Afhayeenka issimada Puntland Garaad Ciid oo siweyn uga carooday xubnaha baarlamaanka ee lasiiyay gobolka Sanaag

September 4, 2012   //   Warar Somaali

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ka mid ah isimada Puntland ee kasoo jeeda gobolka Sanaag ayaa siweyn uga carooday qoondadii xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya laga siiyay gobolka Sanaag.

Waxaa afhayeenka uu sheegay kadib markii tiro yar laga siiyay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya beelaha gobolka Sanaag oo uu ka mid yahay hogaamiye dhaqameedkooda ay keentay inay soo gaarto cabashooyin uga imaanaysay dadwaynaha gobolka, taasi oo xiligaan uu sheegay inuu door biday inuu cabashadan la qaybsado.

Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa qiray inuu jiro khilaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxwaynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroolle oo ay saaxiibo dhow ay wada ahaayeen in muddo ah.

“Aniga iyo Puntland meel aanu khilaaf kuwada hadlayno ma jiraan  ee laaakiin waxaan ku iri haday jiraan waaba jiraanee sida ay ila tahay cidii dhigtay ayaa ka masuul ah ” ayuu yiri Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo isagoo ku sugan magaalada Baran warbaahinta gudaha la hadlayay.

Garaadka ayaa dhinaca kalle siweyn u beeniyay warar sheegayay inuu u socdo magaalada Hargaysa oo uu martiqaad kaga helay madaxda Somaliland, waxaa uu sheegay arimahaasi inay yihiin kuwo aaanay waxba ka jirin.

Garaad C/laahi Cali Ciid ayaa hogaaminayay wefdigii issimada Puntland ee kasoo baxay shirkii Muqdisho 15-kii May ee sanadkan, in muddo ah laguma  dhex arkin fagaarayaasha shirarka  dowladda ay qabato ee magaalada Garoowe oo uu caan ku ahaa inuu kasoo dhexmuuqdo , waxaana jiray warar sheegayay khilaaf isaga iyo madaxwaynaha Puntland soo kala dhexgalay oo arimaha soo xulidda baarlamaanka la xiriirta inay keentay inuu u warego magaalada Baran gobolka Sanaag.

 

Puntland-news24

Garowe.

COMMENTS

RSSComments (7)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ahmedpunt-------------- says:

    dambiga iyo dhibaatadaa meeshaan kamuuqata adduun iyo aakhro waxaa masuuliyaddeeda iyo dambiga kabaa’irkaa leh cidda soogudbisay oo ah puntlandnws24 oo cuqubada iyo cawaaqib xumada masuuliyaddeedana dhabarka u ridatay wax xun soogudbinta ama isku dirka,waayo waxaa loobaahanyahay in laga digtoonaado suxufi ama saxaafad markaad tahay haddana aad tahay muslim haddana waxaad shaqada u haysana aay tahay dad dhibaato kujiray 22 sano oo kansarka qabiilka uu dilooday haddaba waa wax laga xumaado in dadka la’iskudiro ,waana muhiim in saxaafaddu aay dadka indho lagu daysado u noqoto oo dadka toosh ifaaya aay u noqoto oo aay kaleexiso dadka shacabkaa dhabaha xun una ifiso dhabaha toosan iyo wadaniyadda ..scww

  2. dulmi diid says:

    To sanag man Wa suale habargidir iyo murusade ya degano badan see. Ciise dabuti su 8 xildhibaan uhelay deganba kumalahane somalia war ilahay. Cadad haino keno dowladi hore oo siyad bare wexe la burburtay wa cadalad xumo ay ku dhisneet iuo belo xaqoda la xaqiray manta oo 2012 ah ina sidi wagi. U dhaqano wa wax an wanagsanen anan hormar lagu gadhikarin marka belaha dhaamnbwexe xaq uleyihiin wa ine helaaan wa dad wada dhashay wa dad is la daga marka dadow xadalada halaga shaqeyo. Iyo midnimo. Asc

  3. midnimo says:

    walaal sanaag man

    haa kuu gaafiin ciise madoobe dir waa la yaqaanaa somaalinaa waay taa qaanaa haaguu kaa daago dalkaa somaaliyaa oo aah meeshii uu kaa yiimiid aay tafiirtiisii kaa timmid.

    waaxaa aan uu maleyn inaad aminsantahay ben fakataay ruun magaadho dii qurbaa joogtaa gadabuursii aay kuu hataqayeen dibaad meerkoogu aayna duul balaadsii gadabuursigaa uku taamayoo qarniyaal lakiin uu hirgaalilaa
    dankaa eebe.

  4. faarax says:

    adba labo degmo ayaad leedahay waa lasqoray iyo baran inta kale burburkii ka bacdi weeye

  5. K k k k k k k mudane garaad ciid waxba ha cabanin iska adkayso ninki m.saleeban siyasad ku dabagala waxa u dalbeya calaa.cal iyo shalayto waxaa ka raya nin shar iyo khayr an midna ku racin harti wax layirahda ma jiro iyo majeerten dadku wa m.saleeban iyo somali ama m.saleeban iyo harti

  6. faarax says:

    kkkkkkk warsangali xage degaa sxb , gobolka sanaag badanaa waxaa degan isaaq iyo dhulbahante, warsangali ayaga ayaa is koobay wadankooda hadii ay horumarin lahaayeen ama ay ismuujin lahaayeen fadhigaa looga kici lahaa , lkn dhamaantood waa maxaan cunaa waa cadaa qaatayaal hadba maalintaa meesha laga bariiseeyo ayay aadaan , waan arki doonnaa tallaabada uu qaado garaad cali ciid , hadiise looga yeero hargaysa walaahi wuu aadayaa , horaa loo yiri, EELEY TUUGSIGA MA DAYSO, WARSANGALINA CAD XUN MA DAAAYO, MAJEERTEENA MADAX MADAAYO, LEELKASE ISMUUJI MA DAAYO, kursigiinii gudoonka baarlamaanka puntland waxa warsangali siiyay waa indheer garadla’aantiina

  7. Sanaag-Man says:

    Waa runtii Harti waa ku dulman yihiin 4.5. Ilaah baan idin ku dhaarshay Ciise Djabouti ayaa leh 8,Xildhibaan oo aan Dagamo iyo deegaan Tiro midna ku laheyn Soomaaliya. Dulmigan cidii inoo horseedey waa la og yahay bal murarsade ayaa leh 8,Xildhibaan, Habargidir oo 2,Dagmo dagan baa leh 9,Xildhibaan. War Harti Majeerteen oo Kursi ka cararay baa dulmigaa u Keenay iyo Siyaasiyiinta Mj oo aan ka fiirsan dabinaha Beesha Harti loo dhigay.

Leave a Reply