Been abuurkii Wakaaladda wararka ee Reutors iyo buunbuunintii Sokeeyaha

June 10, 2012   //   Announcement, Warar Somaali

Horudhac

 

Mahad dhamaanteed waxaa iska leh allaah, nabadgalyo iyo naxariisi waxay u sugnaatay nabigeenii muxamad ahaa (scw).

Qoraalkan wuxuu ku saabsansanyahay shidaalkii laga qodayay dooxada dharooreed ee deegaanada  ee  Puntland.

Wararka ka imanayay in dhawaalaba ayaa ahaa kuwo farxad iyo rayn rayn galiyay inta badan dadka soomaaliyeed .

 Marxaladaha uu marayay baaritaanka shidaalkaas waxaa si toos ah loogala socday shabakadaha caalamiga iyo kuwa gaarka ay u leeyihiin shirkidaha wada qodistaas sida range resources,red emperrior iyo horn petroleum.  Waxaase fajiciso noqotay kadib markii ay soo saareen wakaaladda wararka ee Reuters maalinimadii khamiista ahayd taariikhduna ay ku beegnayd 17/05/2012  qoraal ay ku sheegeen inay kasoo xigteen maamule ka mid ah maamulayaasha shirkada  horn petroleum .Baaritaan dheer kadib waxaa ii cadaatay been abuur iyo mala awaal aan sal iyo baar toona lahayn oo ay soo daabacday wakaaladdaas wararka ee Reuters.

Waxaase marnaba ka gam`i waayay sokeeyaha soomaaliyeed ee qoraalkaas  faafiyay iyagoo ku xadgudbay mihnadooda saxaafadeed hadii ay istaahilaan magacaas.

Arintaasi faafinta ah waxay hoosta ka xariiqaysaa wadaniyad yaraanta qaangaarka noqotey oo ay ku sifoobeen qaar ka mid ah shabakadaha wararka ee soomaaliyeed ee soo daabay been abuurkaas.

Madoonayo inaan hoos usii daadago kuna eedeeyo buunbuunintaas jiho ama shabakado gooni ah sababtoo ah sida aan cinwaankaygan ku cadeeyay soomaali dhamaanteed waa sokeeye haka dago meeshuu doono soomaaliya gayigeeda .  Ceeb iyo caado xun noqotay sokeeye ka faafinaya dhulkiisa been aan sal lahayn isagoo aan ogayn  inuu leeyahay hantidaa dhulka hoosteeda ku jirta mar haduu yahay soomaali meeshuu doona hakaga noolaadee soomaaliya.

Warkaasi lagu faafiyay shabakadaha qaarkood wuxuu ka hor imanayay amaanada iyo akhlaaqiyaadka laga rabo saxafiga(Journalism ethics and standards ) sida aan ku cadayndoono qoraalkan kooban.

Faafinta wararka iyo xirfada saxaafadda

Wararka iyo qaabka loo faafiyo ama loo hufo waxay leedahay qawaaniin iyo dariiq loo maro waxaana looga soo baxaa kala hufinta iyo raadinta wararka sugan raadinteeda  jaamacado iyo macaahid sar sare. Waxaase haleeley oo ku dhacay saxaafada soomaaliyeed  bililiqo sida loo bililiqaystay mihnado badan oo aan loo aaba  yeelin ilaalinteeda.

Mihnada saxaafada ilaalinteeda waxaa ka mid ah qaanuun la yiraahdo Code of Journalistic Ethics. Qanuunkan wuxuu salka ku hayaa ama xanbaarsanyahay ilaalinta sumcada iyo qiimaha mihnada .Journalism ethics and standards.

Waxaa lagu xusay buugaag badan xuquuqda qoraalka  iyo qiimaha wakaalada wararka  ay ku qiimaysantahay inay ku xirantahay sida ay u hufnaato oo ay u kala shaandheyso wararkeeda .Every news organization has only its credibility and reputation to rely on.

Hadaba waxaa intaas u dheer qofka muslimka ah ee doonaya inuu war soo tabiyo diin ahaan inuu ka feejignaado gacantiisa waxa ay qoreyso ama oraahda afkiisa kasoo baxayso inaysan marnaba ahaan been iyo wixii la halmaalo.

BEEN ABUURKII REUTORS SIDAN AYUU U QORNAA

The well in the Dharoor valley hit a metamorphic basement at a depth of 3,430 meters, Horn Petroleum said in a statement on Thursday. Basement is the rock layer below which economic oil or natural gas reservoirs are unlikely to be found.

