BAYAAN: Badbaadinta jiritaanka Puntland iyo Muddo kororsiga halka sano ee Dowladda Puntland

November 25, 2012   //   Faallooyin, Warar Somaali

From Jaaliyadda Melbourne, Australia

Bayaan ka soo baxay Qurba joogta reer Puntland ee degen Australia, kuna socda maamul goboleedka Puntland iyo Madaxweynaha Dr Cabdirahaman Faroole.

Ku: Madaxwynaha Dawlad Goboleedka Puntland, Dr Abdirahman Mahamed Mohamud Faroole
Ku: Dawlad Goboleedka Puntland iyo maamulkeeda
Ku:Isimada Puntland guud ahaan iyo gaar ahaan
Ku: Waxgaradka, siyaasiyiinta iyo aqoon-yahannada Reer Puntland

Ka: Waxgarad, siyaasiin iyo Aqoon-yahano Reer Puntland ah iyo Australia Puntland Youth Association iyo Ergooyin laga martiqaadey New Zealand

Bayaan: Badbaadinta jiritaanka Puntland iyo Muddo kororsiga halka sano ee Dowladda Puntland

Bayaankan waxaa soo saaray Waxgarad, aqoon-yahano iyo siyaasiin iyo dadweyne badan, ayagoo ka wakiil ah ra’yiga guud ee Jaaliyadda Reer Puntland ee Australia iyo New Zealand iyo Ergooyin laga martiqaadey New Zealand, ayaa waxaa ay isugu yimaadeen shir balaaran oo ka dhacey degaanka Ascot Vale ee magaalada Melbourne, Australia.

Kulan ayaa waxaa lagu falan-qeeyey xaaladda guud ee Puntland ku sugan tahay iyo dhibta ka jirta Puntland waqtigan, waxaana si faahfaahsana loogu faaqiday xaaladda siyaasadeed ee ay Puntland ku sugan tahay waqtigan.

Waxaa shirkaas looga dooday walwalka iyo dareenka laga qabo ifafaalaha ka soo fool leh, xaalka maamulka mudadiisu dhamaadka tahay iyo talaabooyinka maalinba maalinta ka danbeeysa isa soo taraya loogana gol leeyahay in qallooc iyo marin habaabin loo gaysto hanaankii dimoqraaddiyada iyo maamul wanaaggii (Good Governance) ay shacabka Puntland ka filayeen dowladdooda hadda ka jirta Puntland.

Puntland waxaa u degsan Dastuur si cad u qeexaya in wixii ka dambeeyey 30kii October 2012 uu xilkoodii dhammaaday Golihii Wakiilada iyadoo isla markaana ay xilkii ay hayeen Madaxweynaha iyo kuxigeen kiisuba ku dhammaanayso 8/01/2013.

Hoggaanka mudadiisu dhamaadka tahay waxaa uu ahaa maamul soo marey Puntland, taariikhduna qori doonto sida kuwii isaga ka horeeyey, wuxuu gabey xilkii uu dastuurku ku waajib yeelay ee dhinacyada siyaasadda, Amniga, iyo Dimocradiyaynta Puntland. Waxaanu u aragney in ay qiil-qiil gashey, Barnaamijyada ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegyada iyo daryeelka bulshada, waxaa shaki ku jirin in hoos udhac weyn uu si daran u saamaayey sumcadii iyo magacii dheeraa ee Puntland.

Waxaa hubaal ah, in hawl adag laga soo marey dhisitaankii iyo abuuriddii Puntland. Puntland halkii looga fadhiyey inay muunad ku dayasho leh u noqoto qaybaha kale ee Soomaaliya waxay ku dambeeysay kuna negaatay in loo arko ayna u muuqato meel aan lahayn rajo iyo yididdiilo toona, arrintaas oo muujinaysa sida looogu hungoobay maamulka hadda ka arrimiya Puntland.

