Baarlmaanka Puntland oo kulan deg-deg ah yeelan doona

September 1, 2012   //   Warar Somaali

Golaha baarlamaanka ee Puntland ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan deg-deg ah maalinta Axada ah ee soo socota, kulankaan oo lagu waday inuu furmo maanta ayaa suurtagalin sababo la xiriirta kooramka baarlamaanka oo aan buuxsamin.

Xildhibaano baarlamaanka Puntland katirsan ayaa warbaahinta u sheegay kulanka deg-dega inuu la xiriiro wax ka badalka qodobo ku jira xeerarka gudiga doorashooyinka Puntland, islamarkaana kulankan ay dalbadeen guddiga doorashada Puntland.

Xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa bishii lasoo dhaafay oo kal-fadhigoodii ugu dambeeyay uu xirmay, waxaa ay meelmeriyeen doorashada golayaasha deegaanka Puntland in lagu saleeyo 21-degmo oo ka mid ah sodonka degmo ee uu dhigayo dastuurka Puntland inay ka koobantahay dowlada Puntland.

Xeerkaasi waxaa siweyn uga soo horjeestay beelaha Puntland qaarkood oo ku tilmaamay, arin sharci darro oo burburinya dastuurka Puntland.

Puntland-News24
Garoowe.

COMMENTS

RSSComments (3)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. abshir says:

    aloow nacafi nafraagtey geldhlaaya waargtaa baarlamaankii puntland mawuxuumarayaa in tel loosoodiro oo ladhaho bari sidaas ioy sidaas baad yeeli doontaan eelasocda

  2. m. hilowle says:

    waar waa yaab illeyn ceeb looma dhinto illaa c/laahigii dhintay meeshay fadhiyeen hal maalina mooshin ma keenin kii yimaada waxay ka baryaan sandareerto iyo laaluush shacabkana waa khiyaameen
    BAARLAMAAN IYO XILDHIBAANOOW xaal qaado
    xitaa waxaa dhaama baarlamaan ku sheega xamar jooga oo wax uun keena (DUF KU BAXA)

  3. waciye@hotmail.com says:

    waa sax in la ffiryo lana ixtirimao cabashada belaha waxna laga badelo qabaka lo an sixiyey parlamanaka

Leave a Reply