Ardayda degmada Carmo ee tartanka QK ku guulaystay oo soo dhoweyn loo sameeyay [Sawiro]

August 14, 2012   //   Warar Somaali

Maamulka iyo shacabka degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa xaflado waawayn u sameeyay ardaydii degmada Carmo uga qaybgashay tartanka Quraanka Kariimka ee dhowaan lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sadex arday ayaa degmada Carmo uga qabygalay tartanka Quraanka Kariimka ee 30-ka jus, 20-jus iyo 10-jus, iyadoona dhamaan ardayda kasocotay degmada Carmo ee tartanka quraan aqrinta ka qaybgalay ay kaalmaha ugu sareeya ka galeen tartanka.

M/waynaha dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroolle iyo shirkadda isgaarsiinta ee Golis ayaa tartankan maalgalinayay, waxaana uu ahaa tartan sanadkiiba mar loo qabto degmooyinka Puntland.

Xaflada maamulka iyo shacabka Carmo uqabteen tartamayaasha waxaa uu ahaa kii ugu waynaa ee in dhowaalle lagu qabto magaalada Carmo.

Gudoomiyaha degmada Carmo Eng. Ibraahim Shirre Maxamed oo ka hadlay munaasabadii soo dhoweynta ardayda ayaa maalin taariiqi ah ku tilmaamay guusha ay ardayda ka gaareen tartanka quraanka.

Waxaa uu sheegay inay tahay markii ugu horaysay oo kaalmo noocan ah ay ardayda degmada Carmo ay hal mar wada galaan, isagoona Allah uga beryay waalidiintooda inuu ka abaalmariyo dadaalkan.

Sheekh C/raxmaan Bukhaari oo ka mid ahaa mashaa’iqda waawayn ee xafladan soo dhoweynta ka qaybgalay, waxaa uu dadka kula dardaarmay inay ku dadaalaan barashada iyo kudhaqanka Quraanka Kariimka.

Saciid Xuseen Ciid oo ah kuxigeenka madaxa suuqgaynta shirkadda Golis ayaa sheegay tartamada sanadka soo socda inay rajaynayaan hadiyado waawayn in la siiyo, sidoo kallena ay jiraan shirkado iyo hay’addo balanqaaday tartamada kale ee soo socoda inay ka qaybqaadan doonaan hadiyadaha la bixinayo.

Dadka xafladda kasoo qaybgalay ayaa waxaa ay tartamayaasha ugu hortageen deegaanka Sunajiif iyagoo oo sabcinaya kuna dhawaaqaya erayo soo dhoweyn ah, mashaa’iiq waaywayn oo dalka laga ixtiraamo ayaana joogay oo ay ka mid ahaayeen Sheekh C/raxmaan Ciise iyo Sheekh Yuusuf Heeryo.

Gabagabadii maamulaha machadka  Ibnu Bazi oo ardayda ay dhiganayeen ayaa isaguna soo dhoweeyay guulahan ay gaareen ardayda  ardayda Maxamuud Axmed Yuusuf oo ku guuleystay 30-ka jus ee tartanka quraanka iyo Usaama Siciid Xuseen oo isna kuguuleystay 20-ka jus iyo faarax siciid faarax oo isna kaalinta labaad ka galay 10-ka jus ee tartanka quraanka.

 

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (11)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. imran says:

    maad iska daysan qabilka lagu abtirsanayo maxa kenay puntland wa mid qura daroodna wa isku mid mj hakala saarina,ilamaha yar u tahniyadeeya oo qura,qabiilada lagu so galayao ama laga hadlayo ma wanagsana wa jahilnimo mana khuseeyso arinkan ilmahana wa in lagu farxo heerka ay gaareen mansha allah, kaba so qaad kuwa dhashay oo kale maxa qabiilka keenay waaba yaabaay huru marka halgu dadaalo waxan halaga gudbo dadkan iskala guraya, viva puntland

  2. masha allaah ilahay ha dhowro waa dhalin yaro aad u da’yar intaas kadib kuwinaan meesha qabiilka iyo jidbada la taagan mesha qabiil loogama baahna ee u hambalyeya dhalinyarada jahiliin baa tihiin qabiil ku qafilan yahay

  3. war heedhe somali goorma ayay ilbaxeysa qabiil maxaa keenay meesha wiilal yar ar oo xufaad ah oo dadkooda wax soo bareen weeye cidii ay doonaan ha ahaadeen waa dhaliyara u tartameysay degmada carmo intaas miyaa idinku ekeenweysay walaahi waa yaab .

    tan kale aad ayan ugu farxsanahay in degamada carmo ay qaado koobkii loo dhigay ilaa 10 magaalo oo kamid ah degmooyinka puntland ayna carmo gashay 3dii kaalimood ee loo tartamayay waxayna koobka ka qaaday magaalooyin waaweyn sida bosaso galkacayo garoowe baran iyo kuwa kale balse wax kasta waa dadaal reer carmo halkaas kasii wada qur,aanka iyo diinta masha alaah waxaan sidoo kale hanbalyo udirayaan dhamaan dhalinta reer puntland ee ka qaybgashay tartankaas ee ka kala yamid magaaloyinka puntland

    ramadan kariim

  4. cool_zu@hotmail.co.uk says:

    mashalah quran xafidkoo wa ficnyahay , oo waa wax lago farxo lakin micnihii qoraanka ay xafideen ma yaqaniin sow maha tafsiirka in la baro hadii aan macnihiisa quranka la barin caruuta iyo dadka wa wyin waxba ma tariyo , sidaan ogsoonahay quranka in lago dhaqmaaa lago talgalay maha in akhriyo kaliya arintana somli badan bay ka maqantahay , tasiina waxaa lago gaari karyaa waa luqda carbiga oo la barto ikhwaani

  5. Qardho says:

    Masha Allah, waa arin wanaagsan dadka shucuurta ka muuqatah waa mid dhiiragalin u samaysay ciyaalka ku gulaystay..
    Noqda adeerayaal kuwii diintooda iyo dadkooda anfaca aameeb

  6. laylo abdi says:

    maasha alaah carmo waa magaalo diimeed waxaan leeyahay walaalha reer carmo guul guul ayaan leeyahay carmo waa magaalo ay dadka degan aad diinta ujeclyahiin .

    viva carmo and all puntland

  7. imran says:

    Mansha allah wa arin farxad leh allah ha idin siyaadiyo aad ban ugu faraxsanahay heerka ay ka gaaren quranka wan bil barakaysan,hadyadahan way istaahilaan so barbaara ayan leyahay walidka iyo macalimintana aad bay u mahadsanyihin dadalka dheer ay galiyeen wana wajib halka kasi wada hambalyo ayan leyahay dhamantood

  8. Gacaliye says:

    We pretending to be more Arabs than the Arabs themselves, even more backward than they are, SHAME ON US!

  9. hadanahay reer mudug hambalyan lenahay says:

    masha allah waa dad islaama diintana jecel wad waynayseen wax la isugu soboxo wixii ufiicna weeye ,masha allah caruurta in ladhiiri galiyo waa wax wayn

  10. RAMADAAN says:

    Hambalyo ayaan leeyahay dhalinyarda reer carmo ee ku guulayster munaasibadaas qaaliga ah!!!

  11. caaqil says:

    ASC MASHA ALAAH WAA GUUL

Leave a Reply