Waa mas’uuliyad taarrikhi ah in loo hawlgalo loona tafa-xayto badbaadinta dastuurka iyo nidaamka kala dambaynta Puntland u degsan oo uu hogaanka hadda jiraa ku yimid, iyadoo la adeegsanayo tub nabadeed lana ilaalinayo xasiloonida iyo midnimada Reer Puntland.

Waxaa dadweynaha Puntland diidey kana horyimid, kalitalisnimada iyo jujuubka maamul, oo ah wax uu ka naxo maanka fayow, damiirkuna ka jeensanyo damaca uu hogaanku la yimid oo ah muddo kororsi caburin iyo amarti ku salaysan.

Puntland waxaa iska leh shacabka waxaa loo huray wax kasta oo qaali ah waxaana jiritaankeeda laga soo maray dhib iyo carqalado badan, sidaa darteed suurtagal ma aha in indhaha laga fiirsado xaaladaha jira ee dib u dhaca iyo mugdiguba ku idil yihiin.

Keli–talisnimo Soomaaliya waa soo martay waana la soo eeday hurgumadeediina ilaa iyo maanta ayey si siloon u saameeysaa nolasha aayaha dadka, sidaa darteed waxaa aan la qaadan Karin waa in nidaam kali talis ahi dib u soo ifbaxo oo waliba uu Puntland kasoo curto.

Hadaba waxaa iska cad in muddadii xilka loo dhiibey Madaxweynaha ay dhammaad tahay, isla markaasna ay waajib dastuuri ah tahay in Madaxweynuhu ilaaliyo Dastuurka Puntland loona howlgalo in la soo xulo xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada loona hawlgalo meelmarinta nidaamka doorashada ee January 2013 ka.

Waxaa loo baahan yahay in caqliyad dimoqraaddiyadeed, maamul hufan iyo cahdi–oofin lala yimaado, lagana haro barnaamijka dimoqraaddiyada iyo danaha shacabka qalooca lagu galinayo.

Dhammaan siyaasiyiinta u tartamaysa xilka dawladda Puntland ayagana waxaa xil ka saaran yahay inay si hufan ula shaqeeyaan shacab weynaha Puntland si loo ilaaliyo jiritaanka siyaasadeed iyo amniyeed ee Puntland.

  • Gabagabadii bayaankeenu waa:
  • In la dhowro dastuurka Puntland aysan dhicin xukun kororsi ka
  • badan intii loo doortey dawladda hadda jirta, si looga hortago halista iyo sawaxan ka ka jira gudaha iyo dibada Puntland
  • Xoojinta mideynta shacab weynaha Reer Puntland meel kasta oo
  • ay joogaanba
  • Adkeynta ammaanka iyo gacan bir ah lagu qabto cida runta ah ee
  • wada amni darada Puntland
  • In maamulka Puntland ahmiyad run ah siiyo xriirka maamulka
  • Puntland iyo Isimada degaanka Puntland si loo helo wada shaqeyn maamulka dawlad goboleedka Puntland iyo maamul dhaqameedka Isimada Puntland
  • In xoriyad buuxda la siiyo saxaafada xorta ah ee ka hawlgasha
  • Puntland
  • In ay xoriyad helaan musharaxiinta dibad iyo gudaha Puntland lana
  • abuuro nadaamka diimoqaraadi ku salaysan oo Puntland ka hirgala

Guddiga Bayaanka:

1.       Cisman Bulhan Boqor Cisman )

2.       Mukhtar Farah Cali Cade

3.       Dahir Mahdi Nur Islan (Dahir Ogaden)

4.       Ugas Cabdihakin Hasi Farah Canbaar. (abwaanka caanka ah ee Australia)

5.       Bashiir Shire Cabdille

6.       Cabdiqadir Farah Bashane (Nabdoonka Beesha Isxul)

7.       Cali Saciid Qalib

8.       Abwaan Salad Mahamed Carey(Abwan Tiin-Tiin

9.        Cabdi Finiin

10.   Ahmed Hashi Dakhare

11.    Liban Mahamed Ahmed (Macawisle)

12.    Cabdirisaq Cali Gurxan

13.    Cabdinasir Cabaas Nur (Geesood)

14.    Mahamed Warsame Mahamed

15.    Ahmed Hassan Cali

16.    Mahamed Cabdirisaq Hassan (Ina Sandheere)

17.    Yusuf Cali Islan

18.   Cumar Ahmed Islaweyn

19.    Mahamed Jamac Geyre

20.    Farah Qardhab

21.   Bashe Sayidin

22.   Cisman Dheel

Wa billaahi Al-Tawfiiq

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Galkacayo says:

