Beeralayda gobolka Bari oo isku filnaasho ka gaaraya wax soo saarka beerahooda
February 21, 2012 // Warar Somaali
Gudoomiyaha ururka iskaashatada beeralayda ee gobolka Bari ayaa sheegay wax soo saarka beeralayda gobolka Bari inuu yahay mid si weyn kor ugu soo kacaya,marka loo eego sanado ka hor.
Axmed Maxamed Muumin oo ah gudoomiyaha ururka beeralayda ee gobolka Bari ayaa u sheegay xafiiska Puntlandnews24 ee magaalada Boosaaso inay hay’adaha UNDP, CEFA iyo wasaaradda beeraha iyo waraabka Puntland la yeesheen kulamo looga arin sanayo sidii hay’adahaasi u taageri lahaayeen wax soo saarka beeraha gobolka Bari.
Waxaa uu sheegay beeralayda gobolka Bari inay ku guulaysteen inay soo saaraan qudradda noocyadeeda kale duwan,marka laga reebo Muuska iyo Cambaha oo ka yimaada koonfurta Soomaaliya.
Gudoomiyaha ayaa kacodsaday wasaarada beeraha iyo ha’adda FAO inay taakuleeyaan beeralayda gobolka Bari,si ay horumarro dhanka wax soo saarka ah ay u sameeyaan.
Puntlandnews24
Boosaaso.



masha lah aad ban ugu farax sanahey hormarka anu garney hadanu nahey goblka bari sida iyo si lamid ah aya laraba in loogu tashto dulkena hodonka ah leh so sarka wax walba dhanka kale wa in eynu kensana wadanka warshadaha wax so sarka leh sida shimitada cabitanka inkasto hada ey kuso badanayan casimada daqalaha somaliya ee bosaso-city aad ban ujeclahey magala deyda iyo hormarka ka socda waxan uso jedinaya ganactsada rer bariga ah in ey mesha iska qadan oo ay hormar suameyeen gobalkoda ka ilashadan cadow badan oo didan hormarkeda
ACWW waa arrin aad loogu farxo dowladda PUNTLAND ma, aha oo keliya in canshuurta dalka uun ay dadka ka urruriso ee waa inay abuurtaa oo maalgelisaa iskaashatooyin sida iskaashatadda beeraleyda PUNTLAND ,kaluumaysiga iyo xoolah nool si aanu uga baxno kaalmo shisheeye dawarsi iyo gacan hoorsi waxaa layiri runtu ragg kama nixiso. dadaala gacmaha isqabsada oo horumarka PUNTLAND usarakaca.
AMMIN AMMIN
waa arin wanagsan oo lagu faraxo had ka horna waxn maqallay in dooxda dharoor lag hirgelyeye beero faro badan hadii dowaladda wanagsan la hello wax laga taageeri doona dhanka sosarka biyaha iyo aburka beerah. lakin had mamulka ka jira garowe ma ah mid fahamsan wanag beerah iyo muhimad ay u leeyhin wadanka. insha allah dowlada cusub puntland ee sosocota baa waxka qaban doonta