Askar Itoobiyaan & Soomali Isugu Jirta Oo Qarax Lagula Eegtay Kalabeyrka

December 6, 2012   //   Warar Somaali

Tuulada Kalbeeyrka oo ka tirsan Baladweyne ayaa goordhaweyd Qarax Miino lala eegtay Ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo Soomaali kuwaa oo waxyeelo ay kasoo gaartay qaraxaasi.

Qaraxa Miinada lala eegtay Ciidamada Itoobiyaan ka ah ayaa la sheegay in ay waxyeelo kasoo gaartay Ciidamadaasi iyadoona lasoo sheegayo in ay jiraan qasaarooyin dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira.

Warbaahinta Afka Al-Shabaab ku hadasha ayaa tabisay in Qaraxaasi ay ku dhinteen Ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwa katirsan Dowlada Soomaaliya , dadka dhintayan uu kujiro taliyihii Ciidamada Itoobiya ee Isgooska kala beerka kusugnaa.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka iyo Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku aadan Qaraxa maanta lala eegtay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada oo wada joogay isgooska kalabeyrka.

COMMENTS

RSSComments (0)

Leave a Reply