Bayaan ay soo saareen Gabdhaha iyo Hooyooyinka Jaaliyada Puntland ee Australia [Sawiro]

December 10, 2012   //   Warar Somaali

Bayaan ay soo saareen Gabdhaha iyo Hooyooyinka u dhashay reer Puntaland ee ku nool waddanka Australia

Ku:- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntaland

Mudane Cabdirahmaan Faroole

Ku:- dhamaan mucaaradka iyo musharaxiinta reer Puntland

Ku: dhamaan ismada, odayaasha, siyaasiyiinta iyo dhamaan waxa garadka kale ee reer puntland.

Annaga oo ah Gabdhaha reer Puntaland ee ku nool Waddanka Australia,

Waxaan halkaan ku soo gudbinaynnaa bayaan aannu rabno in aan uga hadalno afar qodob oo aan u aragnay in ay wax wayn ka tari karto xaaladda kacsan ee Deegaannadeenna sidii dariiq sax ah loogu hagi lahaa, taas oo horayna dad badani ka soo jeediyeen aragtiyohooda kala duwan, walina aannaan u jeedin

Wax xal ah oo laga gaaray, qodobaddaas oo aan kula hadlayno afarta qaybood ee bulshada oo hoos ku qoran:-

1 madaxawaynah Abdiraxaman faroole iyo Maamulka Puntaland.

2 dhamaan mucaaradka iyo musharaxiinta.

3 dhamaan ismada, odayaasha, siyaasiyiinta iyo dhamaan waxa garadka kale ee reer putnland.

4 dhamaan shacabka reer puntland.

1-Madaxweynaha iyo Maamulka.

Madaxweyne Faroole Gabdhaha hadalka halkaan ka soo jeedinaaya waa gabdhihii markii xilka laguu doortay kugu soo dhoweeyey, haddana waxaan rabnaa in aan kuu sheegnno in Madaxweyne kasta oo adduunka xil ka qabtaa uusan dhammeyn howshii loo xilsaaray mid walba waxbaa qabyo ka ah, laakiin wuxuu ku talagalaa in ninkii ka dambeeyaa howshii meeshaas ka sii ambaqaado.

Marka Mudane adiga oo tixgalinaaya rabidda dadweynha isla markaasna,

annu aqoon sannahay in aad illaa iyo hadda tahay Madaxweynaha sharciga ah wakhtigii aad ku dhaaratay in aad dhowrto dastuurka aad fuliso oo waddanka aad u diyaargrayso in Doorashadii Madaxweynuhu ka dhacdo wakhtigii loogu tala galay oo ah 8/january/2013.

Maamulka Dowladda hadda jirta waxaan u soo jeedinaynna qofwalba waxa uu qabto taariikhdaa xusta, talana adigaa ku nool ee iyadu kuguma noola, marka

Talada aad la waddaan Madaxweynaha in aad talo xalkeen ah aad siisaan waa xilkii la idiin doortay, marka dadkii shalay aad mathalayseen dib ula xiriira oo talada ka dhagaysta oo feedback waydiiya halka uu xaalku maraayo, taasaa marka idiin sahli doonta waxa keenay tabashada.

Waxaan u aragnaa in haddii talaabada Xisbiyada badan la qaadaayo loo baahan yahay:

in dadka hubka laga dhigo siloo xaqiijiyo amaanka guud ee dalka

In lahelo dhamaan gobalada Puntland ay ka kooban tahay iyo xuduudoodaba

In dadka reer puntland loo helo aqoonsi si loo ogaado qofka codbixinta xaqa uleh.

In tira koob lasameeyo In wacyi gelin lagasameeyo dadku meel kasta oo uu kusuganyahay.

In datuurka wixii ka maqanna lagu daro aftina loo qaado.

In lafuro markaas axsaab siyaasadeed oo shacabka u adeegaaya kuna tartamaaya wax u qabadkooda.

Intaas waaqici haddaan noqonno ma lagu samayn karaa sannad jawaabtu waa maya,Sidaas awgeed cagligu ha taliyo waxa dadka iyo dalka dantoodu ku jirtana ha la abaaro.

2-Mucaaradka iyo Musharaxiinta.

