Beesha Bacaiidyahan Cali Saleebaan oo taageero wayn u muujisay Suldaan Yuusuf Axmed Saalax [Sawiro]

June 21, 2012   //   Warar Somaali

Suldaanka Biciidyahan cali ( Suldaan Yuusuf Axmad Saalax) oo qada sharaf ugu sameeyey hotel Karaama2 ee magaalada Boosaaso 20 june, Nabadoonada iyo Cuqaasha beesha cali saleebaan,xaflada oo ahayd mid si heer sare loosoo agaasimey ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay,Nabadoonada Biciid yahan oo ay kamid ahaayeen.

1- Nabadoon Cali Maxamad Cali Nuur

2-Nabadoon Axmed cali kibriidle
3-Xaaji muuse c/raxmaan x Sicid

4-Caaqil Mustaf Maxud Caynab

Nabadoonada biciidyahan waxay ka hadleen :

1-In suldaan Yuusuf Axmed Saalax lagusoo caleema saaray 10/05/12 magaalada Timirshe oo ah deegaanka Beeshu ugu badantahay degaan ahaan.

2- In Suldaan Yuusuf Axmed Saalax uu yahay suldaanka ay Beeshu isku raacsanyihiin .

3- in saldanada Biciidyahan aysan ahayn mid dhaxal tooyo ah ee hadba qofka loo garto inuu xilkaa kasoo bixi karo ay beeshu u dooranayso.

4- warbixin kooban oo ku saabsan kormeer uu suldaanku kusoo maray degaanada dharjaale,Iskushuban,Xiriiro, Caleemaley,Qodax,Xumbays iyo timirshe oo uu dhisme Iskuul Cusub kasoo dhagax dhigay.

5- iyo ugu dambay in Nabadoonada cali saleebaan ee madasha isugu yimi iyo kuwa aaney usuura gelin in ay kasoo qaybgalaan in ay la shaqeeyaan suldaanka cusub ee dhalinyada ah isla markaana aqoon yahanka ah.

Intaa kadib waxaa hadalka lagu wareejiyey nabadoonadii kale ee shirka kasoo qaybgalay qaarka mida waxaa hadalkoodii ahaa sidan:

Nabadoon Catoosh: waa soo dhowey naynaa suldaanka iyo Beesha caleemasaaratay dhamaan,anagu waxaanu wax ku qiimayneynaa wax qabadkiisa,iyo sida uu wadajirka uga shaqeeyo.

Nabadoon Cadeysey Maxamed Ismaciil Dawaarik: aad ayaan usoo dhoweynayaa suldaanka waana la shaqaynaynaa, waxaana jira waxyaalo uu kaga duwanyahay salaadiintii waayadan dambe mida hore waxaa lagu caleemasaaray degaankii oo wuxuu nasoo xusuusiyey dhaqankeenii la ilaawey,mida kele waxaanu is lahayn hadii la caleema saaray sidii salaadiintii hore garoowe iyo boosaaso halkaas ayuu aadi doonaa,laakiin degaamadii dadkii doortay ee uu masuulka ka ahaa ayuu aaday iyo dadka kale oo ladega,isgoo usoo kuur galay xaalada nololeed.

Nabadoon Maxamud Gorad: aad ayaan usoo dhoweyneynaa suldaan waana la shaqayneynaa,anaga wuxuu noogu yimi Qodax halkaas oo uu nagala hadlay nabada iyo wada deganaanshaha iyo in dadka wada dega aaney jirin cid iska xiga oo ay dadka kale isaga dhow yihiin.

Intaa kadib suladaan Yuusuf ayaa hadalka lasiiyey:wuxuu yiri Nabadoonada iyo cuqaasha aad ayaan uga mahad celinayaa sida ay isoo ajiibeen iyo hadaladii wanaagsanaa ee ay iigu hambalyeeyeen, iiguna Balanqaadeen tageerada waana inika gudoomey.waxaan xooga saaraayaa:

Nabadgelyada Beesha dhexdeeda iyo Beelaha kaleba
Arimaha Bulshada(Iskuulada,Isbitaalada,Biyaha,Wadooyinka)
Isku xirka Dowlada iyo Beesha iyo dalalka deriska ah
Horumarinta dhalinyarada iyo wacyi gelintooda

Ugudambayntii waxaa hadalka soo xiray Dr :Yaasin X C/laahi Beeldaaje oo wacyigelin sameeyey iyo duco.

Suldaan Yuusuf Axmed Saalax (Suldaanka Guud ee Beesha Baciidyahan Cali Saleebaan dooratay)

 

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. waxaan rabaa in aan u hambalyeeyo suldaan yusuf dadaal ka uu wado iyo kalsoodida buuxda ee uu kahelay beelaha cali saleebaan
    waa suldaan aad iyo aad ufirfircoon durbana waxa uu muu jiyey wax qabad isaga oo booqdey deegaanada beeshu dagto qaybo kamid ah mar labaad waan u hambalyeynayaa suldaan ka waxaa na illaah uga baryayaa in uu ufududeeyo howsha loo igmaday aamiin

Leave a Reply