaa la mid ah ayadoo wax hadala uusan uga bannaaneyn ummadaha tirada badan ee reer puntland illaa hal qoys maahane, qoyskaas oo ayagu isu bad bad badala talada iyo xukunka dadka qaarkoodna auy ku doodaan in reer puntland hal qoys yahey taasna ninka yiri Allah buu been u sheegey sababtoo ah halkii qoys waxaa boobey sub qoys oo ah maxamuud saleebaan beelaha kale oo harti ah ama daaroodka nala wadaaga ama carabsalah oo aad kulligood mudnaan u lehna warkoodaba daa. Runtii anigu ma u hadlayo qabiil ahaan laakiin waa xaqiiqada taagan sabatoo ah fiiri inta doodaysa oo xaqdarro amla xaq ka hadleysa liistadana uguma jiraan ummadaha kale ama majeerteen ha ahaadaan reer bari ama reer mudug. Allah baan idinku dhaarshey intiinna caqliga u saaxiibka ah oo ka dhalaetey maxamuud saleebaan ii sheega meesha aad caddaalad ku haysaan. Ogaadana soomaaliya waxey la bur burtey waa caddaalad darro. Marka waxaan aad ula yaabanahey dad u doodaya caddalad oo wadaddeedinna aan hayn.
ninka qoraaga ugu jawaabey in arrintu maxamuud saleebaan u dhaxayso oo asagana rermaxamuud ka yahey been ma sheegeen, runtii asagu qoladuu rabo ha haado ujeedada uu rabana hadalkaa ha ka lahaado laakiin hadal xaqiiq ah aniga kaliyana maaha ee wax dhab ah oo qofwalba uu u jeedo marka Bulshada kale ma xishoonayaan ma dulqaadanayaan ma baqayaan mise aniga ma fahmin sababta ay xaqooda u dhacsanlayihiin ama u fiirsanayaan dadka dulminaya oo yaga kaliya say doonaan iyo waqtigey doonaan ugu talinaya Puntland. Badanaa marka ay wax sameynayaan ama wax rabaan waxey dhahaan reer puntland laakiin mma dhahaan maxamuud saleebaan sida yurub ama mareykan ay ugu marmarsiyoodaan bulshada caalamka ayagoo ujeedo gooniya ku fushada magacaas.Hadlakeyga waxaan ku soo gabagabeynlahaa dadka hadda xaqdaarrada u doodayoow horta naftiina ka bilaaba oo ilaasha xuquuqda ummadaha kale oo ka si wada jir ah aan uga hortagno nidaam kasta oo faasidah iyo in aan fahano in dhammaanteen aan u wada baahaney ixtiraam iyo nolol sharafleh.
Baydan waxad u hadlaysaa sidii qof aan wax garad ahay, waxa laga hadlayaa waa dadka uu faroole iska xirxirayo iyaga oon wax dhiba gaysan, loona xirayo qof hebel ayay arkeen , la shireen ama dowlada ayay qaladkeeda tilmaamen, reer puntland na qabiil ma kala laha oo waa dad hal oday ka wada yimi, isku dana isku dal dhibkuna waa taabanayaa qofkasat oo wax garad ah.
asc wwb walahi waa yaab mana yara puntland alow u miciin teeda kale abuukar sheekadaan maxamuud salebaan ayeey utaala kafariiso jaale reer maxamuud ayaakatahaye kkkkk
waa sax in aan xaqa laga amusin runtii waa khalad weynwaxaa aay ku kacayso xukumadu
ha xishooto oo sharciga ha u hogaansanto bi fadlan
abukar walaal barmaamijyadada aad ayaan u tagera aniga o weliba ka hela runti hadana waa ku farxay hadaa sii noqotay nin aan asal ahaan isku gobal ka so jeedno
aadna ka mitahay bulshada indheheda gulayso ayan ku leyahay adiga iyo inta wanaga jecel