Beesha Cali Jibraahiil oo baaq kasoo saartay golayaasha deegaanka iyo nidaamka axsaabta ee Puntland
July 23, 2012 // Warar SomaaliKU: Golaha Xeerdejinta Puntland Garoowe.
OG: Golaha Sare ee Garsoorka Puntland Garoowe.
OG: Madaxweynaha Puntland Garoowe.
Ujeeddo: Baaq ay soo saareen Beesha cali jibraahiil.
Hordhac.
Curashadii Gobanimada soomaliya oo ku aadnayd 1dii luulyo 1960kii,waxaa lagu dhaliyey dhiigga ummada sooliyeed qaybaheeda kala duwan oo aan u kala harin sidii ay isaga ridi lahaayeen heeryada gumeysiga,taas oo lagu gaarey xorriyad iyo qaranimo magac iyo maamuus weyn ku yeelatay Dunida inteeda kale. Waxaan muran kajirin in guushaas weyn ay saldhig u ahayd isku duubni,tala wadaag iyo daacadnimo laga simanyahay si loo gaaro yoolka la higsanayey.
Waxa kaleeto oo iyana laga fiyoobaa qabyaalad,quud jacayl iyo qaybsan ka jira dhexdooda,taas oo sabab u noqotay jiritaanka qaran soomaaliyeed muddo ka badan soddon sano,iyadoo ay marba hoggaanka qabanayeen maamullo kala duwan oo mid waliba ka tegey raad iyo taariikh qoran oo lagu xusuusto .
Nasiib darro gobanimadii dhibkaas weyn loo soo maray waxaa si fudud god dheer loogu ridey bilawgii sanadakii 1991dii,waxaana ka dhashay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday islamarkaasna kala geeyey dadkii wada degganaa ee walaalaha ahaa.inbadan ayaa kala firirkii u baxsaday Dalalka debedda,in badan oo kale ayaa marti u noqotay wadamada aan deriska nahay kuwaas oo loogu madacdaray Qaxooti,ilaa maantayna ku nool nololosha adduunka tan ugu liidata.
Muddo kaddib Burburkaas iyo barakaca dhacay waxaa ka dhashay degaanno iyo dadyow isu tegey oo labaxay magacyo cusub ee Maamul,waxaana kamid ah Puntland iyo Somaliland.
Dhismihii Puntland.
Muddo kaddib Burburkii qarankii soomaaliyeed dadka ku nool gobolada Puntaland waxay hindiseen isku day farabadan oo ku saabsan sidii lagu soo celinlahaa Qarankii soomaaliyeed iyadoo meelo kala duwan lagu qabtay shirar lagu raadinaayo sidii dib loogu unki lahaa Dawladnimadii soomaliyeed,hase ahaatee waxaa dhacday in lagu wada fashilmay dhammaantood,taas oo ay usabab ahayd in ay weli jireen fikradihii iyo shaqsiyaadkii burburiyey qarankii soomaaliyeed,islamarkaasna aanay maskaxdooda ka bixin Damicii iyo kursi jacaylkii dhaliyey in lawaayo wixii lahaystey oo dhan(Dawlad,hanti,iyo naf ).
Markii taas laga soo haray ayaa wax garadka Bulshada reer puntland isugu yimaadeen isku tashi gaar ah si ay u dhistaan maamul u gaar ah oo isir wadaag ah, kaas oo ugu dambayntii 1dii Augost 1998 kii lagu dhawaaqay maamul loogu magacdaray Puntland.
Ujeedada maamulkaas waxay ahayd inuu saldhig u noqdo baadi goobka soo celin rajadii qaranka soomaliyeed iyo midnimadoodii luntay ,iyadoo Somaliland horay u dhisatay mid kaas ka horjeeda oo ay ku sheegeen inay gooni isu taageen ayna dib ugu soo noqon doonin soomaalida inteeda kale,marka laga reebo deristnimo keli ah.
Dhismaha maamulkaas isir wadaagga ah wuxuu horseeday hanaan Maamul,Dhaqaale ,Siyaasad iyo mid Amni oo ay ku kuunyaan soomaalida inteeda kale iyo caalamkuba,iyadoo marba marka kadambeeya uu jirey koboc saameeynaya dhammaan nolosha ijtimaaciga ah oo ay ugu weyneyd in ay soomaalida iyo derisyada kaleba marti u noqoto,qof walibana uu ka helo baahidiisa halka uu ka joogo(kaga noolyahay).
Waxaa iyana xusid mudan in maamulkaasi si buuxda u wada gaaray dhammaan gobolada iyo degmooyinka loo dhisay isagoo ay si dhammaystiran uga wadashaqeeyeen hayadaha Dawladda,inkastoo ay jireen marwalba caqabado kala duwan oo dhinac socdey horumarka iyo nabadda aan ka jirin soomaalida inteeda kale.
