Ambassador Bari-Bari oo booqdey xarunta SCERDO ee magaalada Edmonton,Canada [sawiro]
February 22, 2012 // Warar SomaaliYuusuf Maxamed Ismaaciil (Baribari) oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Switzerland ayaa maanta kulan kula qaatay xafiiska hay’adda SCERDO ee magaalada Edmonton ee dalka Canada.
Safiirka ayaa ugu horrayntii la kulmay dhallinyaro Soomaaliyeed oo tababr xagga shaqada iyo hogaaminta toosan lagu barto uga socdo xarunta SCERDO, isagoo Safiirku u jeediyay dhallinyaradaas khudbad dheer oo ka hadlaysa qiimaha uu leeyahay maamul wanaaga, caddaaladda,wadajirka iuo isutanaasulku.
Safiirka ayaa ku adkeeyay dhallinyarada in ay ka faaiidaystaan fursaddan ay haystaan ee waxbarasho, shaqo, caafimaad iyo nabadgalyo isla markaana ay kula noolaadaan dadka ay u yimaaddeen nabadgalyo dhawraanna shuruucda iyo xeerarka u degsan dalka ay u soo haajireen (Canada).
Dhinaca kale, Yuusuf Baribari ayaa isla maanta kula shiray qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqan magaalada Edmonton, isagoo uga warramay xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya gaar ahaan wakhtigan kala-guurka ah ee uu galay dalka Soomaaliya.
Safiirka ayaa si cilmiyaysan ugu sharraxay odayaashii iyo waxgaradkii shirkaas fadhiyay sida loogu baahanyahay in loo samatabixiyo dalka Soomaaliya isla markaana iftiimiyay in Shirka lagu qabanayo dalka Ingiriiska uu yahay mid xal kama danbays ah loogu raadinayo dhibaatada dawlad la’aaneed ee dalka Soomaaliya ka jirtya 20kii sano ee la soo dhaafay. Shirkaas ayaa iyana dhinacooda waxaa talooyin wax ku ool ah ka soo jeediyay waxgaradkii goobta fadhiyay iyagoo mahadcelin ballaadhan us oo jeediyay Safiirka kuna ammaanay waxqabadkii iyo dadaalkii dheeraadka ahaa ee Safiirku muujiyay tan iyo intii uu hayay jagada Safiirnimo ee dalkaas Switzarland. Ugu danbayntii Guddoomiyaha Hay’adda SCERDO Bashir Xaaji Cali (Jamaal) ayaa shirkaas soo xidhay una mahadceliyay Safiirka iyo martisharaftii kale ee shirkaas ka soo qaybgalay.