Dal walba waa yeeshaa Axsaab mucaarad ah, waxay naqdiyaan wixii khaldan nabadda waddanakana waa ilaaliyaan iyagoo dariiq nabad ah u maraaya, marka Musharrixiinta iyo Mucaaradka waxaan u soo jeedinaynnaa in ay ka fogaadaan wixii keeni kara isku dhac dariiq silmi ahna wax ku saxaan.

Dalka iyo Dadku waxay u baahan yahay in dhibka laga ilaaliyo, tabashadoodana la daaweeyo, marka in ay howlahooda ay uga dhigaan saldhig u turista shacabka.

3- dhamaan Isimada, Odayaasha Reer Puntaland, waa ka weyn yihiin dad loo tilmaamo howshooda waxaanse isa su’aalnay sababta illaa iyo hadda ay tallaabo u qaadi la’yihiin, waxaan codsanaynnaa in add tallaabo deg deg

Qaaddaan, si aad uga hortagtaan dhib yimaada.

Puntaland waxay u baahan tahay in Dadkeedu helo waxay istaahilaan oo ah nabad muxaafid iyo mucaaradba waxaan kula talinaynnaa in ay ka digtoonaadaan dhibka ummadda, caqliguna shaqeeyo si looga badbaado burbur iyo isku dhac yimaada.

4- Shacabka Puntalandi waa dad qaali ah waxgarad ah yaqaanna waxa u daran iyo waxa u roon iyagana waxaan ka codsanaynnaa in ay ku dadaalaan in ay ka shaqeeyaan nabadgalaya, karaamada dalka iyo dadku leeyiniinna ogaadaan in ay tahay muqadas, wax alla wixii ay u sameeyaanna ay dhaxlayaan jenereeshinda ka dambeeya, ogaadaanna in ay Puntalandi tahay hoyga nabadda oo ummadda Soomaaliyeed u soo baxsato markii dhib jiro.

 

Waxaa bayaan kaan soo saarey gabdhahaan hoos ku qoran

1.Sahro Sheikh Mahamud

2.Halimo Sheikh Mahamud ( Halimo Kaaraan)

3.Hooyo, Cadar Ahmed Muuse Cawl ( Maamo Cadar Odawaa)

4.Hawo Ahmed Jamac Buux

5.Hawo Cabdiqadir Dheel

6.Sacdiya Sandheere

7.Shugri Cabdiqani

8.Luul Sheikh Mahamud

9.Najma Cabdi Hamid Naji

10.Luul Cabdi Ciise

11.Amina Hashi Farah Canbar

12.Ubax Hashi Farax Canbar

13.Ayan mahamed Hassan

14.Hibo Mahamed Hassan

15.Sahro Hassan Tumey

16.Eedo Maryan Garweyne

17.Ardo Ahmed Nur

18.Sucdi Garweyne

19.Halimo Hassan Hussein

20.Fadumo Jamac Gurac

21.Hawo Cumar Farah

22.Halimo Cabdiqadir

Wa bilaahi tawfiiq

Melbourne

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Hersi says:

    Gabdhaha ,kheyr allaha siiyo , talo wacanna halkaan waa Kusoo dhameeyeen si xal guud loo helo.

    Laakiin waxaanse wali la yaabanahay halka uu wax ku wado mudane madaxweyne faroole….waxaa uu yiri xisbiyo baan bilaabayaa markaasuu xisbi horseedey oo uu misina horseede u noqdey, isagoo waliba horseede ka ahaa hogaaminta dalka ( madaxweyne) oo misina yiri dhamaan xubnaha dowladda oo dhan waa ka xubin min heer wasiirro ,baarlamaanno, gudoomiyayaal gobol iyo degmooyin, cidanka oo dhan , wixii aan Rabin in eey ka mid noqdaana hakabaxaan dowladda , cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiib!

    Aduunka meel dimoqraadi ah oo xisbiyada Laga isticmaalo oo eey saa ka dhacdey lama sheegin , aan ka aheyn waa gii dowladii siyaad barre ey waalida billoowdey Mooyee ( X.H.K.S.) kaasuu natiijadii markii danbe ka dhalayey foolxumadeeda loosoo Wada taagnaa…hadaba waxaan ii muuqata Aniga hab waalli ah in uu wax kuwado odeyga faroole anigu garanmayo cid taladaas siisey , waxaan ku baaqahayaa in taladaas xun ee uu dalka u horseedey Laga hortagaa ….si dadka iyo dalka loo bad baadsho…waana in bayaanada iyo talosoo jeedinta la badiyaa.