Wakaalada wararka ee Reutors wariyaheedii wuxuu yiri Hadalkan  waxaanu kasoo xiganey maamulaha shirkada batroolka ee Horn Petroleum.

Baaritaan dheer kadib waxaa ii cadaatay hadalka uu yiri maamulaha inuusan ahayn kan uu soo gudbiyay wariyaha ama uu kasoo xigtey.

Waana kan sidii uu u yiri maamulaha horn petroleum

The Horn President and CEO, David Grellman, stated,this statement  "We are encouraged by the results to date and pleased that we have confirmed the presence of an active petroleum system in the Dharoor Valley.
Eeg shabakada rasmiga ah ee shirkada horn petroleum iyo hadalkii maamulaha
http://hornpetroleum.mwnewsroom.com/press-releases/horn-petroleum-provides-update-on-puntland-drillin-tsx-venture-hrn-201205170791383001

 

The Shabeel well has reached a total depth of 3,470 meters and has encountered metamorphic basement at a depth of 3,430 meters and is currently being suspended for future testing. 

sidoo kale waxa ay ku cadeeyeen qoraalkii ay soo saareen 17/05/20012.

Qoraalkaas nuxukiisu wuxuu ahaa iney gaareen god qodistiisu ay dhantahay 3470 ayna hakiyeen si ay mustaqbalka u tijaabiyaan isaga iyo kan labaad ee hada ay wadaan ee shaheele north .Sidoo kale qoraal kale ayuu ku cadeeyay maamulaha shirkada in ay isku mar ay qarxin doonaan ceelka shabeele1 iyo shabeele north  iyagoo dhawraya qalabkii ay ku samayn lahaayeen tijaabada.

  • Sidoo kale waxa uu yiri mamulaha isagoo tilmaamay inay ku faraxsanyihiin natiijada ay ka gaareen  dooxada dharooreed isagoo sheegay natiijo batrool oo nugul in ay gaareen waana kan hadalkiisii.

David Grellman, President and CEO of Horn Petroleum, commented, “The Shabeel well has confirmed the presence of an active petroleum system in the Dharoor Valley. We are highly encouraged with these early results which indicate oil bearing sands in possibly two zones. These results provide excellent implications for the overall prospectivity of the basin. We look forward to drilling the Shabeel North well and to testing the Jesomma sands to confirm this potential.

Ujeedada ceelka labaad loo qodayana waxuu ku sheegay maamulaha shirkada sidii ay u qiimayn lahaayeen carada layiraahdo jesomma taaso oo u muuqato batrool.

The primary objective of this well will be to evaluate the Upper Cretaceous Jesomma Sands which appear to be oil bearing at the Shabeel location. 

Waxaa dhacday isla maalmo kadib (21-05-2012) dhacdo farxad mudnayd shakigii dadka qaar qabayna meesha kasaaray laakiin qoladii been abuurka lahayd ee(Reutors) iyo qolyahii buunbuuninjiray midna dhacdada farxada lahayd kama aysan qaybqaadan.

 

Farxadaasi waxay ahayd markii ay shir ay galeen shirkada red emperrior madaxdeeda shirkadan oo ah mid kamid ah kuwa qodista ka wado dharoor ay go`aansadeen in ay ceelka labaad ay qodaan qarashkiisana ay qay ka qaataan.

 

Waxaadna ogaataa akhristow in ay ikhtiyaar u lahayd in ay ceelka labaad ka qayb galin iyo inkale.

 

Hadaba su aasha is waydiinta mudan waxay tahay maxay u soo qori waaayeen shabakadihii been abuurkii hore buunbuuniyay akhbaartan 21kii bishii ay soo saareen shirkadihii shidaalka qodayay sida red emperor  misa waa ay ka qarsoontay.

 

Bal markan aan u cudurdaarno waxaanse ka baqayaa in ay markale cudurdaar waayaan.

 

Qoraalkii 21kii bisha sedan ayuu u qornaa

 

Red Emperor has always had an option, not an obligation, to participate in Shabeel

 

North and has now received Final Well Logs in relation to the recently drilled Shabeel?1

 

well. After reviewing these logs and in light of the significant discovery made by the Joint

 

Venture in the Jesomma sands of Shabeel?1, the board has no hesitation in participating

 

in Shabeel North and has advised Africa Oil Corp. accordingly.

