Balaayo damaan laqabto ayey leedahay ee Dabo laqabto malaha
January 3, 2013 // Announcement, Opinion, Warar SomaaliQoraalkan koban waxaa doonayaa inaan kula hadlo afar qolo oo aan is hurayn. Waxaan doonayaa in aan la hadlo: Madaxweynaha Puntland, Isimada, Xildhibaanadii hore ee Baarlamanka & dadweynaha reer Puntland.
I. Waxaan Madaxweynaha leeyahay: Walaalow dalkan & dadkaan Ilaahaybaa kuu dhiiby oo waa ammaano Ilaahay hortiis aakhiro lagu weydiin doono, sida aad ogtahay oo saxa ahna waa in afar sano laguu dhaariyay. Haddaba waxa kula gudboon in marka wakhtigaagu dhammaado aad labo arrimood mid yeesho:
1. In aad marka hore talada dhexda soo dhigto oo aad sidii Madaxweynihii kaa horeeyay aad doorsho u soo istaagto.
2. Iyo in aan kuu ducyano oo aad doorasho ka kaaftoonto oo ninkii xilkaas loo doorto aad si nadiif ah xilka ugu wareeejiso.
Wixii labadaas arrimood ka duwan oo aad go’aansato sida ay dadka intiisa badan ila qabaan waxaan oran karaa waxa ay Puntland u horseedi karaan bur bur & dagaal sokeeye oo aan cidn gadaal ka mahadin doonin.
II. Isimada Puntland ee soo jireenka ah: In kasta oo ayan wax sheeg iga mudnayn, haddana aniga oo hore u cudur daaranaya waxaan xusuusinayaa Ilaahay fadligiisa ka dib in iyagu lahaayeen doorka ugu weyn hawshii lagu aasaasay Maamulka Puntland, waxaana hubaal ah in mar walb doorkoodu yahay ilaalinta jiritaanka Puntland & ka hor tagga in dalkaan loo horseedo qalalaase siyaasadeed oo keeni kara in dhiig macne la’aan ah uu daato. Sidaas darteed waxaa guurtida maanta la gudboon in ay u istaagaan oo doorka kaga aaddan ka qaataan sidii dalkaan bur bur looga ilaalin lahaa. Waxa aan ku kalsoonahay in duqayda ay garan karaan khatarta ka dhalan karta sharcigii dadk u dhexeeyay oo lgu tunto. Sidoo kale waxaan qiyaasayaa in ay oddorosi karaan waxa dhici kara 8da bisha koowaad 2013 ka haddii aanay arrinkan muddadaas ka hor guda galin oo aysan xakamyn.
III. Golihii hore ee Baarlamaanka: Waxaa laga yaabaa in dadka intiis badan aanay xog waafi ah u hayn shaqada adage ee goluhu u hayeen ummadda reer Puntland & in waliba qaarkood shaqadaas darteed loo beegsday oo ay naftoodii ku waayeen!!
Haddaba , aniga oo qof ahaan ogsoon hawsha ay xubnaha Baarlamanku naga xigsadeen muddaddii ay xilka ummadda u hayeen marka ugu horysa waxaan u soo jeedinayaa Mahadnaq ballaran oo mujtmaca intiisa wax garadka ah aan uga sido. Marka xiga waxaan ugu baaqayaa in ay danta guud ee dalka & dadka ay ka hor mariyaan oo dib u dhigaan dantooda gaarka ah oo ay dib u akhriyaan kaararka ay sitaan ee xubin-nimada oo qoraya 4 sano. Waa in xil dhibaanadu ay xilka saaran gartaan oo ay ku daydaan Xildhibaan Dahmuuke oo isagu gartay xaqa, dabadeedna is casilay oo xilkii uu ummadda u hayay u soo celiyay. Sida sharafta leh ee uu xildhibaanka reer Mudug u dhaqmayna taariikhda ayaa xusi doonto. Sidoo kale Labada xildhibaan ee kala ah Bootaan (Mudug) & Kaarat (Bari) oo aan iyagu is casilin, laakiin bareerhooda caddaystay iyagana waa la xusuusan doonaa Ilaahay idankiis.
IV. Dadweynha reer Puntland: Qoladan afraad ee aan la hadlayo waa dadka loo yaqaan aqlabiyadd aamusan. Waa shacabka xalaasha ah ee Reer Puntland oo dulqaadkooda lagu wada joogay dhawr & tobankii sano ee la soo dhaafay ee ay Puntland dhisnayd. Shacabka reer Puntland ee xalaasha ah oo aan hubo in ay u soo dhabar adaygeen ilaalinta jiritaanka Puntland waxaan leeyahay walaalayaal codkiina ha la maqlo oo ha ka aamusina dhibaatada manta dalka ka jirta.
Marka Aniga qof ahaan sida ay ila tahay haddii aan sheego 8da bisha Janaayo 2013 wixii ka horeeya haddii an xal la gaarin waxaa reer Puntland ay u kala jabi doonaan labo qaybood oo kala ah:
QOLADA KOOWAAD: Dawladda Cabdiraxmaan Faroole, xubnaha dawladdiisa qaarkood & dad yar oo dano dhaqaale ku haysta oo aaminsan in dawladdii ay wali jirto oo dalku uu nabad yahay marka laga reebo koox yar oo qas wadayaal ah oo iyagana shabaqle lagu soo ururin doono oo la soo xirxiri doono.
QOLADA LABAAD: Qolo ka kooban mucaaradka & shcabka intiisa badan oo rumaysn in sharciyaddii dawladdu ay dhammaatay oo shir Puntland lagu badbaadinayo ku qaban doona Magaalada Qardho, oo markaas loogu yeeri doono: Caasimadda ku meel-gaarka ah ee Maamulka Puntland.
Halkaasna sida qof walba oo wax garad ah u muuqata waxaa ka dhalan doona is-maandhaf siyaasadeed oo aad u qallafsan oo keeni kara in la is fara-saaro. Maxaa yeelay dhan marka la eego dadku waa daalay ilamana aha in uu qaadan karo dulli intaan ka badan. Dhanka kale marka la eegana dawladduna uma eka mid garwaaqsan oo arki karta dhibaatada meesha taal & waxa dhici kara.
Haddaba waddada kaliya oo maanta furan dhibkana looga hor tagi karo waa in ay Culimada & cuqaashu u istaagaan in ay marxaladdan adag maanta dalka ka gudbiyaan oo ay arrinka faraha la soo galaan. Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa: Balaayo daaman la qabto ayay leedahaye dabo la qabto ma laha. Sidaas darteed waxaa habboon in dhibka muuqda ee dhici kara aan la sugin ee la isku dayo in laga hortago. Labada qolo oo arrinkaas ku habboon sida ay ila tahay waa culimada & cuqaasha. Haddii ay kaalintooda gabaanna Ilaahay ma qaddaree waxaa Puntland ku iman kara bur-bur & in dhibaatada ka dhalata oo cantuugeeda la moogaysan doono, dacarteedana la wada dhadhamin doono.
Zeinab Abdirazak



Talo iyo Tusaalayn: Tix Faroole ku socota! 29/12/2012.
