Akhriso Khudbad Qiiro Wadaniyad Xambaarsan Oo Uu Jeediyey Gudoomiyaha Ururka Midnimo

February 11, 2013   //   Faallooyin, Warar Somaali

Aniga oo ku hadlaya magaca ururka Midnimo, waxaan salaan u dirayaa aqoonyahannada, ganacsatada, dumarka, dhallinyarada, waayeelka iyo danleyda kale ee isku baheystey ururka Midnimo ee Dal-udug. Waxaan salaan u dirayaa dhamaan dad-weynaha u dhashey Dal-udug ee taageerada iyo hambalayada inoo soo gudbiyey, meel kasta oo ay joogaan . Waxaan salaan u dirayaa aqoonyahannada iyo dhallinyarada ee rag iyo dumarba leh ee inoogu qabtey xafladaha waddamada care-edeg ee leynoogu muujiyey kalsoonida iyo is garab-joogsiga, meel kasta oo ay joogaan.

Mar kale aniga oo ku hadlaaya magaca urukaasi waxaan halkaan ka caddeynayaa, dadka ka danbeeyey dhismaha urur-siyaasadeedkan in ay yihiin aqoonyahanno, ganacsato, dumar, dhallinyaro iyo waayeel u dhashay gobollada Dal-udug. Dadkaas oo kuwoodii ugu horeeyey ee fikradda lahaa ay yihiin kuwo lagana yaqaan, sumcad iyo wanaagna ku leh degaanka Dal-udug iyo dadkiisa. Dadkaasi maahan dad dano gaar ah ka leh siyaasadda, maahan dad ku mideysan qabiil heyb soke oo ay wadaagaan, mana ahan dad leh aragti diineed oo ay ka mideysan yihiin. Waxa isu keeney waxay tahay in ay ka danqadeen xaaladda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee degaanka iyo dadkiisu ku sugan yihiin. Tallaabadii I-aad oo aanu ku guuleysanney waxay tahay in aanu baadi-goobno wax-garadkii Dal-udug, meel kasta oo ay joogaan. U furno dood iyo wada-hadal, is-weydaaranno ogaallo la xiriira xaaladda degaanka Dal-udug iyo dadkiisa. Dabadeed aanu tashanno, go´aan isla-qaadanno, tallaabada isla-hello. Markaas annaga oo leh xoog mideysan aanu ku hadallo codka dadka tirada badan ee aanan ku xushmeysneyn fagaaraha siyaasadda ee Dal-udug. Ururka Midnimo sidaas ayuu ku curtey. Markhaatina waxaa ka ah xubnaha maanta ku sugan madasha fadhigan ee ka kala yimid siddeedda gobol iyo dalka dibaddiisa. Sida ka muuqata magacayaga oo ah Midnimo, waxaanu si adag u dhowreynaa Midnimada Dal-udug iyo kaalinta nagag aaddan midnimada Soomaaliya.

Walaalayaal, siyaasaddu waa fanka lgu suurageliyo hor u-marka bulshada. Shilkii gebi ahaan ka dhacay Soomaaliya bilowgii sanadihii 90-aadkii, wuxuu muujiyey in aanu nahay bulsho ku fashilantey arinkaas. Taasi waxay sababtey, iyada oo dhulkayaga caalamka looga yiqiin Jannadii adduunka, in lagu magacaabo Cadaabtii Dunida. Wuxuu sababey, iyada oo loo yiqiin dhulkii Caanaha iyo Hilibka in lagu magacaabo Dhulkii Geerida iyo Gaajada. Wuxuu sababey iyada oo loo yiqiin Dhulkii Nabadda iyo Xasilloonida in dhulkayagu noqdo dhul guban ah oo dhallintiisu ay ka yaacaan. Dabadeed ay ku le´daan bacaadka saxaraha iyo badaha dhexdooda. Aragtida ina baddey madowga iyo magac-dilka ceynkaas ah, weli ma´ayan garowsan in-badan oo hoggaanka inoo haya. Aragtidaasi waa midda ku dhisan qabiilka siyaasadeysan iyo danaha xeeladeysan. Aragtida siyaasadeed ee ceynkaas ah, waa aragti aadamigu uu waayo hore ka soo guurey, Lana jaan-qaadi karin noloshan casriga ah.