    Midda kale qolyaha hadda mucaaradka ah ee umadda horboodahayana ee horey wax tar xumadooda aanu Usoo aragnay iyana bulshadu eey ka diktoonaadaan , waayo isbadal iyo umad wanaagsan baanu dooneeynaa ee doono meyno in qof liita lagu badalo qof kasii liitta.

  2. Sagaaldille says:

    Maansha alaah. Gabdhaha reer. Puntland walee waxaa ka hadasheen. Meel dheer. Laaakiin. Waxaa is waydiin leh. Faroole. Fahmayaa.

  3. allaw xaqa fahan sii muna garoowe munaay walaalay waxaan waa a duun khayrka ka tali iyo mid nimada reer puntiland waan ka xumahay waxaad soo qortay lakiin anagaa iska xaal marinay walaa shay wax kale fahan san baad tahay lakiin xaqii afka laqabtaa feeru huu ka dilaacaa deeqo iyo baashane qardho xaq bay ka had leen way ka dam qanayaan waxa socoda lakiin farool tag ee reer garoowe maxaay suu binayaan ma sida munaay qabaan mise waa lacaburi yay su aashaas walaalaha reer puntiland baan udaayay insha allaah madax wayne caadil ah eebe hay noo soo dadajiyo aamiin puntiland24 idinkuna waad mahad santihiin waan qiray web jira oo damiir leh inaad tihiin

  4. Adeer Ali says:

    Hoyooyinka waan idin salaamay haddii faroole ku adkaysto ku darsigiisa aan dastuuriga ahayn kuna sii socdo cabburinta iyo amar ku taaglaynta xaq waxaad u leedihiin in aad dacwad kaga soo oogtaan Australia oo uu passporkooda Sito, waana lahaya dhammaan tacadiyadii uu ka geystay Puntland iyada oo qoraal,cod,sawiro iyo flim ah
    Shaqo wacan

  5. Waxan aad usalamaya hablaha rer putland sida wanagsan oo ay uka hadleen damiirkooda ku Aadan xal uhelida putland waxan leeyhy hablaha kale ee dhiman oo jecel Hananka hor usocodka putland waxan usheegaya madaxweyne faroole iyo tageerayaashisaba. Putland maha mid iska dhisan sharci .kaladanbeyn iyo dastuur waaqixi ah sida u arka . Waa mahadsantihiin

  6. nasiib daraana dadka hadlaya mar walbo oo an hadana laga hoos qadan

  7. deeqa says:

    Aad ayay u mahadsan yihiin gabdhaha reer puntlnd oo beyaankan soo saaray, waxana ka codsanayaa dhamaan gabdhaha reer Puntland gudo iyo dibadba inaad ka shaqaysaan sidii nadaamka iyo maamulka ay dhisteen dadka walaala ahi uusan u burburin, waxan kaloo u sheegayaa maamulka talada haya hada uu waqtigiisi wax yar uga hartay ayna isu soo diyaariyaan doorasho xalaala hadii la, doorto iyaga ayaa shaqada meeshii ka sii wadi hadii kalana qofkii loo doorto ayaa dhibla,aan u sii wadi, Faroolo kursi jacayl dadka iyo dadka ha u burburin qoloda kula talinaysa hada kula qaybsan maayan berito masuuliyadaad ku ciyaaraysid.

  8. scww waxaan salaamayaa gab dhaha ah walaal lahay oo jooga ustarelia waad mahadsan tihiin dhamaantiin walaal yaal arinta aad samay seen waa wax aad u fiican waxaan filayaa faroole in aad meel wada dege nay deen pleas xaaskiisa usheega hadii ay idinka mitahay kolay ma umalay nayee ha usheegto odageeda wax wanaagsan becaus waa lagu wareeray isaga lakiin wakhatigii waa kadha maaday saan wada og nahay pleas mar kale hooy giisii ugu yeera hanaga soo tagee puntiland uma baahna khal khal waxaan rabnaa madax wayne daacad ah oo nadaadihiya alaaw dalkeeni noo hagaaji aamiin aamiin

Leave a Reply