Afgooye: Askar British ah oo lagu arkay gudaha Somalia
July 26, 2012 // Warar SomaaliJoornaalada kasoo baxa dalka Britain ayaa maanta qaarkood waxay daabaceen ciidamo kasocda dalka Britain oo lagu arkay gudaha Somalia.
Askartan oo hubeysan, aadna u feejigan ayaa la arkayey iyagoo la ciyaaraya caruur yar yar qaarkoodna tusayey qoryahooda iyo qalabka kale oo ay wateen, gaar ahaan qalabka wax soo dhoweeya ee torobiinka.
Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa horay u xaqiijiyay in Ciidamo tiro yar oo tababarayaal ah ka socda British ay ku sugan yihiin Muqdisho, kuwaasoo ka caawinaya howsha tababarka Ciidamada AMISOM ee ka howlagala Muqdisho.
Laakiin meel 20-mile u jirta Magaalada Muqdisho in Ciidamadan lagu arko waxay muujineysa inay qeyb ka yihiin howl galka lagu baacsanayo Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanadii dhowaan lagala wareegay.
Saraakiil tiro yar oo British ah ayaa ku sugnaa xeryaha Ciidamada AMISOM iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasoo ka qeyb qaata howlaha tababarida Ciidamada iyo sirdoonka.
Askartan oo wata dareyska tuutaha, jaakadaha iyo koofiyadaha aan xabadaha karin ayaa Caruurta Soomaaliyed ay gacan qaadeen, iyagoo caruurta kusoo xoomeen markii ay arkeen askar caddaan ah.



Ilmaha yar ee qoriga wata maxay tahay? Wa, wax laga xumado runti caqligaba ma qadan karo xuquuqdodi meel ba loga dhacay so sad
Wuxuush ta (al shaydan )wixi cirib tiraya wan so dhawaynayna
wadanka waa la haystaa cidii doonta ayaa si sharci darro ah kusoo gasha