Akhriso Siyaasiyiinta ugu codadka badan ee doorashada berito ku guuleysan kara [Xog]

September 10, 2012   //   Warar Somaali

Tartanka iyo hardanka loolanka madaxtinimada Somalia ayaa saacado kooban ka harsan yihiin, iyadoo caawa qof walba oo musharax ah qiyaasan karo halka uu tabar ku gaari karo. 

Dedaal dheer kadib waxaan helnay magacyada dhowr musharax oo iyaga loo badinayo inay noqon karaan maalinimada berito ah madaxweynaha dowlada federaalka Somalia Afarta sano ee soo socota.

Magacyada shakhsiyaadka naloo xaqiijiyey inta badan xildhibaanada ay afka ku hayaan ayaa waxay kala yihiin:-

1- Musharax Xasan Sheekh Maxamuud [Abgaal]

2-C/wali Maxamed Cali Gaas

3-Shariif Sheekh Axmed

Waxaa ragan ku soo xigi kara xaga helida codadka dhowr musharax oo kale oo lagu kala magacaabo:-

1- Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo

2-C/raxmaan Baadiyow

3-Al-xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil iyo C/laahi Axmed Cadow

Xasan Sheekh Maxamuud ayey wararkii u dambeeyey sheegayaan in maalinimada berito ah loo maleeynayo in loo caleema saaro madaxweynaha Somalia iyadoo C/wali Maxamed Cali ay is-taageerayaan, hadba kii codad bata uu kan kale ku kaalmeynayo waxaana ka dhaxeeya ”coalition” is-bahaysiga ragan waxaa kaloo ku jira Axmed Ismaaciil Samatar oo isagu ku tashanaya codadka beelaha Direed qaarkood sida Ciise iyo Samaroon.

Dhaqaale faro badan ayaa Muqdisho lagu kala gadanayaa codadka iyo balan qaadyada kale u cuntami kara qof walba oo xildhibaan ah, waxaana taas daliil u ah mar walba oo aad wacdo qof Xildhibaan ah wuxuu kuu sheegayaa inuu deal ku jiro mashquulna yahay waqti uu kugula hadlana aysan jirin.

Doorashada ayaa la saadaalinayaa inay noqoto mid aan waxba la iskula harin, iyadoo si weyn loogu loolami doono awooda dalka kadib 24 musharax oo soo buuxiyey shuruudihi laga rabay.

Doorashada ayaa aroorta xiliga Muqdisho 8:00 ka bilaaban doonta xarunta loo yaqaan Gen. Kaahiye, waana markii u horeysay oo doorasho 22 sano ay ka dhacdo dalka Somalia.

Puntland News-24

 

 

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply