Beelihii ku dagaalamay magaalada Qardho oo mago la kala wareegay

August 11, 2012   //   Warar Somaali

Waxaa maanta ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar munaasabad balaaran oo lagu soo afjarayay dilal ku salaysan aanooyin qabiil oo horay u dhexmaray beelaha Bahdir rooble iyo Bahyaaquub oo ka mid ah beel waynta Cismaan Maxamuud.

Kulan ka dhacay dooxada Xingood ee duleedka degmada Qardho ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, waxgardka beelaha ay dirirtu dhexmartay iyo dad ku mashquulsanaa dhexdhexaadinta labada beelood.

Gabagbadii waxaa goobta lagu gudoonsaday magaha lix nin oo labada beeloodba kasoo kala jeeday oo dhan 163-geel, ninkiiba 33 jiffi oo dhogar ah ayaa laga baxshay.

Dadka magahooda la kala qaatay maanta ayaa waxaa ay dilalkoodu dheceen sanadkii 2011 ilaa 2012.

Shacabka degmada Qardho iyo aqoonyahanka labada beelood ee magaha kala wareegay ayaa arintan siweyn usoo dhoweeyay, waxaana la filayaa in arintan ay meesha ka saarto kala shaki iyo isu gudbid la’aan in muddo ah ka jirtay magaalada Qardho, taasi oo u dhaxaysay labada beelood.

Sawirada dib ayaan idiinku soo daabacaynaa insha Allah.

Puntland-News24

Qardho.

 

COMMENTS

RSSComments (10)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. ahmedpunt-------------- says:

    maashaa allah ilaahaw usiyaadi waabil ramadaane oo walaalo isjece kadhig aamiin aamiin ..ramadaan saciid waramadaan kariim

  2. maxamed says:

    HORTA HORE WAA SO DHAWEYNAYA HESHISKA BELUHU KALA GAREN,

    Waxanse Qiyasaya in Heshiska lashegayo uu lamid yahay kuwo horay udhacay misana buray,waxan malaynaya,manta Cismaan Maxamuud in usan ahaan Cisman Maxamuud kii hore oo layiqiin oo Somaliya Horseedka u’aha Lama arag lamana maqal Cisman Maxamuud oo islaya ama Dad laya waxay ahayen Boqoro sharaf leh oo karameysan,maxa karamadii kaqaday lagu yiqiin,waxan codsanaya ama so jedinaya in cismaan maxamuud sharafkiisi iyo karamadisi iyo magaciisi soceliyo,oo uu kaboxo waxyalaha magaciisa iyo dadnimadisa wax udhimaya,waxan kale oo oran laha HEAHISKA Manta gareen yan lajabin oo hanoqdo mid hirgala.

  3. daljire says:

    allaha umada danteeda tuso, oo isdilka iyo isnacaybka haka saaro waa dad wada dhashay e.

  4. salad keen says:

    waa wax fiican balse xalkama damays ah matahay? waayo mag horaa loo kala qaatay waxna kuma dhamaan hadana waa uun sidii saas baa maalin walba mag laysu siin laysuna layn, waxaa igu maqaalo ah magta hubaa lagu gataa! wax lagu laayo marka ale ha sahlo laakiin xal ma arko hadaan lasoo qaban gacan ku dhiiglayaashii oo aan dhagta dhiiga loo darin,
    salaaaaaaaaaaaaaaaaamaad kuli afaaaaaaaaaad

  5. MAHMUUD says:

    NABAD IN LA GAARO WAA WAX FIICAN LOONA BAAHANYAHAY BALSE HORAA MAGO LOO KALA QAATAY LAGUNA HESHIIYAY QOFKII QOF DILA IN LA DILO, BALSE MAY DHICIN 6 NIN BAA DHINTAY HESHIISKAAS KA DIB LAMANA QABAN HAL GACAN KU DHIIGLE MARKA MAGTA WAA LAYSU SII HAYAA UUN EE XAL KAMADAMAYS AH MAAHAN MACNA WAYNA SAMAYN MAYSO WAAN HUBAA INAYSAN INTAAS KU DAMAYN HADAAN XAL KAMA DAMAYS AHI IMAN OO AAN LAHELIN GACAN KU DHIIGLAYAASHII, MAGTAASNA WAA MADHAMAATO WAANA LAYSU HAYAA,
    ILAHAY UMADAAS XAQA HAWAAFAJIYO XALKANA HA TUSO,

  6. alkureymi says:

    Mansha allah waa arin farxad leh howsha ay kadhacday qardho iyo sada wanagsan ay u heshiyen labada jifi oo ay ka kala tirsan yihin bahyaqub iyo bahdiroble waxana leyahay ilahey haka dhigo kuwi ku midoba horumarkoda mansha allah

  7. Tifatire says:

    Waa wax wanagsan in dadka dhexdooda islaax laga shaqeeyo, laakiin qolooyinka Qoraalkan soo qoray waxaan oran lahaa maaha Beesha Bahyaaquub iyo beesha bahdirooble waxa is hayey ee waa laba beelood oo hoostaga labadaa beedlood. ilaahna waxaan ka baryeynaa inuu arintaas intaas kusoo afjaro oo aanay dib danbe u soo noqon Aamiin.

  8. caaqil says:

    asc masha alaah waa wax wanaagsan beelaha walaalaha ah inay heshiiyan thangs all inta ka shaqaysay kheyrkan masha alah jizklah kheyr

  9. puntland says:

    anigu waxaan qabaa hadii lakala qaatayxitaa magta waligeed inta lakalaqaato ayaa hadana magtaa meel loosii dhigaa ficilka kadambeyn doona ee qolooyinkii wax kala dilay ay qaar wax goconayaan marka taasi wax ay tareyso ama ay maslaxad keeneyso malahane waa in laga soo saaraa qodobo adag oo ay ka midyihiin in qofkii qof dilaa hada kadib gacanta lagu soo dhigaa oo tiirka toos loo geeya .

    hada fiiri waxaa marnaba caqliga caafimaadka qabaa uu diidayaa nin gacankudhiigle ah oo dad laayay in layiraahdo mag baa laga bixiyay oo hadana dadkii uu dadka kalaayay uu ku hor laafiyoonaayo caqliga yaa diidayo ee waa in lalaayaa wixii gacan kudhiigle ah ee aan mag laga bixin taa baan qabaa hadii kale sheekadaanu waxay un ahaaneysaa shimbirayahow heesa.

  10. karkar says:

    mansha allah wa wax lagu farxa ilahay kheer ha ka dhigta amiiiiiiiiin amiiiiiiiiin

Leave a Reply