Askari ciidamada Puntland katirsan oo xalay qof shacab ah ku dilay magaalada Boosaaso

July 5, 2012   //   Warar Somaali

Dilka oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ninka la dilay uu sameeyay amar diido ahayd inuu istaago, iyadoona askariga dilka gaystay uu xiligaasi ku guda jiray howlgal.

Taliye kuxigeenka qaybta booliska gobolka Bari Muuse Yuusuf Jaqanaf ayaa u sheegay warbaahinta inay xireen askariga falka dilka gaystay xiligaana ay socdaan baaritaano la xiriira sababihii dhaliyay inuu dilku gaysto.

Gaashaanle dhexe Muuse Yuusuf Jaqanaf ayaa dhinaca kale sheegay ciidamada amaanka inay todobaadyadii ugu dambeeyey wadeen howlgallo lagu sugayo amaanka, howlgalada ayaa lagu soo qabqabtay dad badan oo qaarkood lagu eedaynayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Taliye kuxigeenka qaybta booliska ayaa ugu dambeyntii sheegay dadka ay soo qabteen inay horgeeynayaan maxkamadaha Puntland si loo cadeeyay eedaymaha loo haysto.

Puntland-News24

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. lama dage says:

    war dadka ha laynina jirriyohow wax qabqabadkiina maahee puntland waxaaad u rogteeen goob dagaal

Leave a Reply