Sida qof walba ee aadami ah u muuqata, noloshan casriga ah waxay la timid dhaawac joogto ah oo uu la bukoodo qofka caadiga ah. Dhaawacaasi wuxuu ka yimid, mu´asasaadkii loo dhisey ilaalinta danaha guud oo iyagu u saamaxaya qeyb bulshadii kamid ah in ay masruuftaan xuquuqda qeybta kale. Markaas ayaa qofkii caadiga ahaa wuxuu ka raja-dhigey in uu helo caddaalad u hiilisa, isaga oo isla-markaas ka baqanaya awoodda ay suldaddu siisey xubnaha talada haya. Cabsidaasi waxay keentey in bulshadii ay isu aragto laba qeybood oo kala ah kuwo isu arka loona arko in ay yihiin adeegayaal, iyo kuwo kale oo iyaguna isu arka loona arko in ay yihiin loo-adeegayaal. Qeybtan danbe waa kuwa haya taladii bulshada, xeyn-daabsadey hantidii bulshada, sharciga dejiya, isla-markaas xukunka rida. Qeybta danbe waa kuwa ka jawaaba dalabaadka qeybta koowaad, isla-markaas fuliya wixii loo yeeriyo, iyaga oo qahran ayay misana wax talo ah ayan lahayn. Waxaa halkaas ku baaba´a karaamadii aadaminimo oo ay dadku lahaayeen. Karaamo ay nagu waajib yeeshey xeerarka care-edeg, xeerarka diiniga ah iyo tijaabooyinka aadamiga. Sababta ugu weyn oo arintaasi ay u dhaceyso waxay tahay iyada oo ayan kala saareyn awoodihii bulshada u dheelli-tiri lahaa noloshooda siyaasadeed.

Siyaasaddu maahan arin u rahman dad gaar ah ama wax ay ku raaxeystaan kuwa talada haya iyo qoysaskooda. Mana ahan aqoon ku kooban kooxo gaar ah ee bulshada kamid ah oo iyagu ka go´an bulshada inteeda kale. Bal waxay tahay hannaan si wada-jir ah u ururinaya bulshada, si ay u hagaagsato nolol-maalmeedkeeda, una qorsheysato timaaddadeeda. Waa arin dalbeysa inaanu si wada-jir ah u haleelno xiriirka u dhexeeya ilaalinta adeegyada lagu dhowrayo sharafka iyo karaamada qofka iyo go´aamada ka imanaya hannaanka sare ee leh guddoonka siyaasadeed  ee bulshada. Xiriirka labadaas arin ayaa wuxuu yahay mid maalin walba ka muuqanaya noloshayada. Sidaas darteed hannaan walba ee siyaasadeed ee aanan ku dhisneyn qaab mu´asasadeed wuxuu luggooyo ku noqdaa dadkiisa. Waayo wuxuu noqdaa mid aanan la fal-geli karin in uu ka jawaabo himilada ay bulshadaasi leedahay. Dal-udug, tan iyo maantii la dhisey, waxaa lagu ballamayey in loo gudbo hannaan taladiisu ku dhisan tahay qaab mu´asasaadeed. Maanta oo fursaddii ugu horeysey uu degaanku helo, ururka Midnimo wuxuu ka shaqeynayaa in degaankayagu helo xasillooni siyaasadeed. Ururada siyaasadda oo midka talada haya uu ugu weyn yahay wxaanu u sheegeynaa, iyaga oo ilaalinaya amaanada dusha ka saaran, in arintaasi ay si daacad ah u gutaan. Waayo Rabbina waa eegayaa shacabkuna waa xukumayaan.

Dadyowga ka guurey nolosha dib u-dhaca ah waa dad la yimid geesinimo iyo qalbi adeyg, kuna heshiiyey in ay saxaan waxa noloshooda ka khaldan. Bulsho fuley ah oo qalbi daciif leh, isla-markaana aanan isa-sixi karin, waxay ku xukman tahay in noloshooda ayan hanaqaad noqon. Is-baheysiga siyaasadeed ee Midnimo wuxuu u curtey in uu bulshadeenna ku hayaansho waddadii ay ku gaari lahaayeen dhismo dowlad casri ah. Wuxuu u curtey in uu muujiyo, dadka ku nool degaanka Dal-udug in ay yihiin dad geesiyaal ah, in uu muujiyo in ay yihiin dad qalbi adag, in uu muujiyo in ay yihiin dad isugu iman-kara isuguna hiilliya wanaagga iyo talo-wadaagga. Markaas ayaanu heli karnaa dowlad mu´asasadeed ee ka duwan dowladaha ma-dhaleyska ah ee shuucbtooda badey fadhiidnimo. Ummadaha ka guurey nolosha bahaahimnimada ah, garasho iyo faham wakhti dheer qaatey oo ay ka dhaxleen tijaabooyin nololeed ayaa waxay ku dhisteen hannaan ay taladiisu baahansan tahay. Hannaan ay kaga guureen nolol hooseysa oo ay weheliso jahli, gaajo iyo cudur.

