Baargaal oo si weyn looga xusay 1da Agoosto

August 2, 2012   //   Warar Somaali

Degmada Baargaal ayaa si weyn looga xusey munaasabada 14 guuradii ka soo wareegtey aasaaska Puntland iyadoo dadweyne aad u tiro badan ay ka soo qeyb galey dabaal dagaasi oo siweyn loo soo agaasimey.

Meel Fagaare ah ayaa lagu qabtey xaflad aad u ballaaran oo ay ka haldeen masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahayeen Masuuliyiinta Dawlada Hoose ee Degmada Baargaal, Masuuliyiinta Ciidamada PMF, Nabadoono, Masuuliyiin u hadashay ururada Bulshada , ururada dhalinyarada , ururka barakacayaasha iyo dhamaan qaybaha kale ee bulshada

Xafladaas sida heerka sare ah loo agaasimay ayaa ku bilaabatay gaadakaciyaar ay sameeyeen Ciidamada police-ka iyo Ciidamada Badda Puntland oo ku maray qaybo kamid ah magaalada , sidoo kale ururada Dhalinyarada oo uu hogaaminaayay ururka dhaqdhaqaaqa horumarinta Arimaha Bulshada (ACDO) , ardeyda iyo hooyooyinka oo dhar bilicsan qaba ayaa iyaguna socod ku maray Fagaraha kuwaas oo sitey boorar kala duwan oo ay ku qoran yihiin erayo lagu waynaynaayo Maalinta 1 August .

Masuuliyiintii halkaas hadalada ka jeediyay ayaa Hambalyo u diray bulshada degaanka iyo Dhamaan shacabka Puntland , kana waramay ahimiyada maalintan u ledahay umada puntland , ayagoo islamarkaa dadwaynihii kasoo qayb galay xafladaa ku booriyay in ay xooga saaran nabada iyo midnimada.

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. puntlander says:

    waa dagmo beegsatay hormarka iyo waaga cusub

  2. samatar says:

    war been ha isu sheegin wax la dhaho puntland mesha laguma hayo waa maqaayad faroole iyo ilmahiisa iyo inta caado qaatayasha ku qarabtan oo umada dhulkaa dagto hantidooda ku lunsata baragalana caresan ma matasho dageenka iyo odayaal masaakin ah oo la siiyo lacag laalusha oo lagu yiri hana mucaaradina ee awalba mj ayaa wax isku darsaday rer baargaalana wey ka baxeen puntlnad ee riyada beenta ha isu sheegina

  3. cali yare says:

    masha’alaah , baargaal waa meel u qalanta gobol sida sawirada iyo hanaanka magaalada ka muuqata , waa munaasabdii ugu waynayd ee lagu xuso sanadguuradii 14 inta ka baxsan garoowe , aad iyo aad baan ugu habalyaynaayaa bulsha waynta baargaal , baargaal waa magalo camiran hada kahor baan shaqo u tagay

  4. asc baargaal waa meesha magaca p/and ka soo jeedo waana dhulka uduga ee pl aad baan ugu hanbyeynaya shacabka pl khaasatan shacabka baargaal sidoo kale waxan u mahad celinaya shacabka wadaniga dhabta ah ee badhan oo markaste u taagan wanaaga pl waxan leeyahay hanbalyo waxan kaloo u mahad celinaya shacabka iskushuban waxan leyahay hanbalyo ilaahay kuwiii nabada iyo midnimadoda ilaalsada hanaga dhigo aamin by muwaadin

  5. dhamaan waxaan salamayaa bahda wargeyska, http://www.putland news 24.
    iyo waliba shaqaalihiisaba.
    waxaan hanbalyo & bagaadin u dirayaa sanad guuradii ka soo wareegatey 14 ee putland ee lagu qabtey magaalada baargaal.
    xafaladaasi oo meelo badan lagu qabtey degaanda putland.
    xafadaasi waxaan u soo dirayaa habalyo& boodin.
    hadaba. xafaladaasi waxaa ka soo qeyb galey ururada bulshada mas’uu liyeen ka tisan maamulka puland & wax garad iyo nabadoono,
    iyo waliba ururka cusub ee dhawaan loogu dhawaaqay magaalada baargaal.
    haddaba waxay u dhacdey i heer sare ah
    waana mahadsan tihiin!

  6. maxamed says:

    Degmadda Baragal oo laaga xusay sandguradii 14aad ee dhismihi puntland,iyo Degmadda Qardho oo aan laga xusin,maxaa xadfan? iyadoo qardho aan jogaqn kuma kun qof oo reer puntland ah iyo degmada bargal oo ah dhul aad ufog ,arintas waxay ubahan tahay baris ween.

Leave a Reply