Anagu Xisbiga Horseed Kama Mid Nihin [CADEYN]

February 6, 2013   //   Warar Somaali
BEENI RAAD MALEH
Ku. Shacabka Puntland
Og. Urur Siyaasadeedka Horseed
Ujeeddo. Caddayn
Anagoo kala ah xubnaha magacdoodu hoos ku xusan yihiin, kuna sugan magaalada boosaaso, waxaan shacabka Puntland u caddaynaynaa in aanaan ka mid ahayn Urur Siyaasadeedka Horseed, taas oo magacyadayada lagu xusay in aan ka mid nahay 255 xubnood ee uu ka kooban yahay golaha dhexe ee ururkaasi.
Waxaan mar labaad caddaynaynaa in nalagu been abuurtay, kamana mid nihin ururkas, magacyadayaduna waa
1. Yuusuf Saalax Samatar
2. Ayaanle Yuusuf Ismaaciil
3. C/laahi Sheekh Axmed Cabdulle
4. Siciid Cali Maxamed
Mahadsanidin

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Nuune says:

    Qofkii ka baxaaya xisbiga horseed waa caadi lakin madaxwaynaha yaan la aflagaadayn waa hogaankeena 5sano ee soo socoto qabiil dambe wax lagu qaybsan maayo democracy ayaa noo dhalatay allow noodaa madaxwaynaha. Cadowga hajabo jir oo joog

  2. Mr Warabe says:

    Waxaan filayaa waa wadaniyiin xaq bayna uleeyihiin inay fikkirkooda iyo ujeedkooda caddeeyaan aad bayna umahadsanyihiin waana dadkii badbaadin lahaa puntland ilaahy idiinkoo kale haka dhigo dhamaan shacabka iyo xildhibaanada

  3. Odagu dayuusbaro waxba ugama baahna wuxuu haystaa kuwo xeryo ugu xereysan oo ah baarlamaankii shacabku soo dirsaday oo uu taladooda la wareegey iyo dadka xeryaha barakacayaasha ku xeraysan iyo intayada Garoowe ku nool oo nalaku khasbay inaan Horseed ka tirsan nahay.

  4. dangorayo says:

    heedhe waa nin sixran afwiliinjo yaa yiraahda ustraaliya isaga carar wiilashaadu waa na ceebeyen adna wey kaa cararayaan ma madaxtooyada ayaa ku dhuuman ma dalkii putlaandi.

  5. wiil bari says:

    Aa yaab qad qad qad qad……..Faroole dadka magacyadooda u daa hus baannu ku niri. Ma kugu fillaan waayeen diasporahii jaahiliinta ahaa necktiega xiran jiray oo wasiira ku sheegga ahaa iyo ma xishoodayaashii parlimentiga ama xildhibaanada sheegan jirey. Dhugo ma barxadda garowaa puntland u malaysay.

Leave a Reply