Wada-shaqeynta ka dhexeysa heykalka bulshadeed ee mu´asasaatiga ah waa mashruuc ay ummaduhu ku curtaan, ku hanaqaadaan, dabadeedna ay ku gaaraan baraare iyo berya-samaad. Arintaasi waxay xasileysaa markii la urursho talada iyo tamarta ay ummaddu leedahay, si ay ula dagaalanto cudurrada kaga imanaya qallafsanaanta cimilada iyo hagardaamada nolosha. Haddaanu nahay ururka Midnimo waxaanu u gudbineynaa dad-weynaha Dal-udug faham dowladnimo oo aanan la´aantiis laga badbaadi karin eel ay ka dhalato xanuun weheliya murugo badan iyo khasaaro mug weyn. Fahamkaasi waa in aragtida ah colaadda lagu beddelaa wada-noolaansho, aragtiga ah keli guuleystaha lagu beddelaa wada-guuleystayaal, aragtida ah boobka hantida guud lagu beddelaa hal-abuur  mashaariic dhaqaale. Markaas ayaa nolosha dib u-dhaca ah waxay noqoneysaa mid hor u-mar leh, naceybka leyna dhex-dhigeyna wuxuu isu beddelayaa jaceyl iyo walaaltinimo.

Sida aanu taariikhda ku baraney, dowladaha qaarkood waxay ka dhismaan dabaqadda xukunka heysa, oo taladeedii hoos ayay u soo daadegataa, qaarkoodna waxay ka dhismaan dad-weynaha oo taladooda kor ayay aaddaa. Xukuumadaha ay dhisaan dabaqadaha gaarka ah, waxay ku danbeeyaan dulmi-falid iyo darrow. Waxaa ku soo deg-dega dhamaan cudurrada ku dhaca bulshada. Markaas ayaa cimrigeeduna gaabtaa, bulshadiina ay cimri-gaab ku riddaa. Xukuumadaha ay dad-weynuhu dhisaan waxay noqdaan hannaan mu´asasadeed oo iyagu ay masuul ka yihiin. Waxaa laga dhaxlaa nayaayiro iyo nasiino. Waxay noqdaan kuwo caafimaad qaba, cimrigooduna waa raagaa. Dowladahaas ka dhisan dabaqad kamid ah bulshada waa kuwo caajis ah ee aanan kalsooni ku laheyn dad-weynaha. Sidaa darteed waxay ka arradan yihiin itaal iyo awood ay ku fuliyaan adeegyadii waajibka ku ahaa.

Bulshada dooneysa in ay la jaan-qaaddo noloshan casriga ah, waxay ku khasban tahay in ay dib u jalleecdo hannaankeeda hiddo-siyaasadeed iyo hannaankeeda dhaqan-dhaqaale.. Waa in ay si qeexan u kala dhilqiso awoodaha dowladeed si ayan isugu dheehmin oo ayan isu dhex-gelin. Isla-markaas si looga badbaado shiddada iyo culeyska ay awoodahaasi ku keeni-karaan nolosha qofka caadiga ah, waa in awoodda garsoorka ay ahaataa mid si buuxda u madax-bannaan oo si buuxda shaqadeeda u gudata oo hesha dad leh aqoon, khibrad, anshax iyo dareen masuuliyadeed. Waayo waa xoogga u kala garnaqaya kuwa awoodda gacanta ku heysta iyo kuwa laga itaalka roon yahay. Markaas ayaa xubnaha bulshadu iyaga oo qanacsan waxay ku naalloonayaan nolol ay garanayaan xuquuda ay leeyihiin iyo waajibaadka lagu leeyahay.

Dadka aragtideennaas ka soo hor-jeeda, iyaguna waxaanu leenahay, haddii ka soo hor-jeedkiinu uu yahay mid ku dhisan aragti siyaasadeed, ururka Midnimo waa uu soo dhoweynayaa idinka iyo aragtidiinna oo waanu garan kareynaa in aadamigu uu weligiis ku kala duwanaa aragtida siyaasadeed. Haddii ka-soo hor-jeedkiino ay ku saleysan yahay maslaxaddii guud oo laga daneysto, waxaanu idiin sheegeynaa in uu dhamaadey xilligii dadka loo adeegsan jirey maslaxad uu nin kale leeyahay. Hadiise ka-soo hor-jeedku ay ku saleysan tahay naceyb qofeed, taasi waa cudur aynaan waxba ka qaban karin. Sidaa darteedwaa idiin duceeneynaa in ilaah idin ka shaafiyo.

