Maqaal: Aniga Waa Lay Wataa [WQ: Shiine Culey]

August 15, 2012   //   Faallooyin

Maqaal: Aniga waa lay wataa.!!

 Hordhac.

 (Aniga waa lay wataa) Waa Maqaal xanbaarsan qiso xaqiiq ah oo dhacday taas oo dhexmartay musharax ka mid ah musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Soomaaliya & taageerayaashiisa, dhanka kale maqaalkan waxaan ku eegi doonaa muhiimadda ay leedahay doorashada 20 Aug, hamiga musharaxiinta, doorka beesha caalamka & sida siyaasiyiinta Soomaalidu markasta ugu dadaalaan inay kasbadaan kalsoonida wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

 Muhiimadda ay leedahay Doorashadan.

 20 Aug, 2012 oo ay ina ka xigto maalmo kooban waxaa la filayaa inay ka dhacdo Magaaladda Muqdisho doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya taas oo ay ku herdamayaa musharaxiin kor u dhaafaya 50 musharax oo dhamaantood dadaal ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen hogaanka Dalka.

 Waa doorashadii ug xiisaha badnayd tan & markii inqilaab aan dhiig ku daadan talada Dalka ay kula wareegeen kacaankii 21 october waana markii ugu horaysay tan &  burburkii Dowladda dhexe 1991 doorashada Madaxweynaha lagu qabto gudaha Soomaaliya.

 Amaanka & dagaaladda lagula jira Alshabaab Dowladu waxay ka gaartay guulo is daba jooga, beesha caalamku waxay saray u qaaday taageeradda ay siiso Soomaaliya, burcad badeedu waxay noqotay masiibo caalami ah oo xalkeedu ku xiran yahay Soomaaliya oo yeelata Xukuumad awood badan, wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya waxay u baahanyihiin Dowladd rasmi ah si ay ula samaystaan iskaashi nooc walba leh, Saxiixayaashu waxay ku dadaaleen  hirgelinta Ro’ad map , markii u horaysay waxa si KMG loo ansixiyey Dastuur, waxaa la rajaynaa in xiliga ku meel gaarka laga baxo Soomaaliyana yeelato Dowladd rasmi ah dhamaan talaabooyinkaasi waxay muujinayaa inuu beryey waa cusub waana sababta ka dhigtay doorashadan mid xiiso gaar ah leh muwaadiniin badana ku dhiiri gelisay inay boos ka ciriir sadaan tareenka Siyaasada.

 Hamiga Musharaxiinta.

 Sheki kuma jiro in 90% musharaxiinta u taagan doorashada Madaxweynaha aysan qabin rajo ah inay ku guulaystaan doorashada hase ahaatee waxay leeyihiin hamiyo kale qaar badan oo ka mid ah waxay ku doonayaan inay CVga u gasho, qaar kale waxay ka tahay is muujin & in magacoodu ku baaho dadweynaha, qaar kale waxay rabaan inay salaan uga sii dhigtaan sidii ay Dowladda cusub xil uga heli lahaayeen halka qaar ay ka tahay inay shaqo wadaag la sii noqdaan musharaxiinta ay is leeyihiin waa ku guulaysan karaan tartanka doorashada si ay ugu yaraan hadhow uga helaan tixgelin & weji garasho.

 Doorka Beesha Caalamka.

 Dowladdu Federaalka maahan mid cagaheeda ku taagan waxay ku tiirsan tahay taageerada dhaqaale & mid ciidan ee beesha caalamka, Qaramada midoobey waxay aqoonsanyihiin TFG, Midowga Africa waxay Soomaaliya u soo daabuleen ilaa 17,000 oo askari, Ciidamada Kenya & Ethopia waxay ka hawlgelayaan gudaha Soomaaliya, Wadamada reer galbeedku waxay bixiyeen inta badan Tababarada, Agabka & kharashaadka Amisom & Ciidamada Dowladda, Jaamacada carabta & ururka Islaamku dhankooda waxay ku leeyihiin arrimaha soomaaliya door fiican dhamaan qodobadaasi waxay fursad u siiyeen beesha caalamku inay saamaynta ugu badan ku lahaato arrimaha Soomaaliya aana looga maarmin inay qayb ka noqdaan qorshe kasta oo la hiigsanayo ama ugu yaraan talada wax laga siiyo.

 Siyaasiyiinta Soomaalida.

 Madaxda Soomaalida & kuwa ka rajo qaba inay ku soo biiraan masraxa siyaasada waxaa caado u noqotay inay ka doonaan taageero Qaramada Midoobay, wadamada daneeya Arrimaha Soomaaliya & kuwa deriska la ah ayna siiyaan muhiimada koowaad halkii ay ahayd inay xooga saaraan kasbashada taageeradda & kalsoonida Bulshada Soomaaliyeed.

