Al-Xaaji Maxamed Yasin oo Beelweynta Cismaan Maxamuud isku raaceen musharaxnimadiisa

August 6, 2012   //   Warar Somaali

Kulan ay iskugu yimaadeen waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beesha beesha Cismaan Maxamuud ka mid ah beelaha Majeerteen iyo qaar ka mid ah jaaliyadaha beeshaas inta xamar ka joogta ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa kulankaas lagu lafa guray xaalada Somalia, gaar ahaan kaalinta beeshaas kaga aadan isbedelada ka socda dalka iyo doorashooyinka madaxda dalka ee dhowaan la qabanayo, iyagoo arimahaas dhinacyo badan ka eegay.

Dood dheer iyo falanqeyn ka dib ayaa ayaa odayaasha beesha Cismaan Maxamuud waxay ku go?aansadeen iney la jaan-qaadaan isbedelada siyaasadeed ee dalka ka socda, iyagoo wax la qeybsanaya beelaha kale ee Soomaaliyed.

Sidoo kale waxay odayaasha beeshu isku raaceen in musharaxa kaliya ee beeshaas ku metelaya doorashada madaxweynaha cusub ee dalka uu noqdo Al-xaaji Maxamed Yaasiin, iyagoo sheegay inuu yahay nin karti u leh inuu shacabka Soomaaliyed ka saaro dhibaatada haddii loo doorto xilkaas.

Waxaa ka mid ahaa odayaasha beesha Cismaan Maxamuud ee kulankaas ka qeyb galay Wakiillka Boqorka beesha Cismaan Maxamuud Burhaan Boqor Musse, Suldaan Abdulqadir Ali Yassin, Suldan Musse Jamac iyo qaar kale oo kulankaas goob joog ka ahaa.

Al-Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha Somalia oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo kuna faraxsan yahay taageerada ay beeshiisa ku siisay iyo doorashada ay u doorteen inuu noqdo musharaxa kaliya ee beeshaas ku metelaya tartanka doorashada madaxweynaha dalka, isagoo taageeradaasna ka mahad celiyey.

Puntland News-24

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Cali says:

    sow kama fiicnaateen haddii beelaha Puntland wada dega ay dhammaan taageeraan halmusharrax,kaasoo ah Dr. cabdi weli Gaas.Mise sheekadii lixdamaadkii riyadeedi baan weli dhammaan.

Leave a Reply