Aniga oo ka wakiil ah dhamaan masuuliinta iyo xubnaha is-baheysiga Midnimo,

waxaa mudnaan ii leh in aan halkaan ka xuso oo tahniyad gaar ah u diro qaar kamid ah qeybaha ay bulshadeenu leedahay. Qeybahaas oo bulshadu ay ka dhiman la´dahay ayaa waxay yihiin Isimada, dhallinyarada, dumarka iyo ciidamada. Ahmiyadda gaarka ah oo ay bulshada u  leeyihiin darteed ayaa siyaasadda ururku waxay siineysaa ictibaar gaar ah. Isimada siddeedda gobol ee uu ka dhisan yahay Dal-udug waa heykalka dhaqameed ee degaanku leeyahay. Sharaftooda waa sharaftayadii oo marna raali ka noqon meyno in karaamadooda hoos loo dhigo. Iyagu waxay yihiin hanti ay bulshadeennu leedahay, waxay yihiin keyd taariikheed, waxay inoo hayaan dhaqankii, xilligan qallafsan oo aanu joogno waxaanan isimada looga maarmin arimaha murugsan ee la xiriira socodsiinta howlaha dowladeed. Isimada Dal-udug, waa kuwa sabab u noqdey in uu unkamo maamul-goboleedka inooga dhisan degaanka. Ururka Midnimo, isaga oo qaddarinaya abaalka ay leeyihiin ayaa Isimadu waxay ka helayaan wixii ay mudnaayeen oo qaddarin iyo maamuus leh. Waxaanu dhiseynaa gole guurti ah oo si madax-bannaan ugu adeega dalka iyo dadka, kana qeyb-qaata hor u-marka, nabadgelyada, xasilloonida iyo is-heysadka degaannada Dal-udug.

Dhallinyarada oo ah xoogga maanta jira, iyo kuwo leh dhaxalka dalka ee berito. Waxaa muuqata in ay ku dayacan yihiin, sidaas ayaa dalkiina uu ku dayacmey. Markii xooggoodii iyo fir-fircoonidoodii loogu faa´iideyn waayey naftooda, loogana faa´iidyen waayey bulshadooda waxay noqotey, iyaga oo kummanaan ah in ay iska daba-yimaadaan. Shaqa la´aantu ku badato. Halkii au bulshada cudud u noqon lahaayeen ay noqdaan kuwo culeys ku noqda naftoodii, qoyskoodii iyo bulshadii. Ururka Midnimo wuxuu sahminayaa qaabka ugu wanaagsan, uguna haboon oo si aqoon leh, dhallinyaradaasi ay ku nafacsan lahaayeen xooggooda iyo wakhtigooda. Waxaanu abuureynaa siyaasad ku wajahan wax-barasho camali ah oo dhallinyaradu ay uga faa´iideystaan dhaxalka ab looga-harka ah iyo kheyraadka ceegaaga dalkooda.

Dumarka oo iyagu meel kasta ku ah bulshada barkeed ayaa misana waxay yihiin kuwo ababiyey barka kale oo raggii ah. Iyagu waxay matalaan hooyooyinkaya, walaalahaya, gabadhayagii iyo xaasaskayagii. Waxaanu markhaati ka nahay, xilligii ay Soomaalidu xiisaha isu hayeen in dumarkayagu ay kaalin mug leh ka qaateen unkashada dowlad Soomaaliyeed. Xilligii ay Soomaalidu kala xiiseen oo ay is-laayeen, culeyskii ugu weynaa wuxuu ku dhacay dumarka. Sidaas oo ay tahay, dumarku waxay ugu hilan culus yihiin qeybaha ay bulshadu ka dhiman weydey. Ururka Midnimo, isaga oo qiimeynaya awoodda ay leeyihiin hablahayaga, wuxuu ka leeyahay siyaasad qeexan oo gaarsiisan in ay talada wax ku yeeshaan, helaan wax-barasho iyo daryeel, gaar ahaan kuwooda u liita oo ah hooyada dhallaanka xambaarsan. Fursadaha nololeed iyo hantida dalka waxay ka helayaan xuquuq buuxda.