 

Xaaladu ayadoo halkaa marayso dadka inta niyada wanaagsana ay ku doodayaan barwaaqadii waa ay soo muuqataa dhibtii ina haysatayna idinka rabi hadaa laga bixi inshaa alaah waana la baraari min raaskanbooni ilaa raas xaafuun.

 

Dhanka kalana ay ku doodayeen dadka qaar markii horaba waan ogeyn meeshan waxba kuma jirin waa ceel biyood dhagax baa isku gooyay ceelkii,sunbaa lagu shubayaa iyo wixii la halmaalay.

 

Halkaa marka ay xaalada maraysay dadkuna u qaybsanyihiin labadaa qaybood eek or ku xusan ayaa shirkadu soo saartay

 

Lasoco Qaybta labaad

QORE: LIIBAAN M. CIGAAL(RAYDAB).

raydab@hotmail.co.uk

 

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. kkkkkkkkkk war boqortooyadu waay bara kaaysan tahay ma gurigii boqoraduunbaa shidaalka laga helay dharoor meeladeen tooxin kkkkkkkkkkkkkkkkkk malaha waaba isku mid rali ahaada hays oranina iyaguna waa xasid anakad dad noogunecebtihiin laakiin xasid manihin alaha idiin barakeeyo

  2. WiilPuntland says:

    Waa mahadsan yahay qoraaga. Puntland in shidaal laga helay shaki kuma jiro ee dadka reer Puntland ogaada sheshiiye iyo sokeeye waxaa iidinku xasid badan sokeeyaha somaliga ah taas maxaan u dhahayaa waxaan furay Dayniile.com jawhar.com.Shaaciye.com iyo kuwa kaloo badan waxay shegeen in Puntland shidaal laga waayay. Kuwaas xaasid ka ah waxaan u sheegayaa Puntland in ay qani tahay Ilahaybaana qani ka dhigay oo siiyay labo bad mida hindiya iyo badda cas waxaa taas noo dher shidaal iyo macdin kale oo badan.Reer Puntland waa in aad ilaashataan dalkiina iyo dowladdiina waxaad ogaataan dowladnimo in aad ku leedihiin quwad iyo sharafba. Puntland Ilahay ha talo saarato dhagna jalaqyaan loosin cadowga diidaya horumarka Puntland.

  3. axmed says:

    Aad iyo aad ayaad umahadsantahay liiban wana sidad shegtay somalidu waa wada sokeeye , balse waxa xaasidnimada keenaya waxaa weye jahli, puntland wa somalia hadey puntland shidal soo saarato in lagu farxo ayey mudneed laakin in laga naxo ma mudneen maxa yelay waa dad somaliyeed.

  4. MOhamed mudug says:

    xaasidkena markuu bataba midawgeena ayaa kordha viva reer puntland cadawga puntland ee hormarkeena ka naxa dhulbahanta qaarkiisa kamida oo dhaqaalaheena kunaaxay ayagoona canshuur bixin aan isku dayno inaan dhisno airportiga caasimada

  5. abdelaziz says:

    liibaan aad baan kuugu mahad celinayaa sida wanaagsan ee aad noo siisey warbixinta waanu jaha wareer saneyn waa akhriyey si fiicana waa u fahmey mida kale dad badan baan english ka akhrin karin iyo sida wabixinaha ay u qoran yihiin maka ku dadaal sida hada oo kale inaad af soomali aad ugu soo bedesho si aan loo wareerin

  6. Allow inoo burqi barakaat aan dhamaan inooga dhig kuwa xasadka dilooday ishooda naga xijaab Aamiin insha allaah alle idinkii barakaatkiisa waynu heli farxad iyo shukri naqna waynu ku qaabili goor dhow, Eebe agtii waxba kama aha ineynu aragno Puntland oo noqota petroleum state ee ducada ha lagu darsado inuu alle barakaatka dhulkeena inoo furo

  7. A.A.Hassan says:

    sww

    Aad ayaad u madsantihiin bada pl 24 news

    waa qoraal qiimo leh oo muujinaya amaanda wax loo tebiyo ama wax loo qoro.

    qorkasta oo wax qoraya waxaa waajib ku ah in uu umada usoo gudbiyo war sax ah oo uu weliba ku daro cida uu kasoo xigtey
    intaa kadib ceelkii labaad waala bilaabey (shabeel north) waxaana lagu dhameynataa 45 alla 60 maalmood, wax khayr ayaan ilaah ka rajeyneynaa dhamaanteen insha alaah

Leave a Reply