Baargaal:Xaflad Lagu abaalmariyay Arday dhamaysay xifdinta Quraanka (Sawiro)
January 20, 2013 // Warar SomaaliXaflad weyn oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday Dugsiga Xifdinta Quraanka kariimka iyo tarbiyada islaamka ee Daar Aw Cumar ee ku yaala Degmada baargaal . Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay maamulka dugsiga, iyadoo lagu soo bandhigay marxaladihii kala duwanaa ee uu soomaray dugsigu, xafladan ayaa waxaa lagu abaalmariyay 32 arday oo isugu jira Wiilal iyo gabdho oo dhamaysay xifdinta quraanka kariimka , .

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Nabadoono , Ganacsato , Masuuliyiinta Maamulka Degmada oo uu horkacaayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Axmed Maxamuud Yuusuf (Axmed Guray ) , Taliyaha Saldhiga Degmada, Xooghayaha Degmada , waalidiinta dhalay ubadka wax ka barta dugsiga Daar-Aw cumar , macalimiinta, iyo maamulka dugsiga, waxaana halkaasi laga soo jeediyay khudbado dhiirigelin ah , ugu horaynti waxaa Xaflada Lagu daahfuray aayado quraan ah oo uu akhriyay arday kamid ah ardaydii qalin jabisay.

Kadib waxaa hadalka furay maamulaha dugsiga Cawil jaamac Muuse Asagoo soo dhaweeyay martidii xaflada kasoo qayb gashay
Maamulaha Dugsiga Daar aw cumar ayaa ka hadlay marxaladihii kala duwanaa ee dugsigu soo maray iyo heerka ay maanta gaarsiisantahay waxbarashadiisu, maamulaha ayaa hoosta ka xariiqay in muhiimada xafladu tahay sidii waalidiinta loogu qancin lahaa heerka waxbarasho ee ardayda wax ka barata dugsiga Daar aw cumar ee degmada baargaal , asagoo dhinaca kale ballan qaaday inay sii wadi doonaan dadaalka , ardayda ka qalanjabisayna ay u bilaabi doonaan Culuumta kale sida tafsiirka iyo axaadiista , ilaa ay meel sare ka gaaraan ardaydaasi.

Waxaa kadib makarafoonka qabsaday nabadoonka nabadoonada degaanka Axmed salaad c/raxmaan , asagoo u hanbalyeeyay ardaydii dhamaysay xifdinta quraanka kariimka , balan qaadayna ka qayb qaadashada barnaamajyada horumarinta dugsiga.

Sidoo kale dadkii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa taliyaha saldhiga degmada baargaal , ibraahim axmed rabaax oo ka hadlay ahamiyada waxbarashada iyo doorka laamaha amaanka asagoo dhinaciisa ballan qaaday inay doorkii uga soo aada ay si fiican uga qayb qaadanaayaan.

kadib waxaa hadalka qabsaday gudoomiyaha degmada baargaal axmed maxamuud Yuusuf (Axmed guray ) asagoo u hambalyeeyay ardayda iyo waalidiinta maantay caruurtoodu xafdiday quraanka , aadna u amaanay doorka waalidiintu ku leedahay guusha ay gaareen ilmahoodu.

waxaa isna meesha ka hadlay Cumar siciid sharmaake oo u hadlay waalidiinta ilmahoodu dugsiga wax ka bartaan asagoo ballan qaaday inay la shaqayn doonaan macalimiinta.

Waxaa isna khudbad dheer oo ku saabsanayd xifdinta iyo barashada culuunta islaamiga ah kasoo jeediyay madasha korneel c/laahi yuusuf cadde , asagoo aad aad ula hadlay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada
intaas kadib ayaa Gudoomiyaha degmada iyo nabadoon axmed salaad c/raxmaan abaal marin iyo shahaado gudoonsiyeen ardaydii xifdiday quraanka kariimka ,

Ugu danbayntii waxaa xaflada lagu soo idlaalay gabay ka hadlaaya Horumarka Waxbarashada ka jirta Degmada Baargaal oo uu madasha ka akhriyay Abwaan idriis saalax bari gabayga oo dheeraa ayaa waxaa kamid ahaa :

Taniyo meeshaan iyo maalintaan guga tobnaad gaaray intaa taqadumkiyo horumarkaa igu talaalaaye toogada dhibaatada mar waa laga talaabaaye tub wanaagsan baa muuqatoo toobiyaa baxaye iminkay waxay taagantahay teembadaan rabaye gu’ tanaaday maal iyo dad waa lagu tarmaayaaye tiigaadu baxshiyo cawska waa lagu tartaaxaaye baargaal tiriigii la shiday waa kan taagsadeye Boqolaal talmiid ah oo cilmiga lagu tacliimeeyay oo qirada tawjiidka iyo dhigata tawxiidka talaahaan ku dhaartaye wax lagu tookho waa tahaye.

Dugsiga Daar aw cumar waxaa loogu talo galay xifdinta Quraanka kariimka , waxaase hada jira waxbarasho Aasaasi ah oo laga dhigo dugsiga, waxaana uu dugsigu shaqaynayay ilaa 1992 dii iyadoo ay dhigtaan in ka badan 350 arday.
Maxamed ibraahim axmed Baargaal









maansha alaah ilaa haw ka dhig kuwii ku camal fala dad koodana bara waa wax lagu farxo maansha allaah baraka laah
asc waa arin aad u fican umada reer baargaal inay isku tashatay marka ay arkeen inay dowladi meesha ka jirin waana wax lagu farxo soo dhawayna mudan dadaala waxan kalo mahad weyn u celinaya qurba joogta reer baargaal oo aad uga qab qatay horamarinta wax barashada guleesta