Ciidamada Dal-udug waxay ku ammaanan yihiin in ayan marna ka qeyb-gelin dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay. Waxay ku ammaanan yihiin in ayan marna weerar ku qaadin degaan ka baxsan degaanka beelahoodu ku dhaqmaan. Waxay ku ammaanan yihiin in ay weli heegan u yihiin sidii degaankan uu uga jiri lahaa maamul siyaasadeed. Waxaanu og-nahay culaabta siyaasadeed iyo dhaqaale ee nolosha degaanka, in culeyskeedu uu saaran yahay garbaha dhallinyarada ciidanka ah, askar iyo saraakiil. Isla-markaas dhallinyaradaasi waxaa soo mara wakhti badan oo ayan mushahar qaadan. Waxaa halkaas ka dhasha dayac ku yimaada iyaga, xaasaskoodii iyo caruurtoodii. Arintaas oo qof walba oo u dhashey Dal-udug uu ka murugoonayo, ayaa waxay noqoneysaa arimaha ugu horeeya ee uu hagaajinayo urur-siyaasadeedkan Midnimo. Wax-baanu bareynaa, iyada oo aanu u abuureyno hannaan ay ku shaqeystaan kagana qeyb-qaataan wax soo-saarka degaanka, intii ay musharo gibin ah sugi lahaayeen. Awooddaas ciidameed ee urursan waa mid qiimo ugu fadhida degaanka iyo dadkiisa.

Degaannada ka maqan maamulka Dal-udug waa arin dastuuri ah oo aanan cidna looga tanaasuleyn. Siddeeda gobol ee Dal-udug, is-heysadkeeda iyo urursanaanta maamulkeeda meel madal ah ayay taladeedu ku dhacdey. Welina meel lagu kala tegey ma jiraan. Degaannada ka maqan Dal-udug, waxay ku dayacmeen xil-kas xumida siyaasiyiinta degaanka. Dadkaasi waa dad aanu wada dhalaney, isku heyb nahay, taariikhdayada iyo degaankayaguna uu mid yahay. Annaga oo hubna in aanu ka lib-gaareyno xaqa ay leeyihiin, ayaanu soo dhoweeneynaa dadkayaga ku dhaqan degaanadaas, ayaanu soo dhoweeneynaa, fadhiyana u qabaneynaa isimadooda iyo wax-garadkooda. Siyaasaddayadu waxay tahay in aanu si wada-jir ah u meel-marinno wixii fikrado ah oo aanu isku waafaqno.

Maamul-goboleedka laga dhisayo labada Jubba iyo Gedo, ururka Midnimo wuxuu ka qabaa mowqif aanan laalaab iyo lebclebc lahayn. Shaki kuma jiro, muddadii uu bur-burku jiray in ay gobollada Jubba ahaayeen fagaaraha ugu shiddada badan oo ay ku loolameen qooqayaashii ka kacay Soomaaliya. Arintaasi waxay ku reebtey degaanka dhaawac xoog badan oo raadkeedii uu weli ka muuqdo. Sidaa darteed waanu soo dhoweeneynaa tallaabo walba oo ururineysa dadka degaanka si aanan mar-danbe loo dulmiyin. Isla-markaas ay dhistaan maamul-goboleed ay u madax-bannaan yihiin, kaas oo isaga oo ka shaqeeya danaha dadka ku dhaqan gobolladaas, isla-markaana ka qeyb-qaata dhismaha dowladda federaalka ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waa mu´asasad siyaasadeed ee u dhisan dhamaan bulshada Janhuuriyadda Federaalka ah. Waxay kulmisaa gobolladii dalka dhamaantood iyo dadkii ku noolaa. Waanu taageereynaa jiritaanka mu´asasadda siyaasadeed, si bulshada Soomaaliyeed ay u soo ceshato sharafkii iyo karaamadii dowladnimo ee makastadu ay kaga cayaartey. Laakiin Soomaaliyi maanta ma ayan dhalan. Dalku wuxuu lahaa dowlad leh heykalkii dowladnimo. Bur-burka ku dhacay maahan mid dibadda kaga yimid. Hoggaamiye-kooxeedyadii dalka ka kacay ayaa dan moodey in ay sidaan wax u dhacaan. Haddaba si heykalkii dowladnimo loo helo, waxaanu qabnaa, xaqiiqaduna ay tahay inaanan dhismuhu ka bilaaban karin hawada sare, ee waa in laga bilaabaa sagxadda. Soomaalidu isu timaaddo iyada oo rabitaankeedu yahay dowlad dhab ah ee aanan gacanta ugu jirin koox isku dan ah. Qaabka keliya ee inoo muuqdana wuxuu yahay in degaamadu, iyaga oo madax-bannaan  ay soo dhistaan mu´sasaadkoodii siyaasadeed. Dabadeed si federaal ah taladii loogu heshiiyo iyada oo gobolna uusan wax u yeerineyn gobolka kale.

