Banaabax Roobdoon oo lagu qabtay magaalada Qardho

October 20, 2012   //   Warar Somaali


Banaanbax balaaran oo alle looga baryayo inuu raxmadda roobka uu ku hooriyo deegaano badan oo ku yaalla miyiga gobolka Karkaar oo jiilaal daran wali uu ka jiro ayaa lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Dibadbaxa oo ay soo abaabuleen culimaa’udiinka magaalada Qardho ayaa waxaa ka qaybgalay dad waynaha magaalada dagan, maamulka, iyo dhalinyaro.

Dhamaan dadkii dibad baxa kasoo qaybgalay ayaa salaadda roob doon ku dukaday duleedka magaalada Qardho, waxaana ay culimaa’udiinki sheegeen dadka in looga baahanyahay inay iscafiyaan.

Dibadbaxa ayaa kusoo beegmaya xilli biyo la’aan xoogan laga soo sheegaya deegaanada bariga ka xiga magaalada Qardho sida degaanada Rakko raaxo, Xaafuun iyo tuulooyin badan oo hoos yimaada.

Roobabka dayrta ayaa dhawaan ka curtay inbadan oo ka mid ah gobolada Puntland, kwaasi oo shacabka ay uga baxeen dhibaatadii darnayd ee ka dhalatay abaartii ba’nayd ee ku dhufatay gobolada Soomaaliya.


Puntland-News24
Qardho.

COMMENTS

RSSComments (11)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ayaanle says:

    Icy cool waxaan u malaynayaa inaad xanuunsantahay alah haku caafiyo ninkaa xabaal reer wuxuu ka hadlay aragtidiisa ee maxaa adiga kaa dhex qaylinaya,cuqdada iyo munaafaqada malaha waa mid xaafadiina ka jidha,waxaan umalaynayaa inaadan ba mudnayn in laguu jawaabo laakiin waxaan kuu sheegayaa xabaal reer iyo qardho reer baa wada leh adiguna koytaad tahay,

  2. taleex boy says:

    Gabar somalilander huvo mahadsanid marka xiga ahmed ninka wata ader abaarta iyo kuleelka somalia wa dhulka pugland oo an laheen 1 muusa iyo 1 camba de meel qalashay ba kufanesa mida kale wa sualaael ragina dhabayaco maxa sidi dumarka ugu hadashaan ma qanisin ba wadatihiin wa yabe wlh ragina iyo dumarkinu wa isku hadaal lalabo wlh malaha qoladi gadal laga marijiraa awowgiin kaso jeday war hadal nin karmed ahi kuhadaal sidi hablaha hau caytamine midakale koonfuur wa dhuul barwaqo sooraan o waxa dhibka kanay ay tahay dagalada daba dheraday moyee hadi ay nabadi helaan wlh inadan dhulkaan qalaln adan haben qudha kuhoyateen ee konfur aya ugurilaheet ee dadkas abarta wa. Kabaxeen dhulkoduna kufilan iyo barwaqada utaal ee adugu maxa haysataaa horta

  3. axmed waxaad tahay nin cadhooday madaamad carootayna tlex wuu kaa badiyey waxaad ka hadashay xalad dumar iyo umad ilaahay isu xalaaleyey oo gur xalaalaeyey ayaad ceeb ka dhigtay mida xigtahadaad adigu idor colaad u haayso hakula soo mereysan dadka su aal aniga qardhay hooyadey u dhalatay ana burcan udhashay way hoyaday u gursatey rer burco kkkkkkkkk waay ka heshay isna wuu ka helay adiguna badow baad tahay kalaydaadah dbada soo baro qardhona haku qaraaban matihide

  4. ahmed says:

    waxaan la yaabay dad jaahila oo aan juqurafiga somalia waxba ka aqoon oo wax ka sheegaya sida kuwa taleex boy soo qortay,suaal aan waydiiyee wiilka taleex isku sheegay,dhulka aad magaceeda wadato miyeysan ahayn dhulk 5ta qaaradood loogu dawarsi tagay abaarihii ka dhacay sanadkii hore? soolka dhan aad sheegaysaase qardho miyey dhaanta oo ka qurxoontahay mise ka dhul wanaagsan tahay? aqoon dari kaama aha lkn waa xasadka somalidu ku caanbaxday,arinka kale ee koonfurba barwaaqo taalaa iyo webiyaa mara yey yihiin kuwa aduunki intuu isugu yimi waxba deeqsiin waayey gaajada iyo baahida dadka haysa darteed? waa kuwee kuwa bosaso iyo qardho iyo garowe galkacyo iyo kuwa kale intii jawaancadaha loola dhex maro suuqyada kun kunka shilin somaliga iyo 10ka kun iyo 1ka doller loogu qaaraamo soo maaha dadka meelaha barwaaqada aad ku sheegayso degan gaar ahaan koonfurta, somaliya?kkkkkkkkkk arinka magaalooyinka aad afka ku dhufatay kuligood wa ka dad badanyihiin meelaha aad qalbiga ku hayso waana ka dhisan yihiin waana uga sahlin yhiin in lagu noolaado waayo adeeg kasta wa haystaan sida buuhoodle iyo laascood iyo taleex faynuuz lama shito iyo waliba sida koonfurta iyadu aduunyo seegtay kkkkkkkkkmuhiimada fahan qardho abaar ka xoog wayn abaaraha gobolada somalia ka jira ma qabaan,lkn muhiimadu waa in aad ilaaha baridaa si uu raxmadiisi kuu siiyo waana dhaqan iyo wax soo jiraan ah hadaan teleex iyo koonfurta somalia laga aqoon,arinka kale aan ku dhaho wiilka taleexboy soo qortay adeer haku habsaamin umad wax qabsatay ee orod oo marka ugu horeeysa laascaanood qaadka 15ka kun oo shilin somaliga ah ka jooga bulshadaada kaqabo ee idoorku doonayo in uu bulshadaada ku aafeeyo iyo dhalintada,inkastoo idinku aydin idoor ka ooli karin waayo markuu idin arko ayuu idiin boholyooda idinkuna jacayl aad u qabtaan wax kale iska daaye gabdho 15jira ah ayaa ku soortaan markaasay ilmaha ay dhalaan gabdhahas hadhow indha idinka ridaan,waana suaal kale maxay naagihiinu raga idoor u jecelyihiin wayo 100 nin ka badan ayaan aqaan oo idoor ah kuli idinkaa dhalay hadana xataa ixtiraamki abtinimo idiinma hayaan wana arin aad u xanuun badan mise idinkaa gabdhaha khasba oo raga lakorakkkkkkkkkkkkkk

  5. kkkkkkkkkkkkkkkkkkk inanka reer sool wabiyada koon fureed rag baa leh nin waliba wixii alle siiyu ku xam diyaa aqoon tuaaay kugu yar tahay waayo biyo la aan lleeysuguma digto waa cadoow biyo la aani qardhona xiga roobab ka waa mesha ugu biyaha badan wadamada somalida wali xili roobad ma u dal xiis tag tay cel mur iyo kubo xor goble san jilbo guudcad ceeley sheerbi xida waciye jawaab

  6. illahaw adigaa uma daada unaxariiste u aqbal oo rax mad dad iyo xoolaba ku doog sadaan si aamin aamin yarabi

  7. cabdulaahi caliyow says:

    aamiin ilhow reerkaas roodaanka ilaahow sii
    amiin amiin amiin

    il laahow reerkaas roobdonka ah il laahow sii
    amiin amiin amiin

  8. taleex boy says:

    De meel xabal ah oo lamadagaan ah bay ine xarxareen bay magacyo ubaxsadeen sida. Ufwayn xafuun bargal calula qandala rako waciye wa wada tulo an 500 qof aysan kunoleen marja meel lama dagan ah oo xaywanadki ay ka hajireen side bay adame ugu nolan karaan wa sina mamulka pugland aya mesha dadka dajiyay oo raban inee yeshaan magaloyin waweyn lkn haka yabin ine magalo noqoto wayo magaladu waxay magalo kunoqota in ay bulsha waynta somaliyed ay wada dagan ay gannacsiyo ka samestaan meshu wa ine biyo lahata waine wabi lahata wa ineee 2 malyan o qof ay kunolata marka dhulkaan rer. Tolkay wa dhuuul saxare ah oo qalalan ooo lama dagaaan ah. Wlh adunka waxa ugu xuun dhul qaalalan oo dhagax ah misna kuleeelkisu her sare yahay mehaaas wadan ama degaan laguma tilmamikaro ek barwaqada konfurta taaal iyo. Wabiyada iyo badaha ay isku daraan biya eek baliyada biyuhu faristaaan de ilahay baryaa in dhagaxa uu in kugu badalo biyo

  9. caqil says:

    asc Icy cool ninki fakarkisu ka hadlay maxa kugu wacan qabiil cayga dadka ado kale ba ku jirah fidmoole ah intaas hadan kaga gudbo dadka ilahay waxan uga baryaya roob iyo raxmad

  10. ICY.COOL123 says:

    wiika xabaal reer labaxayor ma aadan garan dhibaatada iyo biyo la,aantu meeshay katimi, inta dadka mooriyaanta ah ay dadka ku dhexjiraan oo weliba ay xabaal reerka mid tahey meelaha aydegen yihiin dhibtu waa jieysaa hadeynaan meel uga soo wadajeensan dadka xun oo sida waxashnimada ah dadka u laaya

  11. xabaal reer says:

    somalidu waxaan kula yaabaa ilaa iyo hada in ay ka hormari la yihiin dhibaatada biyaha oo ah sheyga kaliya ee noole oo dhan ku noolyahay. oo waxay garan waayeen biyaha ka yimaada gobolada sanaag iyo barida sare oo soo mara magaalada qardho in la ceshado oo loo sameeyo meel lagu keydiyo . magaalada intey iskaa wax uqabso ku dhaqaaqaan oo ay biyahaa ceshadaan waxay u ahaan lahayd faqriga biyaha oo ay ka dhamaan lahayd . laakiin waa hadii ay jirto daacadnimo.

Leave a Reply