Amniga Gaalkacyo oo soo hagaagaya

September 1, 2012   //   Warar Somaali

Magaaladda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegaan in mudooyinkii ugu dambeeyay uu soo hagaagayey amniga magaaladda.

Qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda ayaa xilliga habeenkii ah waxaa lagu arkayey masuulyiinta degaankaas gaar ahaan Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamuud Nuur Tigey,Duqa Degmadda Galkacyo Saciid Abdi Faarax iyo saraakiisha Ciidanka Booliska Mudug kuwaas oo dhex socda Xaafadda Garsoor oo ka mid ah meelaha ugu badan oo ay ka dhacaan falalka amniga Galkacyo wax loogu dhimayey.

Madaxda gobolka mudug ayaa waxaa amnigooda ilaalinayey ciidamo aad u tiro badan, taasina waxa ay kalsooni siisay shacabka degaankaas oo muujiyey sida ay mar walba u jecel yihiin in ay arkaan Galkacyo oo amnigeeda uu hagaago.

August 11, 2012 ayeey aheyd markii magaaladda Galkacyo lagu dilay laba nin oo isku ehel ahaa, sidoo kale waxaa isla xilligaas mar ku dhaweyd lagu dilay sarkiil sare oo ka tirsan kuwa amniga Puntland.

29 bishii August masuulyiinta Maamulka ay kulan la yeesheen odayaasha,ganacsatadda iyo weliba waxgaradka qeybaha kala duwan ee gobolka Mudug, taas oo looga hadlay sidii wada jir loogu adkeyn lahaa amniga magaaladda.

Galkacyo ayaa waxa ay ka mid tahay magaalooyinka Puntland mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagnaayeen falal amniga ka soo horjeeda, iyadda oo sidan oo kale dhowr jeer dadaal la sameeyay amniga wax badan looga qabtay.

Puntlandnews24

Gaalkacyo

COMMENTS

RSSComments (4)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Waa alle mahadiis marhadii dadkii dagaanku fahmay in ay isku dan yihiin oo nabadu dadka oo dhan dan uwada tahay loona baahan yahay inlagawada shaqeeyo isla markaasna aan loo arag in cidgaar ah nabada gaalkacyo masuulka tahay ama ay amaanka sugto ee ay tahay wax laga rabo cidwalba oo reer galkacyo ah in ay ilaashato

  2. Hussein gadawe says:

    Ilahow magalada no hagaaji nabad ban rabna maxamed yusuf ilahay ha kugu garab galo adi iyo duqa iyo sarakisha amniga

  3. Khadar Cawil Looyaan says:

    Masha allah ilahay ayaa mahad leh waan kufaraxsanahay galkacyo bilicdeeda iyo isbadalka wanaagsan oo ay u socoto dhanka hormarka masha allah waxaan kuguubaabinayaa dadka kudhashay ama hada kasoojeeda galkacyo inay dhayraan amniga iyo bilicda gobolka because waxaa muhiim ah in aad gurigaaga iyo ilmahaaga ilaalisid waxaan xasuustaa 1996 markii galkacyo anigoo carruur ah ayaan imid markaa iyo maanta hormarka udhexeeya kama sheekayn kayn karo insha allahu hormar iyo banad ayaan gaaraynaa aan dadaalno insha allahu aanna taageero iyo lashaqayn aan samaynno maamulka hada talada noohaya maamul la aan waa dhibe

  4. imran says:

    Mansha allah galkacyo wa halbawlaha somalia wana meel laga so dhaweeyo somali oo dhan mark nabada aan kawada shaqayno cadawgana iska qabano,bilicda galkacyo &sharafteeda dhawrno mahan cadawgo inay ka dhigan magaldeena war zone

Leave a Reply