Maamul-dowladeedka Dal-udug iyo gobollada kale ee jamhuuriyadda waa in ay wax ku lahaadaan ceynaanka dowladeed ee xukuumadda federaaliga iyo iyada oo laga garramo sidii loo turxaan bixin lahaa khilaafka gaamurey ee dhex-yaal Soomaalida. Isla-markaas leyska daayo guryo-noqosho iyo hoos eegad, wixii dhacay ay noqdaan duruus ku filan kuwa maskaxdoodi ayan weli garan dowladnimada. Leysu celiyo hantida ma-guurtada ah oo la kala heysto. La qeybsado mashaariicda hor u-marineed iyo deeqaha lagu soo qaado magaca hannaanka federaalka ah. Laguna heshiiyo xilalka sare ee dowladda. La baabi´iyo aragtida sheydaaniga ee dadka ka dhigaya qeyb guuleysatey iyo qeyb laga guuleystey. Si ilmahayagu u badbaadaan, waa in aynu baadi-goobnaa sidii bulshada Soomaaliyeed ay u noqon lahayd mid il-bax ah oo wada-guuleysata.

Dowladaha iyo dowlad-goboleedyada nala deriska ah, ururka Midnimo wuxuu qabaa in ay si wada-jir ah u xoojiyaan nabadda iyo xasilloonida degaanka. Iska-kaashadaan hor u-marka dadyowga ay masuulka ka yihiin. Si wada-jir ah loo ilaaliyo dhaqdhaqaaqyada nololeed oo ganacsigu uu kamid yahay. In ay ka dhexeyso wada-shaqeyn iyo is-dhaafsi khibradeed.

Afar su´aalood oo nagu soo noq-noqdey ayaan halkaan ku qeexayaa. Su´aasha 1-aad waxay tahay Yaanu nahay ?. Waxaanu nahay aqoonyahankii Dal-udug ee howlo badan u soo qabtey degaanka. Waxaanu u dhisney dalka mu´asasaad tacliimeed iyo kuwo ganacsi oo waa-weyn. Waxaanu u dhisney isbitaallo iyo xarumo agooneed. Marar badan waxaanu ka qeyb-qaadaney heshiisiinta beelaha ay xurguftu dhex-marto. Si ay u caddaato wararka beenta ah iyo dicaayadaha ay makastadu kula dhex-wareegayaan bulshada, waxaanu halkaan ku xuseynaa qeyb kamid ah aqoonyahannada ururkan wax ka asaasey. Waxaa kamid ah Prof. Cabdulqaadir Nuur Salaad, Prof. Cabdulqaadir Siciid Shiino, Dr. Siciid Cali Shire, Dr. Maxamuud Maxamad Axmad, Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke, Dr. Cali Maxamuud Yuusuf, Dr. Maxamad Yuusuf Aw-Cali, Dr. Cumar Cabdi Barre, Dr. Saadiq Maxamad Axmad. Ma jiro ayaan oran karaa takhasus aqooneed oo ka maqan 42-ka qof oo mu´asasiinta ururka Midnimo. Waxaa ururkan kamid ah saraakiil sare iyo duuliyayaal. Waxaa kamid ah takhaatiir iyo gar-yaqaanno. Waxaa kamid ah Injineerro iyo diblomaasiyiin. Waxaa intaas u dheer in ururka Midnimo uu taageero ka heysta inta badan dhallinyarada jaamicadaha ka qalin-jebiyey iyo kuwa hadda jaamacadaha ka dhigta dal-udug gudihiisa iyo dibaddiisa. Waxaa arinkaa ka markhaati ah, sharafna inoo ah dhamaanteen in madashan uu maanta nala fadhiyo ardeyga guddoomiyaha u ah ardeyda Dal-udug ee wax ku barata dalka Shiinaha, kuwaas oo dhamaantood taageersan urur-siyaasadeedka Midnimo.

