Abdirahmaan Faroole iyo Wafdi uu Horkacayo oo Bosaso Dib Ugu Noqday [Dhageyso]

January 23, 2013   //   Warar Somaali

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay maagalada ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

dhageyso Madaxweynaha oo saxaafada la hadlay

Madaxweyne Faroole iyo wafdigiisa oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaarada Amaanka Puntland Khaliif Ciise Mudan iyo wasiiro kale ayaa waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Boosaaso Qeybaha kala duwan ee Waxgaradka, Odoyaasha, Nabadoonada Ganacsato iyo Maamulka.

Ka dib markii uu soo degay madaxweynuhu waxa uu salaan saf dheer ku maray masuuliyiintii kala duwanaa ee Soo dhaweynayay waxaana madaxweynuhu ka dib hadal siiyay saxaafada.

Waxa uu Dr Froole u sheegay saxaafada in safarka ay ka soo laabteen ay ku gaareen xarunta dalkaasi Jabuuti iyagoo u socday ka tacsiyadeynta geeridii kutimay gudoomiyihii bankiga dhexe ee dalkaasi Jabuuti.

Waxa uu sheegay in shacabka iyo maamulka Dalkaasi Jabuuti ugaga soo tacsiyeeyeen geeriyda naxdinta leh ee ku timid Jaamac Maxamuud Xeyd oo uu sheegay in uu ahaa nin lafdhabar weyn ka ahaa dalkaasi .

Faroole waxa uu intaasi ku daray in intii ay ku sugnaayeen safarkooda tacsiyadeynta ahaa ay kulamo la qaateen Madaxda dalkaasi Jabuuti iyo hay’ado caalami ah oo dalkaasi ku sugnaa.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dalka Jabuuti siiba madaxweyne Ismaaciilka dalkaasi ay la qaateen kulan la xiriira arimaha Amaanka iyo xaaladaha kale ee gobolka siiba Soomaaliya, kaas oo ku soo dhamaaday si wanaagsan.

Waxa uu hadalkiisa sidoo kale Tacsi ugu diray shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Reer Puntland geeridii ku timid madaxweyne ku xigeenkii Hore ee Puntland Alaha u naxariistee Xasan Daahir Afqurac

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. soleil says:

    guul master president farole meshaan adaa ka bixi kara oo mooryantaan umada soomaaliyeed ku habsatay meel saari karaa runtana an ka xishoon.

  2. YUSUF says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. rashid says:

    waa bentiisa tacsida oo dhamatay uu u dhofay jabuuti.Masuliyintii ka qebgalay Tacsida sida wafdiga wasiirada Somaliland , oo sawiradoodi la wada arkay iyagoo dukashada ku jira, malintaas Dubay beey ka degeen.Mida labaad Faroole hal sawir ma hayo uu tuso Ummada Reer Puntland inuu tacsidaas ka qebgalay.Mida kale anigu weligey ma arag, Madaxwene Farole iyo Madaxwene Geele oo isla sawiran, madaxtoyada Jabuuti lagu qabilayo ama xitta Hotelada jabuti.

  4. Cali guleed says:

    Bal qofkaan eega dadka wax ka sheegaya oo asagu magaciisa saxi waayey waa yaabe,Laba aabe miyuu leyahay.U fiirsada waa Aadan maxamuud iyo Aadan diiriye?Bal hadana isu fiirsha qoraalkiisa waa hal qof?Bal hadaaa fiirsha shakhsigu caaynayo iyo shaqsigu Faaninaayo ,maaha runtii xataa labo qof oo isku Aqoona isku qadiyada isku Fekera? dadku waa isku dhiban yihiin Daawlad la’aanta yaa sababtay waa wax laga xumaado.

  5. Was soo dhawaynaynaa madaxwaynaha waayo wax Ii muuqata in uu gartay in aysan wax ka qaadi karin kkkkkk ninkii gaabnaa oo isku soo masawiri jiray Obama Iyo xaaskiisa Cabdi Wamme Mohamed Ali Gaas waxuu shakhsi San shiikhsi lahayn nin yar Iyo nin Wayn waxuu ahaana olds Iyo hadda lama yaqaan waali ilaahbaa unmade dhaafshay waligay ma arag dawladdii dhexe nin 30 mp ka heli waayay doorashadii loo tartamayay in uu yiraahdo madaxwayne baan ka noqonayaa puntland lacagtii boorsadii south sudan xaggee ku dambaysay Adeer faroole wiu ku dhaamaa ee meelahaas Iyo addis ababa iska wareeg gugume was gugume

  6. Was soo dhawaynaynaa madaxwaynaha waayo wax Ii muuqata in uu gartay in aysan wax ka qaadi karin kkkkkk ninkii gaabnaa oo isku soo masawiri jiray Obama Iyo xaaskiisa Cabdi Wamme Mohamed Ali Gaas waxuu shakhsi San shiikhsi lahayn nin yar Iyo nin Wayn waxuu ahaana olds Iyo hadda lama yaqaan waali ilaahbaa unmade dhaafshay waligay ma arag dawladdii dhexe nin 30 mp ka heli waayay doorashadii loo tartamayay in uu yiraahdo madaxwayne baan ka noqonayaa puntland lacagtii boorsadii south sudan xaggee ku dambaysay Adeer faroole wiu ku dhaamaa ee meelahaas Iyo addis ababa iska wareeg gugume was gugume

  7. Kulmis 1 says:

    Hogaamiye koxeedka Aaran jaan,Ayaa ku mashquulsanaa Muddo 10 cisho ah,Hantidii Ummadda Reer Puntland uu ka soo dhacaay kuna qarsaday dalka Jabuuti,Hogaamiye koxeedka waxaa loo sheegay markuu la kulmay madaxda jabuuti,mar haddii uusan si ufishala lacagta u dhigan bangi,Ee u dhiibtay shakhsi aan saaxiib ahaayeen,shaqsigiina Tacsidiisa loo fadhiyo in Alle ka samir siiyo waayo meel loo raaco malaeh hantidaas,Wuxuu ku suuxay goobtii hadalka loogu sheegay waxaana loola cararay cisbitaal uu ku jiray hal asbuuc,Hogaamiye Koxeedka Aaran jaar oo awalba Caafimaadkiisu fiicnaayn Ayaa waxaa ugu darsamay Xooluhuu xaday,oo laga sii xaday”Xade laga Xaday kkkkkkkkkkkkkkkkk”wadankii ayuu ku laabtay isago faramaran Xukunkiina lagu haaysto Alle ku dufaay dheh.

Leave a Reply