    Abdiqani abshir habar qaadka gada ayaa dhashay marka habrtii ayaa qaadkii ka gadmi waayey war kuwaan qaad ma cunaan ee adeer meel fariiso,oo habarta qaadka hala fariisato guriga maxamed faroole ayaa burcad badeedu isugu timadaaye.

  2. Alw says:

    Gobanimo waa ok hadalkaaga laakiin yaa kaa dhageysanaaya waxaan u badaney dad xumaantooda loo wanaajiyey wanaagoodana loo xumeeyey. Qabyaaladana maanta waad u jeeda meesha ay na dhigtey ka soomaali wayn iyo ka punland ahaanba. Tusaale yar, waxey dadka kooban oo marwalba isu badala xukunka illaa hadan ku fashilanyihiin oo ay wali ku guulaysan waayeen xitaa in sida waqooyiga mar kaliya maqaarsaar ahaan ka dhigaan madaxweyne ama maamulsare nin ka yimid beelaha kale ee puntland ama nin ayaga ka dhasheyba ha ahaaadee laakiin dadka caddalad u horseeda iyo iney ka gudbaan xukunka rag kooban oo inay wax baabiyaan maahee horumar aan u soo jeedin.

  3. gobanimo says:

    Dhamaan dadka meeshaan ku sheekaysta waxaan idin weydiinayaa xumaan iyo isu tiris mooyee maxaa wax kale idiin diidey? waxaad u baahantihiin inaad barataan sida wanaag loogu hadlo oo qofka walaalkaa ah loogu nasteexeeyo ogaada hadalka fiicani waa sadaqad, waxaa idiin wanaagsan inaad ka fekertaan war maxaa horumar ah oo aynu samaynay maxaynu dadkeena iyo magaaladeena qardho aynu u qabanay, dhibaatadu waxaa weeye waad kala qaybsantiin oo odayaal fashiistayaal ah oo cuqdo qaba ayaa idin kala qayb qaybiyey oo qalbiil iyo wax baas idiin akhriya idinkuna wareeriyey kulligiin xabsi qabiil ayaad ku jirtaan, waxaas intaad ka ilbaxdaan halla bilaabo Dallad lagu mideysan yahay oo la yiraahdo QARDHO hadda laga bilaabona waxaynu nahahay reer qardhood qabiilkeenuna waa reer qardho. arrintan wixii ay idinla tahay fikirkiina soo qora maanta laga bilaabona hallaga fekero walaalnimo iyo horumar bilaa qabiil!!!!! REER QARDHO QABIILKA AYNU BAABI’INNO.

  4. Haajiro says:

    Waxaan ku xumahay in Qofkii Fekerkisa Cabira.Aay Caayaan Faroole iyo Caruurtiisu iyo In aan Faham sanaayn In Puntland Ummadda u dhaxaayso, waxa kala xadidayana aay yihiin Sharciga Faroolana Maanta waxa Haaysta Sharciga iyo Shacabkii wakiishaay.

  5. Kulmis says:

    cabdiqaadir abdshir ,waa Burcad Badeeduu Faroole Aduunka ku sii daayey,Waan Ka Raali Gelinayaa Nabadoonada soo Jireenka ah iyo Aqoon Yahanka Fekerkoodu Cabiraay waana Dhibaato In Caruuri Caayaan Reer Faroole Dhahaan Dadka ii Caburiya. Sarry Somali Cun.Off Australia.

Leave a Reply