Su´aasha labaad waxay tahay, maxaan kaga duwannahay ururada kale ?. Waxaanu kaga duwannahay, in siyaasiyiinta ururada kale, badankoodu ay yihiin kuwo fekerkooda iyo wax-qabadkooda la soo dhadhanshey. Waxaan kaga duwannahay in aanu nahay aqoonyahanno is-urursadey, misana talo-wadaag ah. Waxaanu kaga duwannahay in xoogga na taageersan ay yihiin dhallinyarada oo ah faca leh mustaqbalka. Waxaanu kaga duwannahay in aanu nahay kuwo u hadlaya dadka badan ee aanan codka lahayn. Ugu danbeyntii waxaanu kaga duwannahay, inaan bulshada wax u qabaney annaga oo siyaasadda dibadda ka joogna.

Su´aasha saddexaad waxay tahay, maxaanu dooneynaa ?. Waxaanu dooneynaa Dal-udug iyo dadkiisa oo dayaca ka baxa. Waxaanu dooneynaa Dal-udug oo xudduudihiisii ilaashada. Waxaanu dooneynaa beelaha Dal-udug oo ay nabadeyn dhex-marto, dabadeed si wada-jir ah u tashada, una wax-qeybsada. Waxaanu dooneynaa hannaanka siyaasadeed iyo midka dhaqaale oo inoo hagaaga. Waxaanu dooneynaa in aanu noqonno bulsho is-heysata oo talo-wadaag ah. Waxaanu dooneynaa in aanu dadkayaga oo aanan u muuqan laba kooxood oo midna guuleystey midna laga guuleystey. Bal ah kuwo dhamaantood ay wada-guuleysteen.

Su´aasha afaraad waxay tahay, xaggee u mareynaa arimahaas ?. Waxaanu u mareynaa waddo dheer ee goxandho iyo qodxan miiran ah. Waddo dheer oo harraadka iyo gaajadu ku badan yihiin. Waddadaas dhexdeeda ayaanu mar-walba ku tashaneynaa kuna go´aan qaadaneynaa xaaladaha aanu kala kulmeyno. Anuga iyo saaxiibadey, waanu rumeysannahay, annaga oo adeegsaneyna iimaankayaga iyo itaalka Eebe ina geliyay, dabadeed kaashaneyna taladiinna iyo awooddiinna, inaanu guuleysaneyno.

Ugu danbeyntti, waxaanu ku baaqeynaa ayaamihii madoobaa iyo wixii la soo marey inaanan gadaal loo eegin, waayo bulsho dooneysa in ay horey u socoto kuma dheygagto waxa gadaasheeda yaal ee horteeda ayay dhigataa fiirada iyo fekerka. Garashada aadamiga waxay waayuhu fahamsiiyeen in qof walba oo aadami ah uu dhashey isaga oo ku lebisan karaamo xagga Eebe laga huwiyey, taas oo diiddan in uu jiro qof aadami ah ee jinsiyadda kaga sareeya qof kale. Aadamigu wuxuu ka siman yahay xoriyadda iyo sharafka. Isla-markaas, qof walba wuxuu ku qalabeysan yahay dareen iyo xikmad u saamaxaya in uu si walaaltinimo leh kula dhaqmo qofka kale ee aadamiga ah. Arintaasi waxay ina siineysaa fursad ah, in aadamigu uu u noolaado si ka sareysa qaab-nololeedka duur-joogta bahaahimka ah. In uu fekero, tashado, is-xushmeeyo, is xaq-dhowro, mideeyo xooggiisa iyo garaadkiisa, is-dhaafsado dhaxalka leh waaya-aragnimada nololeed, u noolaado qaab bulshadeed, oggolaado wada-noolaanshaha iyo nabadgelyada, yeesho wax soo-saar madax-bannaan, dabadeedna heer carre-edeg wax isu dhaafsado, iyaga oo il-raxmadeed ku eegaya maatadiisa liidata iyo dan-yartiisa tabaaleysan. Sidaas baa qofka aadamiga ah uu ku noqonayaa mid aadaminimadiisu buuxdo, ee anfacda naftiisa iyo nafta aadamiga kale.

