Aaran-Jaan Talo Ma lagu Dayey ? [ARAGTI]

January 8, 2013   //   Opinion, Warar Somaali

Waayo-aragnimadu waxay inay tusaysaa in aan kala doorano waxa inoo roon iyo waxa inoo daran, inagoo mar walba xusuusteena dib u eegayna. Waxaan shaki ku jirin haddana in dadku leeyahay ehel iyo saaxiib uu ku kalsoonaan karo, marar badanna uu ka talo qaato.

Haddaba, Madaxweyne Faroole ayaa dad badan waxay aaminsan yihiin in ay majaraha u hayaan niman lagu magacaabo AARAN-JAAN, oo ula jooga in ay danahooda ka fushadaan, iyagoo goobaha la isugu yimaado ee shaaha lagu cabbo uga sheekeeya hadalo aan munaasib ku ahayn Madaxweyne Faroole iyo bulshaweynta Puntland toona, hadaladaas waxaa ka mid ah

- Gacantayada ayuu ku jiraa, haddii uu isku dayo in uu ka baxana cidla ayuu aadayaa.

- Yaa wax ku haysta oo mucaarada, waa Gaagaab iyo Samatar, labaduna waa fashilmeen.

- Boosaaso waan waardiyeysanaynaa, awood baan ku heysanaa, Gaalkacyana ha buuqeen waxba nagama soo galaan.

- Garoowe, tolkeen ayaa noo ilaalinaya guddi ayaan u samaynay, cid aan deegaanka ahaynna xil kama qabanayso.

- Oday dambe oo leh dhaqan baan ahay, waxba la weydiin mayo.

- Xisbiyaan ku tartamaynaa, cid wax naga qaadi kartana lama arko.

Waxaa Baaqyo badan ka soo baxeen bulshada qaybaheeda kala duwan,carruur iyo ciroolaba, dibad iyo gudaba, baaqyadaas oo ku wajahnaa Madaxweyne Faroole, balse aan aaminsanahay in aan Aaran-Jaan u gudbin, iyadoo haddana ay ka xireen Idaacaddiuhii uu dhagaysan jirey, si uusan ula socon halka xaal marayo, iyagoo marka ay dhacaan  mudaharaadyo looga soo horjeedo sanad-kororsigiisa, ugu sheekeeya waxaa maanta dhacay bannaan-bax lagu tgaageerayo Ururka Horseed, saw kaaf iyo kala dheeri ma aha, mase lagu tilmaami karaa nin xoriyaddii laga qaaday, oo aan talo faro ugu jirin.

Ujeedka Maqaalkaygan ayaa ah bal in maanta talada loo bandhigo AARAN-JAAN, waayo Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘Madax muuqda iyo midi saawira midna lagama samro’ waxaan leeyahay war nimanyohow dalku wa dadkiinii, dadkuna waa dadkiinii, ha u horseedina bur bur iyo halaag, waxaad cuni lahaydeen cunte, cidina wax idiinma haysato, intaad odayga habaabin lahaydeena habaabise, oo waxaa la yiri wax la cayrsho been ayaa u gaabisa, waad la socotaan ereyadaad odayga kula taliseen ee ahaa waxaa la i doortay 5 sano, in uu afkiisa ka  sheegay 4tii sano ee la doortay oo ku eg 08/01/2013, odayga u nasteexeeya oo laba mid uun ha soo galo

1. In uu iska nasto, noqdana hogaamiye magac iyo maamuus ku leh dadkiisa iyo dalkiisa doorashadana qabto.

2. In uu tartamo, wax Alle ka siiyaba, kuna qanqo natiijada soo baxda doorashada dhici doonta.

Waxaan intaas kor ku xusan ahayn qofkii keena ayaa iga talo-aqoonsan.

Cawaale Axmed Oday

Gaalkacyo, Puntland

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame Khalaf. says:

    Dr Faroole mas’uuliyad gaar ayaa ku saaran, khatar ha galin dadka iyo dalka aad madaxda u ahayd mudada afarta sono ah.

    Mas’uuliyad shacabka Puntland ma kusaartay hay.

    Mas’uuliyadii makaa dhamaantay aad madaxweynaha ku ahayd: kadeg.

    Karrorsi shcabku makuu ogolyahay kororso oo hay.

    Kororso shacabku ma kuu diidan yahay : kadeg.

    Maamulka , dadka iyo dalka Puntland dad mus’uul qaadikara kusug oo ku ogow, yaan khatar lagalin Puntland.

    Waa garan la’lahay mus’uuliin haddii aad tihiin waxa dhibaatada abuuray oo ugu jirtaa dhibaato hadal.

    W.Kh

  2. Puntland says:

    Guulayso iyo nabad

  3. daran door. says:

    To:Warsame khalafoow jooji Aflagaadada,haddaa aaran jaan tahayn,wax loo jawaababa maad istaahisho,waxaadna Helaaysaa Jawaab ded dega.

  4. Warsame Khalaf. says:

    Puntland arimaheeda yaan qabiil la isticmaalin.

    Dumarka hadalada qabiilka is ticmaalaya, ka jooga hadaldaas aan faa’iidada lahayn.

    Maxaa taqaan ha lagu hugaamiyo Puntland aysan ku jirin yaad taqaan.

    Please, know your rights and responsibility,
    and together look after Puntland and its people.

    Puntland needs strong leaders and guidance for better future, not like current talks and situation.

    No Federal Government is for Puntland.

    The Federal Government may use what is obtained in the name of Federal Government against Puntland. This will happen in way or another, but Puntland has to depend its own people and defend what Puntland people believes, and where its own interest lies.

    Stop current situation getting worse and bringing unexpected.

    Around us there are lots of enemies from nature, from Somali people, from strangers. What we need is strong leaders, with courage, ability, knowledge, expert and after all can get help from Puntland people not from a specific tribe they think they are belong to. Respect who talks to you and who you whent to talk to, listen and resolve together the current situation in Puntland.

    W. Kh.

  5. Afqalooc says:

    Faroole waqtigii waa ka dhamaaday wixii maanta oo bisha January tahay 8 2013 wax dowlad la yiraahdo oo ka talisa deegaanada Puntland ma jirto waayo mandate ah kama haysto bulshada reer Puntland, wixii maanta ka danbeeya waa xoog iyo awood laysku muquuniyo.
    Xil faroole weligii sida taariikhda aan ku hayno si qurux badan uma wareejin, caruu ama xanaaq ayuu kaga tagaa meel kasta hadana caruurtaa gacanta ku haysa oo yaan xil inuu dhiibo laga sugin.

  6. kulmis 1 says:

    Soomaalidu waxaay ku maah maahdaa Ninkii waalan,Ninkiisaa u miyir qaba,waxaase Aaran jaan iyo Faroole kaga haboon,Dadka Daahyada ku gabanaya Ee Faroole iyo Aaran jaan Ehelka u ahoow,Goob-joogna ka ahaa Tarxiilkii Ergooyinka Puntland Aaran jaan,Faroole iyo wiilkiisu Caasimadda kaga sheegteen,kuwo Ergada ka mida lagu jir dilaay,kuwo lagu xir xiraay,kuwo lagu Aflagaadeeyey Waxba yaan lagu gaban Daaha Gadaashiisa ,Faroole iyo Aaran jaan Cirka kama soo dhicin,dad baa dhalay Isimo iyo Nabadoono ayay leeyihiin”Waxaan Leeyahay War EEY Ninkiisaa qabsada” waa talo wanaagsan oo aan nin caay iyo amaan ku ahaay Haddii larabo inuu dalku inaga dhexeeyo,haddaa Go’aan sateen,Caasimadda Unukaa leh,Dee sidii Abgaal iyo Murusade ayaad soo wadaane noo Cadeeya intaay Aaran jaan Dumarka naga Kufsan,wax kaloo aad xamar ku dhaantaan maay jirto,waxaana noo Cadaayseen inaay Caasimaddu dadka u dhaxaay oo Qooys gaara leeyahay,Waayo Isimada Gobolka Nugaal Ilaa Hadda wax Abolojaaysa lagama hayo,Taas micneheeda maloo qaadan karayaa wax baay ka Og-yihiin mise Xaniinyaha Ayaa laga Siibaay?

Leave a Reply