 Musharaxiinta hada u taagan doorashada Madaxtinimada ee la filayo inay dhacdo 20 Aug mid kastaa dhankiisa wuxuu ku dadaalayaa sidii uu u heli lahaa Kalsoonida & taageeradda Xafiiska Siyaasadda Qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya (UNPOS), Wadamada reer Galbeedka, Midowga Africa & kuwa ay ka joogaan ciidamadu sida Ugandha, Burundi, Ethopia, Kenya & Jabuuti waana adagtahay musharax aan haysan kalsoonida wadamadaas inuu si niyad sami leh u galo tartanka doorashada.

 Musharaxiin badan ama madaxda hada wakhtigoodi dhamaadka yahay waxay ku bixinayaan wakhti, dhaqaale fara badan & Safaro is daba joog ah sidii ay ugu yaraan ula soo kulmi lahaayeen madax ka tirsan wadamadaas si ay uga soo gadaan qorshahooda waxqabad & xiriirka ay la yeelan doonaan hadii ay guulaystaan.

 Madaxweyne Shiriif oo hada ku rajo weyn in markale dib loogu doorto Xafiiska kana mid ah musharaxiinta ugu cad cad caqabada ugu geyn tartankiisa waxay ka soo wajahaysaa Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Augustine P. Mahiga oo ay ka dhaxayso xurguf siyaasadeed taas bedelkeeda Danjire Mahige wuxuu saaxiib dhow la yahay Raysalwasaare Cabdiweli Gaas & Gudoomiye Shiriif Xasan oo labaduba loolan adag kula jira Madaxweynaha .

 Adiga yaa ku wata?.

 Adiga yaa ku wata? Maraykana miyaa ku wata, Danjite Augustine Mahiga miyaa ku wata ma Ethopia ku wadata mise Kenya mise Ugandha Waa su’aal in badan la weydiiyo Musharaxiinta u tartamaya doorashada madaxtinimada sababtuna waxay tahay iyadoo la aaminsan yahay in wadamadaasi ay saamayn weyn ku leeyihiin Siyaasada Soomaaliya aysana suurto gal ahayn musharax aan haysan taageeradooda inuu ku guulaysto tartanka.

 Aniga waa lay wataa.!!! (qiso xaqiiq ah).

 Mudo hada laga joogo ayaamo kooban waxaa kulmay mid ka mid ah musharaxiinta u taagan doorashada & xubno badan oo taageersan siyaasadiisa kuwaas oo u badnaa beeshiisa musharaxu wuxuu ka codsaday in la taageero ololihiisa doorashada loona soo ururiyo dhaqaale markii uu dhamaystay hadalkiisi marti sharaftii waxay bilaabeen inay su’aalo weydiiyaan halka qaar ay u soo jeedinayeen hadalo isugu jira guubaabo, talooyin & duco.

 Shirkii oo ku socda jewi degan mid ka mid ah xubnihii ka soo qaybgalay wuxuu weydiiyey su’aal musharaxii isagoo yiri “Mudane Musharax waxaan qabaa su’aal waxaan ku weydiinayaa horta adiga yaa ku wata oo aad taageero ka haysataa’’?

 Musharaxii wuxuu ugu jawaabay “ Aniga waa lay wataa! Aniga waa lay wataa!  lama mid ka ahi musharaxiinta cidlada ordaysa oo hawsha ku wada qarda jeexa “ !

 Isla markiiba waxaa su’aal labaad soo weydiiyey ninkii hore wuxuu yiri : “ yaad noo carabaabi kartaa oo ku taageersan (ku wata) “?.

 Musharaxii wuxuu ugu jawaabay “ Aniga Dowladda Maraykana baa i wadata! waxaan kula kulmay Kenya haweenay ka tirsanayd wefdigii Hillary Clinton kana shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ii sheegtay in aan ahay siyaasi wanaagsan arrimaha soomaaliyana waxka qaban kara iyadoo i cadaysay in Dowladda Maraynakuna ila shaqayn doonto”!!.

 Jawaabtu Musharaxu waxay dad badan ku riday dhabana hays halka qaar kale ay rajo gelisay ayna aamineen in murashuxu leeyahay rajo weyn mar hadii Dowladda Maraynaku sidaa ku tiri.

 Waxaa qoray:

 Shiine Culay

Facebook: Shiine Culay Follow on Twitter: @Shiineculay E. Shiine.culay@gmail.com

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply