Al-Shabaab oo weeraray ciidanka difaaca Puntland ee aagga Sugure,Bari

December 5, 2012   //   Warar Somaali

Maleeshiyada Al-Shabaab ee ku dhuumaalaysanaysa buuralayda Galgala ee gobolka Bari ayaa saaka weerar kadis ah kusoo qaaday saldhig ay ciidamada Puntland gaar ahaan qaybtooda daraawiishta ku lahaayeen togga Sugure katirsan deegaanada buuralayda ee Galgala.

Wararka ayaa sheegaya weerarkaasi inuu gaystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac kaasi oo socday muddo daqiiqado ah.

Ciidamo ka baxay magaalada Bosaso si ay u taageeraan ciidamada Puntland ee lagu weeraray togga sugure ayay la qaraxday miino waddada dhinaceeda la dhigay xilli ay ku wajahnaayeen ciidamada Puntland ee lagu weeraray togga sugure, qaraxa ayaa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Wariyeyaal booqday isbitaalka Bosaso ayaa sheegaya dhimashada 4-askari iyo dhaawacyo inay jiraan.

Laamaha amaanka Puntland ayaan wali ka hadlin weerarka iyo qaraxyada ciidamada Puntland lagu soo qaaday, khasaaraha dhinaca Al-Shabaab weerarka kasoo gaaray.

Al-Shabaab ayaa ku sii xoogaysanaysay labadii sano ee ugu dambeeyey deegaanada buuralayda ah ee Galgala gobolka Bari, iyadoo ay jiraan iska horimaadyo dhowr ah oo horay ciidamada iyo Al-Shabaab u dhexmaray.

Puntland-News24

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Warsame says:

    Hashim.
    Horta walaalow simacquul ah u hadal oo ummad dhan afkaagu yuugaadhin P/Landna adigu ha isasiin ilayn umada kale kama xigtidee. Khaatumona P/L cadaw uma,aha ee waa dad danohooda katashaday.Garaadka aad sheegayso iyo qabiilkiisana waxba isuguma kiin jiraan oo waatii aad cadawga u dhiibteen marka la xasuuqana aad u habalyaysaan wixii wax yeelo ugaysta.sikastaba ha ahaatee anagu P/L ha jirtaanu leenahay wax kalana isuguma filinee cadawgiina u noolaada.

  2. Haashim says:

    asc wr wb Allaha haunaxariista dhamaan cidanka dhintey aamiin. Dhibaatada maanta dhacdey waxaa keenay labao sheey oo kala ah:
    1. Beesha South Degta oo adeegsanayso magaca Al-shabaab oo diinta Alle ku qaraabanayso iyagoo adeegsanaaya beesha Dubays ee warssangeli ee qeyb ka degta Galgala. Ciidanka Puntland Waxaa Ku Waanin Dadkooda haunaxariistaan Cadoowgaan Muqdishu lagasoo Adeegsadayna Dhagta Dhiiga Udara iyo Ilgaar ahna Isaga Eega cadoowga Jooga Muqdishu. Puntland Waxaa cadoow Ku ah Madaxweynaha Somalia, Beelaha Dhamaan Dega South Somalia Marka Laga Reebo Juba Landa. Inta naga Dhimataya Allaha Haunaxariista Inta khawaarijta Laga Diley Allaha Cadaabta Alle haku gubo aamiin.
    2. Dhibka dhacey waxaa kaloo soo adegsaday (Smaliland) oo jecel Burburka Puntland taana waxaa keenay in Faroole tol la yahay Somaliland uunaan xata wax weerar ku qaadin isagoo xaas ka qabo tolna la ah Somaliland daawadana shacabkiisa la laaynayo yiraahdo (Walaalaheey Somliland). Haddan runta isu sheegno Somaliland Waa Cadoowga ugu weyn ee Puntland xoog halooga kiciya gobolka Sool Haddii kale Garoowe laisugu imaan doonaa.
    3. Khaatuma waxay kamid tahay meelaha lagasoo maleego dhibaatada puntland waxaana kula talin lahaa beesha dhulbahante ogaada haddeey Puntland burburto Soomaaliayana waa burbureysaa include you. Joojiya xumanta aad ku wadaan Puntland iskana qabta garaadkan yar e muqdishu bunka iyo cambuulada ku ccunaayo.
    4. Puntland haddey burburta waxaa burburin Faroole oo jaahil aan waligii dad hogaamin isku darsaday aqlaaq xumo, kibir, fasahaad, baqeylnimo, caay iyo isku dirka beelaha Puntland. Ninkaa (Afwaliinjo) halaga qabto, haddii isimada aamusaan waxaa dhii doonto in (Puntland Biyo Guryihiina Idiin Kuugu Soo Galaan). Inta aan sheego waa dhibaatada Puntland haddeer heysata. hala midooba cadoowga dibada kaliya majiro ee Qabiilo ku jira maamulka Puntland yaa jecel Burburka Puntland mana sheegaya. Halaga digtoonaadao. Reer Qardho raali ka Noqda Xasuuqa ii faroole idiin Geystay Afwaliino udul qaata waa nacas u xoog weyn tolkiisa January-8-2013 baa xoog lagu dejin doonaa hadduu diido waxaa ka dhaca garooowe waxaa ka masuul ah Beesha Ciise Maxamuud Oo faroole Ku taageertay Xumaanta.
    asc wr wb Wabil-laahi Tawfiiq.