Marna cabburin iyo caga-juglayn baan Cabdow, caana kuu badine
Ninkii cirbataagsadoo yiri cirkaan gaarayaa, weeye camalkaaye
Caqliga oon cisaynaa ka roon, cudud la feydaaye
Cakuye carqalad hayna gelin, cudur xun looma caal helo e
—————————————————————————–
Mar haddii car iyo wir iyo hanjabaado culus, laysu celinaayo
Oo aan caloolfiyoobaani jirin, waa col dabadeede
Cilmi nimuu Ilaah siiyiyo cabqari, caaqibuu dayine
Cimrigaad haatan joogtaa Cabdow, waa cibaadada e
Yaan laguu cimaamadin arintaas cakiran, cirib danbeedkeeda
———————————————————————————–
Carra Tuunus ka carar Caabidiin wuxuu, cood lahaan jiraye
Xusnigii carab u weynaa waa kaa, jeel ka caacyiriye
Qadaafina waatay caruuruhu heleen, oo kaga catawsheene
Calaawina waakan ciirsanoo ragaas, buu cirbinayaaye
Intaasuba cashar bey inoo tahay haddaan, la iscamaynayne
———————————————————————————–
Intaan curaddo dhiigood la qubin, oo warmaha loo cillaan marinin
Oo aan curdinkii habluhu carmal, naga caloolyoobin
Oo ay cashiiradu wada cayshayso, oo la isku ceeboobin
Oo aan Caasumaddu ceel nagaga dhicin, loo cid diriwaayo
Caymaynu leenahay Cabdow, talada waa cabirayaaye
scw dadkani waa fadhi ku dirir dhamaantood habeen iyo maalinba way fadhiyaan
waxaan la yaabanahay dadkaan ku mashquulay halka sano faroole iyo ku darsan maayo iyo waa ku darsanayaa faroole halka sano waa muqadas cid ka hadli karta ama falanqayn kartaa ma jirto waaaa muqadas intaas wixii ka duwan tolnimo iyo ehelnimaa naga dhaxeeysah hadii taas la ilaalin waayo dee xaaladu waa xumaaneysaa in ay xumaatanah la dooni mayo sababtoo ah cid ay dani ugu jirtaa iska yar inkastoo qabiilada puntland wada degah ay ehel iyo xigaal yihiin
shariif cali qoraalkiisa hadaan wax yar ka iraahdo walaale faroole iyo wiilkiisu hadey dameeraha xukumayaan waxaan u maleynayaa dadkaan qaylinayaa iyo kuwaan mashxaradayaba in dameeruhu ka fiican saaa dameerku joogsuu yaqaaaan laakiin kuwaan imaankii baa ka tagay marka alalaaska intaa iska dhaaftid dadkaaga dhinac ka raac hadii kale edeb baa laguu yeelayaaa b
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
wixii laga bilaabo bisha 1/8/2013 puntland majirto dowladda sharci ah ,waxba yaan been la idiin sheegin dadka iyo dalka puntland mr.Faroole iyo wiilkiisu uma talindoonaan,hadii ku adkeystaan xukun jeceel waxey madax u yihiin Dameeraha iyo gurigood oo ah Garoowe.wad mahdsantihiin
aad ayaan ugaxumahay baryootankanoocaas ah markii uu arkay in lagaaray bshii doorashada laqabanjiray oo lagaaray laakiin waxaa layiri hadaad dhimanaysid dhareerka waa la iska duwaa sanadkaa waa idinmaray garoolana hadii aad awal wax kaqaban waydeen kororsigiisa hada waxba hawaydiin hana ka codsan ninkaas waa umartay rag iga dheh waa kudeeyey sanadkaas daysane sxb samir iyo iimaan alla hakaasiiyo byyyyyyyyyyyy
Abaayo. Sharciga xagee yaalay sharci baad afka kamaqasheene kudarsashado maa shar ci ubedelateen rer ceeb maqabatow kutubka alle iyo dhaarta been hakasheegina halsano buro idinka jarimayse meesha gartan hala arko 5days ba niiharay inaa faroole meesha sii joogo Awood uu CID dheeryahay jirto waala isu joogaaye gabadha n ujawabine
@zeineb Abdirizak
waa latahay abaayo xisbi kubiir meesha xibiya loosocdaaye..hadi kale qoraalkan iska jooji
faroole wax uu kudarsaday majirto ..sharciga siiyey inuu shansano haayo ma waxad rabta inaan 5sano oodanbe kusi jirno qaab qabiil oo ragi aanu ogayn naska kaayo mamushaas waxas laga yeeli mayee bisinka qabso baayo mcnto dadka dhinac karaac
wax dagaal o dhacaya majiraan..mucaraadku markay ugu bataan waxay dhahayaa ma qoonsanin dowlad jirta ..taasna meelna garsiin mayso kadibna qurbahay kayimadeen bay kunoqonaya
waxan kuso gaba gabayna waxi sharwado o umada puntland raba inuu dhexdooda dhiig kadaadsho cadowga puntland u adeegayo ilay iyaga ha ku celiyo wabilahi toqfiiq