Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay nidaamka axsaabta siyaasadda ee Puntland loogu codaynayo[Dhagayso]

June 24, 2012   //   Warar Somaali

Golaha wakiiladda ee dowladda  Puntland oo kalfadhigoodii 28-aad uga socdo caasimadda Puntland ee Garoowe ayaa maanta meel mariyay xeerka codbixiyayaasha oo ka mid ahaa qodobadii guddiga doorashada uu soo gudbiyay shalay.

Doodii shalay baarlamaanka uu ku diiday xeerka codbixiyeyaasha ayaa waxaa sababtii ugu weynyd uu baarlamaanku uu diiday ugu wacnayd qodobada gudiga doorashada uu soo gudbiyay qaarkood oo baarlamaanku uu sheegay inuu ka horimaanayo dastuurka,kadib markii gudiga uu soo jeediyay in gobolada Karkaar,Haylaan iyo Cayn laga saaro gobolada axsaabta siyaasadeed ay xafiisyadooda ka furanayaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo kulankii maanta shir gudoominayay ayaa waxaa uu sheegay 45-xubnood inay soo xaadireen fadhigii maanta, islamarkaana 37-xubnood ay isku raaceen in ururada siyaasadeed ee Puntland laga furanayo looga baahanyahay  gobol kasta inay ka helaan 500-oo qof.

Dhagayso Doodda Baarlamaanka ee ansixinta nidaamka codbixinta axsaabta siyaasadeed ee Puntland.

Play

“37-mudane waxaa ay yiraahdeen gobol kasta macalla degmooyinkiisa shan boqol baa laga rabaa, gobol kasta oo Puntland ka mid ah waxaa laga rabaa shan boqol oo taageere, sadex mudane waxaa ay yiraahdeen kunka ayaan qaadanaynaa”        sidaasi waxaa cod dheer ku sheegay afhayeenka baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi kadib markii dooda lasoo gabagabeeyay.

Dhagayso : Ku dhowaaqista Gudoomiyaha baarlamaanka codaynta baarlamaanka ee nidaamkan

Play

Talaabada ay Puntland uga hayaamayso nidaamka beelaha ee 13-kii sano ee lasoo dhaafay lagu maamulayay ayaa dadku ay u arkaan horumar siyaasadeed oo aad u wayn inkastoo hadana ay muuqanayaan caqabado aad u wayn oo hortaagan hirgalinta qorshahaasi, taasi ay ugu wayntahay waqtiga xukuumadda waqtigan ay dhacayso oo  ka harsan wax ka yar 6-bilood.

 

 

Puntland-News24

Xafiiska wararka

Garoowe.

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (9)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. mohamed hassan says:

    somaliya waa mid xagee u kala wada puntland waa qayb muhiim ah oo ka mid somaliya

  2. mursal says:

    @ hasan
    Adeer gabdhuhu guri walba way joogaan oo anaguba qaar waanu qabnaaye , bal su’aashay ka jawaab….
    Puntland oo intaa aan tiriyey lihi ma maamul goboleed ka mid ah Somaliyaa mise waa dawlad madax bannaan?
    1- calan
    2- hees calan
    3- barlamaan
    4- dustuur khaasa
    5- Axzaab siyaasideed
    6- doorashooyin (waa lagu tala jiraa)
    7- hayakalkii guud ee dawladnimo oo madax bannaan!!!!

  3. hassan says:

    wa la yaab runtii meesha waxad ka dhiibanaysa oo kaliya wa YOUR COMMENT ONLY . Balse niman ay cuqdad ka buuxdo maxa ka khuseeya inay comment ka dhiibtan siyaasada puntland adeerayal wa nimankinan somaliland isku sheega masaakinti reer xamarka ahayd ba inta aad isbaaro udhigateen caalamka ku tuugsanaysaan sidi niman burcad badeed haya . Niyada kheyr ushega shidaalka laga qodayo puntland waxbaa idinka so gaari doona intana waxad ku helaysaan wa gabdhaha ay qabaan reer puntland madaxooda.

  4. abdalla says:

    barlamaan ku sheega puntland wax ay yihiin malaha sabtana waxaa weeye ,waxay ka hadli waayeen calooshood u shaqayste uu keen saday afwaliinjo ,waxaa lagu maa weelinayaa dastuur been been ah oo uu xoog ku samaytay iyo dhisid xisbiyo bedela beelaha ,waxaan hor dhac u sheegayaa in ay qorshaynayaan xisbiyo ay afwaliinjo iyo kabaqaad kiisa ay madax ka noqon doonaan ,laakiin waxaan aga digayaa shacabka puntland oo aan waligood ka qayb qaadan lagana hor istaagnaa in ay wax ka noqdaan dalkooda in ay samaystaan xisbiyo ayaga ay madax ka yihiin oo shucuubtoodana ay doortaan si ay u soo noqon mardanbe afwaliinjo iyo cawaantiisa iyo wixii la hal maala,waa fursad wanaagsan ee ha ka ilduufina tiro iyo aqoonba waad ka badantihiin caasimaddana waa in ay boosaaso ku soo laabataa ,doorashada hal qof hal cod iyo xisbigii badan in uu ku guulaysanayo hogaanka dalka sidi ay boosaaso u ahaan jirtay magaalo madaxda puntland.
    mahadsanidin.
    abdalla.

  5. wiil qardhood ah says:

    walaalayaal waa salaamantiin dhamaantiin waxaaan rabaa in aan ka hadlo baarlaanka meesha jooga waa 40 baarlamaanka puntland waa 60 iyo hagayaa marka sidee cod loogu qaaday marka taas hala is hubiyo wabilaahi towfiiq

  6. SHAAFI says:

    KKKKKK. MURSAL RUNTAAD KA HADASHEY KKKKKK

  7. Ali Qarey says:

    Cajiib,yeey baarlamaan u yihiin,soow ma oga howlo ka weeyn in ay indhaha ka qarsadeen sida SARACEN iyo -ta Company oo yaryar oo ay wataan oo security u ah south african ah,war umadda ka xushooda oo ka hor dhaqaaqa wax aad baarlaman tihiin ma jiro,waad noo liis gareeysan tahiin,waana leeydinla xisaabtami doonaa,dadka kuma dhex qarsoomi doontaan,qof qof iyo shaqsi shaqsi baa leeydiin yaqaana ee ayaamo iska caysha oo laaluush ka qaata faroole iyo shimbira laaye oo waqtigiisu dhamaadeen

  8. mursal says:

    oo markaa Puntland ma Somalia ka mid tahay mise waa dal madax bannaan???
    wallee Somaliland bay idinka qabsatee war wuu danbeeyaa…………..kkkk
    waa dawland calan iyo hees calan leh…
    barlamaan iyo dustuur leh…..
    ciidamo qaran iyo police gaara lah…
    maantana xisbiyo samaystay !!!
    oo maxaa nalagu haystaa haddii aanu nahay Somaliland?
    anagaaba nala qaatay oo warkayaga cadaynaye……..kkkkkkk

  9. yusuf says:

    yey wax u ansixinayaan wax jira ma ahane
    nimanka dalka ciidamada calooshood u shaqaystayaasha ah la soo geliyay ee aan kelmad ka oran miyaa wax la weydiinayaa war iska qayila dheh cid aad u maqan tihiin ma jirto e waa wada gaanaeri layska soo wada fogeeyay

Leave a Reply