Soomaaliyeey wixi horiyo haatan iyo eegga

Hiddihiyo intaan dhaqanka iyo haybtayada guurin

Ciiddeena hodonkaa intaan nacabku hayl-haylin

Oo haayir noo yimid arlada naga hadhiiraysan

Hubka dhiga dagaalkana hojiya haayinta colaadda

Haaraanka gacal waw xunyee ciil-qabka hilmaama

Isu soo hilooboo midnimo saaka ku heshiiya

Hamba-qabasho mooyee markaa haayid kale daaye

Intaad Eebbahiin hiishataan dawladnimo haybsha

Waxaad heli baheenkaa midaad ku haqab-beeshaane

Haddii kale huq iyo ciil ku jira talo ma haysaane (Cabdulqaadir Cabdi – Shube)

 

 

Guddoomiyaha Urur-Siyaasadeedka Midnimo ee Dal-udug

Dr. Saadiq Enow

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. aad baan usoo dhaweyneynaa mr Eenoow wxaan leenahey please soo dhowoow dalka iyo dadku wey kuu baahan yhn

  2. Baashane M.Vic Australia says:

    DR:Enoow waa aqoon yahan sare laguna faano,balse waxaay arigtidaya ila tahay inuu wakhtigaan iyo rajiimkaan rubaayadihiisa ku deg degay,waanase taageer sanahay Dr:Enoow waa aqoon yahan qiimo ugu fadhiya dhamaan dalka soomaaliya boo dhan.waxaanse u jeedaa meeshana iiga muuqata dal bur buray oo dushiisa khamaar lagu cayaarayo,marka Dr:Enow iyo inta la jaalka ah waxaan kula talinayaa war dalka dabaqabta meeshaan doorasho mataale dadka indhihii ayaa laga riday,oo birta ayaa laga aslay inta afka loo soo wada duubtay,waxaay noqdeen ugaar ka cararta markay qof bidhaantiis arkan,maxaan idin dooranaa waxaa kala garan waynay caday gayagii iyo Saxiibkayagii markii intii dadka indhaha u ahayd birta laga aslay!!!!!!

  3. Somali Pure says:

    Dr Enow ,, Mashaa Alaaah ,, Ilaah ha ku dhowro, waa Dr Sadik , Ilaah ayaa ugu deeqaay Aqoon Diimeed, Mid (Aqoon Aduun, Aqoon Sugaaneed, Aqoon Qoraanimo, Aqoon Tariikheed. Mashaa Alaaah. Qofkii Ilaaah diinta fahamsiiyo, Ilaaah ayaa u fura Baababka Cilmiga. State of Punt Land & Somalia-ba hadii ay nasiib leeyihiin waxay Hogaanka u dhiiban Lahaayeen Al Sheekh Dr Sadik Enow, waa Nin Aamina ah oo lagu aamini karo Dalka, waa Nin Sumcad ku leh Somali weyn, Waa aabihiis Colonel Enow uu ku dhintay Difaacii Somalia Dagaalkii 1977,
    Dr Sadiq Enow waa nin ay ixtiraamaan Qabiilada Somalia oo dhan, Ninkii La sheegeysta Dr Sadiq Wuxuu ka faaidaa Diin, Xikmad iyo Tariikhba. Aad Baan u taagersanahay Xisbiga Midnimo (Unity Party). Nooloow Unity Party, Alaahaa Garab galo

  4. yusuf says:

    mashalaa walaahi waa aqoonyahan mudan iloo codeeyo reer puntland waa dadnasiib uhelaymaanta aqoonyahan kooda mashalaa

  5. Waxa aad ii soo jiitay sida uu ula hadlay Isimmada, Haweenka, Dhalinyarada iyo Ciidanka, weli ma arag khudbad siyaasi Soomaali ah jeediyo oo midrange ka qiimo badan. Dr. Enow noolow.

  6. Maxaa loo yiri Dr. Saadaq Xamar buu ku dhashay, waligeey non afsoomaali ka badsha ma Arab. Allaylahe madaxweymaha Dal-udug wuu istaahilaa.

  7. Dr. Saadiq wuu ku mahadsan yahay tixgelinta uu siiyey haweenka Puntland. Odayaashii meesha joogi jirey weligood xaquuq dumar lags a maqal. Hiil iyo Hoo baanu ka garab taaganahay.

  8. Reer Pl waxaan leeyahay nasiib baad leedihiin, in hogaamintiina ay u istaagaan rag tayadan oo kale leh. Dr. Saadiq sida ka muuqata Alle SW wuxuu siiyey sifooyin badan oo looga baahan yahay hogaamiyaha. Xiin, iimaan, dulqaad, aragti fog, u damqasho ummadeed, wadaniyad, qorshe iwm. Waxaan lagu gaareyn af Soomaali hodan ah iyo codkarnimo. Ilaahow inoo xafid, noociisana inoo badi. Aamiin.

Leave a Reply