  3. Warsame says:

    AL-Shaydaan illayow umada ka qabo diina way sheeganay dad muslin ahna way laynayaan illahay ha unaxariisto ciidamada geeriyooday.Laakiin waxaan jelaan lahaa in la dilo af-waliije iyo Cabdi neef tuugta umadii gatay ee P/L burburiyay ee inba reer intay u dhiibeen sacabka tumay dhiigii dadkana ku naaxay.

  4. s/landgirl says:

    INAA ILAAHU WANAA ILAYHI RAAJUCUUN WAXAAN HALKAN TACSI UGA DIRAYAA DHAMAAN SHICIBA REER PUNTLAND GAARAHAANA HOOYOOYINKII WIILASHOODU KU LA’ADEEN DIFAACA DALKOODA HOOYO SOMALIYEEY HADAYNU INAKU ISLA COLOOWNAY SOMALIYEEY HADII CIIDANKII INAKA DIFAACI LAHAA CADOWGA SHISHEEYE SHICIBKIISII SOMALIYEED XASUUQAY SOMALIYEEY HADII CIIDANKII SOMALIYEED AAMINAADII SHICIBKIISA KASBAN KARI WAAYAY SOMALIYEEY HADII QOS KASTIIBA TUULADIISII OOTAY INAKAA HALKAA IS DHIGNAY SOOW MAAHA CAWAAQIBKII UU SULDAAN TIMACADE AHN KA GABYAAYAY 52 SANO KAR BAYNU MAANTA HAYNAA WELINA KAMAYNAAN TOOBAD KEENIN ALSHAYDAAN WAA NAFLA XAARI

  5. Laalood says:

    WAXAAN tacsi tiiranyo xambaarsan udirayaa dhamaan Eheladii ay ka dhinteen askartii difaaceysay oo sugeysay amniga puntland oo si dulmiya loogu soo qaaday dagaal dulmiyoo xaqdaro ah iyo dad la marin hababshay oo ay xitaa ku quus qaadan la yihiin wali sheekhii dulmiga lagu dilay.

    mida kale waxaan kula talinayaa maamulku in uu nimankaa ku dhuumaaleysanaayo buuraleyda uu iska qabto oo uu meel iska saaro hadii kale intaa wey kasii xumaan doontaa howshu hadaan hada laga gaarin oo aanan wax laga qaban qolooyinnkaa ku dhuumaaleysanaayo buuraleyda.

  6. ciidankeena ilaahay ha unaxariisto. khawaarijta dadka laynaysa ha soo qabto si loo ciqaabo

  7. Asc

    Waxan salaan diiran usoo jeedinayaa dhamaan bulshaweynta reer Pubtland meelkasta oo ay aduunka kajoogan gude iyo dibadba.

    Salaan kagadaal waxan tacsi udirayaa dhamaan shacabka reer Puntland gaar ahaana qoysaskii ay kageeriyooden ciidamadii qaranka Puntland waxan leeyahay ilaahay JANO iyo naxariis HASIIYO Maxaa yeelay Waxaa dishay khawaarij gaalo ah.

    Waa in laciribtiraa xaaramiyiinta khawaarij ta ah ee dadkeena iyo ciimadamadeena dhibaatada kuhaaya oo aynu wada ognahay in ay yiihiin dad ushaqeeynaya cadowga Puntland Waa in shacab iyo dowladba loowada istaaga sidii aynu cayayaankan iskaga qaban lahayn.

    Viva Puntland Government.

  8. runsheeg says:

    Dhimashada cidanka puntilan waa 9 askari dhawucuna waaa 3 inkastoo wararku shegayaa in askari kale oo dhawicii dhintay xalka toga sugure hada waa daganyahay waloo lasheegayo inayjiraan cabsi dheraada

Leave a Reply