Baarlamaanka Puntland oo meel mariyay habka saanqaad ee siyaasadda xukuumadda Puntland
July 5, 2012 // Warar SomaaliGolaha wakiiladda ee Puntland ayaa maanta soo gabagabeeyay doodo iyo kulamo ay maalmihii ugu dambeeyey ka lahaayeen habka saanqaad ee siyaasadda dowladda Puntland.
Fadhiga xildhib
aanada baarlamaanka Puntland oo maanta goob joog ay ka ahaayeen 37-mudane ayaa mudanayaasha baarlamaanka doodo qaatay muddo laba maalmood ah waxaa ay ka yeesheen siyaasadda guud ee gudaha iyo dibadda.
Gudoomiyaha baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo fadhiga shirgudoominayay ayaa waxaa uu sheegay siyaasadda dibedda ee Puntland inay la mid tahay dowlad madaxbanaan, waxaana uu weydiiyay baarlamaanku inay taageeraan siyaasadda dibadda in lagu sii wado heerka ay taagantahay maantay.
“Siyaasadda dibedda ee Puntland marka xaqiiq loo hadlo sidii dowlad shuruudaheed ay dhamaystiranyihiin ayaa siyaasadaynu anugu hadde maamul baanu nahay oo faderaalka katirsan , hadana siyaasadaynu waxa ay la miisaantahay dowlad madaxbanaan sooma ahan? Siyaasadda dibedda sida hadda ay usocoto inaynu ku taageerno halkaana laga sii wado taageero inaynu ku darno sida ay wax kusocdaan yaa raali ka ah ayuu weydiiyay gudoomiyaha baarlamaanka xildhibnaadii joogay fadhigii maanta.
35-xubnood oo ka mid ah golaha wakiilada ayaa taageeray habka saanqaad ee siyaasadda dibedda Puntland ay ku shaqaynayso, waxaa aamusay hal mudane halka mid kalena uu kasoo horjeestay siyaasadda dibedda Puntland qaabka ay ku shaqayso, gudoomiyaha baarlamaanka ayaa intaasi kadib sheegay baarlamaanku inuu taageeray siyaasadda dibedda Puntland in laga sii wado heerka ay xiligaan marayso.
Dhinaca kalle xildhibaanada baarlamaanka ayaa meel mariyay dowladda Puntland inay sii waddo sidii dowlad Soomaaliyeed loo heli lahaa, nidaamka faderaalkana aanay cidna uga heebaysan 36-mudane ayaa si aqlabiyad ah isku raacay xukuumadda Puntland inay siyaasadaasi sii waddo.
Siyaasadda gudaha ee Puntland oo doodo kulul ay ka taagnaayeen ayaa baarlamaanka la horgeeyey, qodobkaasi ayuu baarlamaanku horay uu u dhaliilay, hasse ahatee gudoomiyaha baarlamaanka si doodaasi looga gudbo baarlamaankuna ay u ansixiyaan ayaa waxaa uu u bedelay in qaladaadka jira la turxaan bixiyo dibna loo saxo,xubnaha baarlamaanka ayaa qodobkaasi siweyn u taageeray.


