Barakacayaasha Puntland Oo Khasab Lagu Diiwaan Geliyey
February 11, 2013 // Warar SomaaliAgaasimaha Guud ee Barakacayaasha IDPs ku sugan gudaha Puntland ayaa walaac ka muujiyey dadka barakacayaasha ah ee ku sugan Gobollada Nugaal, Mudug iyo Bari oo intii u dhaxaysay 5/02 – 9/02/2013 si khasab ah looga diiwaangelinayey xafiisyada Ururada Siyaasadda ee Puntland, iyadoo si khasab ah ay dadkaas usoo saareen Maamulada Gobolladaas ka taliya, looguna hanjabey in la rarayo haddii aysan iska diiwaangelin xafiisyada Ururada Siyaasadda, gaar ahaan Ururka Horseed.
iyadoo Gobolka Mudug loo adeegsaday xoog iyo handadaad uu hor boodayo Guddoomiyaha Gobolka Mudug oo qori AK 47 ah gacanta ku laalaadsanaya. laguna faafiyey Mediaha.
Waxaan ka digayaa in arrintaasi meel ka dhac ku tahay xuquuqda barakacayaasha loona baahan yahay in laga digtoonaado, ayna caalamku indhaha ku hayaan sida loola dhaqmayo dadkaas barakacayaasha ah.
Ugu dambayn, Agaasimuhu wuxuu kula dardaarmay barakacayaasha in ay is dejiyaan arrintaasina aysan mar dambe dhici doonin haddii Allaha awoodda lihi ogolaado.
Beexaani Axmed Barre
Garoowe, Puntland




maxaan sameeyaa dad kaleeto ma haaystee,waa inaan dadka xeryaha diwaangashado,maxaan aduunka ku qanciyaa,haddii shacabkii puntland iga horyimaadeen,hantidaan jabuuti dhigtayna layga dhacay,bun haddii la waayom,bedelkiisaa la helaa???????????
Masakinta. Ad iska gumadesan ma iska dhaftaan eelayda iyo jarerta inkuso qaxday ma so dhaweysan. Oo. Masakintan inkuso martiyay. Xaqoda hainka helan wa ujedan xamar sidalogu so dhaweyay ila cabudwaaq marka dadkan.ha u aqod sheganina. Digil iyo mirifle iyo .5 ka iska burbursataan somalidakale. Awale dhunkina qalalan so aden ee isku xishoda