Allaha u naxariistee C/laahi Yusuf Axmed oo geeriyooday

March 23, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

Marxuum C/laahi Yusuf Axmed ayaa saakay salaadi subax ka hor ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada  Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, oo lagu magacaabo Sheekh Zaai’d.

Geerida Madaxweynihii hore C/laahi Yusuf ayaa waxaa xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay oo lagu magacaabo C/rashiid Shire Yusuf oo ka mid ahaa dadki la joogay.

‘Wuxuu dhintay saacada Abu Dhabi marki ay aheyd 4:4 subaxnimo, intaanu dhiman maalmahan wuu kasoo reynayey laakin marki waqtiga yimid lama celin karin oo tii ILAAH baa timid, 10 daqiiqo camal ayuu xanuunsanayey kadibna wuu xijaabtay,” ayuu  C/rashiid Shire Yusuf.

Sidoo kale Aamina Yusuf Shire oo ka mid aheyd qoyska marxuumka ayaa iyaduna ka sheekeyneysa xanuunkii uu u dhintay.

“Maalmahan wuu fiicnay wuxuuna ku jiray maalmahan Sheekh Zayid Hospital, caruurtiisa ayaa la joogtay waxaana marxuumka uu geeriyootay saakay salaadi subax ka hor saacada 4:05, waxa uu ka xanuunsanayey kelyaha, ninkan kaliyah familka oday uma aheyn ee Soomaali oo dhan ayuu oday u ahaa marka aaskiisiisa goorta uu dhici doono ma ogi waxaana ka tashan doonaa saakay,” ayey tiri.

Madaxweynihii hore ayaa u geeriyooday xanuunno ka haleelay sambabada waxaana sannadkii lasoo dhaafay dhowr jeer xanuun awgiis loo dhigay isbitaalka uu ku geeriyooday saakay aroortii hore.

Marxuumka ayaa ifka uga tagay hal xaas iyo afar caruur ah, oo kala ah laba wiil iyo laba gabdhood.

C/laahi Yusuf ayaa siyaasada kusoo jiray mudo 40 sanadood ah, waxaa xilka madaxweynaha Soomaaliya loo doortay sanadki 2004, isaga oo iska casilay bishi December sanadki 2008 marki ay is qabteen ra’isulwasaarihi hore Nur Cade.

 

 

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Inaalilaahi waa ina ilahi rajacuun”

    Ilahay ha Naxriisto C/dullaahi Yuusuf Axmed oo aha Madaxweynihii hore ee dawlad kmg ama TFG, Waana Ninkii ugu horeyay ee Madax looga dhigay dawlada haatan ka jirta Degaanda Puntland oo uu Madaxweynaha ka yahay C/diraxman Sheekh Maxmed Mxamuud {Faroole}
    C/dillaahi Yusuf Axmed {Yeey} maanta waa marxuun waxan mar wan naxayoo marna allaah ban u noqday waayo qofkasta waa uu dhimanyaa taa mid, tan kale oo naxdinta ah waxuu ahaa oday Soomaaliyeed mana ka dhiman hal qos ee waxuu kadhintay Soomaali oo dhan waayo ma uusan aqoon qabyaalada ee waxuu ka shaqaynjiray in ay midawdo Soomaali oo dhan oo ay ka baxaan qaxootinimada ay ku jiraan mudo dhan 20 sano ah marka waxan leeyahay danbigiisa Allaah ha dhaafo Ebbena ka warabiyo jandii Anagana hanaga Samir siiyo dhamantaya” ehelkii,Xaaskii, Caruurtii iyo Asxaabtii dhamaantood Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo,Ilaahay isgaa Naxrriista naxarriis Guud iyo mid Gaaraba waxan ku soo gabaynayaa in dhamanteen uu inoo naxriisto Allaah danbigeena dhaafo insha,allahu waan ka rajeynaynaa Saxaanu watacaalaha,Isaga Xumaan ka Nastahane.

  2. allah subhana watacala haa unaxaristo cabdullahi yusuf ahmed janatul firsdosa inaan lagaqeybgiliyo allah haa unaxaristo AMIIN,AMIIN,AMIIIIIIIN,

  3. farxaan xaji a.y.m. says:

    innaa lillaahi wa innaa ilaahi raajiicuun ilaahay ha u naxariisto marxuum cabdullaahi yuusuf ,waxaana ilaahay uuga baryayaa samir iyo imaan ilaahay kasiiyo ehelkiisii iyo dhammaan umadda soomaaliyeed iyo ummadda puntland…..aamiin aamiin

  4. Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun

    Allah janadii ha ka waraabiyo, xaaskiisi & caruurtiisana samir iyo iimaan eebe haka siiyo……Aamiin.

  5. Gacaliye says:

    Eebe ha u naxariisto, amiin.

  6. inaalilaah wainaailehi rajucuun naf walba ayaanteeda mana akhirto mana qadinto ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo qoyskii iyo qarabadi uka dhintay ilaahaay samir iyo imaan haka siiyo aamiin aamiin

  7. inaalilaahi wainaa ilaayhi raajicuun. rabi kitaabkis midigta haka siiyo marxuumka .qoyskiisi qaraabada iyo dhamaan umada reer puntland samir ebe hakasiyo wuxu ahaa zaciim iyo hogaamiye ruuxiye oo kabaxay umada reer puntland iyo dhaman umada soomaliyed inta xalaasha o kamaran cunfiga iyo nacayb isireed ..rabi kitaahkisi midigta hakasiiyo anagana ciwad iyo halyeey iyo geesi kale o noobadala

  8. marxuumka waxan ilaah uga baryaynaa iyojano

    qaraabadiisanah sabir iyo iimaan
    iyo umada somaaliyeed oo dhan meelkasta oo ay joogtoba waayo marxuum cabdulalhi meelbuu
    kaga jiraa tariikhda somalia kharaar iyo macaan waxaydoontoba ha ahaateh ha udambayso dawlada tabarta yar oo muqdisha fadidahe oo usagu maahee ilaaka dib fadligeeda leeyahay oo soo fariisinkareen cabdulaahi wuxuu ahaa qof kharaar iyo macaan ba leh

  9. ahmedpunt-------------dk says:

    innaa lillaahi wa innaa ilaahi raajucuun ,waa geeri naxdin badan waase waddo qof walba maraayo waxaana halkaan uugu ducaynayaa in ilaahay samir iyo iimaan naga siiyo dhammaan eheladiisii iyo ummadda soomaaliyeed iyo ummadda puntland ,waxaan leeyahay ilaahay cabdullaahi aakhiro meel wanaagsan ha udooro …..aamiin aamiin

Leave a Reply