Waxaa iyaduna xusid mudan in ay muuqatay himiladii loo dhisay puntland maxaa yeelay waxay horsed ka ahayd dhismihii Dawladdii soomaaliyeed ee lagu soo dhisay Dalka Kenya (imbegati) sanadkii 2004,iyadoo uu madaxweyne ka noqday madaxweynihii Aabaha u ahaa dhismahii Puntland,ilaa iyo haddana puntland waxay kaga jirtaa kaalin libaax sidii looga gudbilahaa kumeelgaarka oo loo dhisi lahaa dawlad Qaran soomaaliyeed oo buuxisa kaalintii lagu yiqiin ummadda soomliyeed.
Maamulka puntland iyo halka maantay uu marayo waa mid Alle lagu mahadsho in kastoo ay jiraan gol daloolooyin u baahan in wax looga qabto sida ugu habboon islamarkaasna ay gacanta ku qabtaan dad ay hormuud u yihiin odayaashii unugeeda lahaa.
Waxaan ku faani karnaa in maantay larabo in loo gudbo habka Axsaabta badan iyo doorashooyin xor ah oo dalka ka dhaca iyadoo horayna loo ansixiyey Dastuurkii dalka oo si weyn looga baaraandegey ,ayna diyaarintiisa iyo Dib u eegistiisaba kawada qayb qaateen bulshada oo dhan siiba culimada Waaweyn ee puntland si looga fogaado inuu khilaafno diinteena Xanafiga ah.
Dastuurkaas oo loogu talagalay in lagu dhaqo maamulka dalka waxaa fulintiisa iska leh hayadda fulinta ,iyadoo ilaalintiisana ay leeyihiin Golaha wakiilada puntland oo u badan niman shaqaynayey intii puntland jirtey.
Marxaladda Xisbiyada Badan iyo doorashooyinka.
Maadaama aan ka gudbeyno habkii xulidda,oo aan u gudbeyno habaka doorashada waxaa lagama maarmaan ah inaan dhawrro shaciga iyo xeerarka aan ugu tala galnay inaan ku gaarno meesha aan u soconno,waxaana si gaar ah xil uga saaranyahay hayadaha kala duwan ee dawladda ,maxaayeelay haddii aan la dhawrin shuruucdaas waxaa dhici doonta in aan lagaarin halka loo socdo ,amase ay dhacaan qalalaaso dhaliya carqalado Siyaasadeed iyo kuwo Amni, maadaama ay jirto kala duwanaansho Siyaasadeed iyo mid fikir oo ka dkex jirta intii wada dhisatay puntland amase ay qaar ka mid ah ay madasha hadda ka maqanyihiin,taasna waxaa lagaga hortegi karaa in aan wada dhawrro sharciga siwada jir ahna ugu hawlagallo hawlaha socda.
Waxaa muuqata in durba lamarin habaabiyey arrimaha la xidhiidha habka Doorashooyinka iyo Xisbiyada soo socda lagana leexshey tubtii toosnayd,taas oo horseedeysa dhibaatooyin ka abuurma puntland dhexdeeda,waxaana hormuud ka ah Marin habawgaas madaxda Qaranka iyo hawlawadeenada ay u magcaabeen arrimaha Doorashooyinka iyo xisbiyada badan.
Guddiga Doorashooyinka Puntland .
Si loo gaaro Dimuqraadiyad iyo doorashooyin xor ah waxaa lagama maar maan ah in la helo ciddii hawshaas si gaar ah ugu qumi lahayd oo aqoon iyo daacadnimo kaga mira dhalin lahayd.
Maamulka hadda jiraa wuxuuna magcaabay guddigii hawshaas hogaamin lahaa,balse nasiib darro weyn waxaa ah in madaxda sare ee guddiga doorashadu yihiin kuwo aan horay loogu aqoon hoggaan Caddaaladeed,balse ku caanbaxay Cunsuriyad iyo Qabiil jacayl,waxaana taas u daliil ah sidii ay u maamuleen xubnihii Ergada Beelaha Gobolka Bari uga qayb galay ansixinta dastuurkii Puntlad ee dhowaan ka dhacay magaalada garoowe, waa tallaabadii ugu horreysey uguna fududayd hawsha laga sugayo ,waxayna awoodi waayeen iney lasugaan xeeshooda marka hawsha weyni bilaabato.
Waxaa kale oo markhaati ah wixii horay looga soo maray waqtigii UNISOM,iyo halka ay kaga jireen muranka Degmooyinkaas (Baargal,Ufayn,Rako iyo waaciye),iyadoo maantayna aad mooddo in ay doonayaan in loo noqdo waqtigii UNISOM oo ay ka soo wareegtey 20 sano, iyagoo ka bilaabay shaqadii loo igmaday halkii horay loogu ogaa,waa rajo xumo muujineysa in raadkii hore dib loogu noqdo,tan haatan lawadaana aan lagu guulayasan oo ay mar dhow fashilanto.
Sharciga doorashooyinka dalka
Waxaa jirta in lasameeyey sharciyo kala duwan ee la xidhiidha Doorashooyinka,kuwaas oo ay saldhig u yihiin Dastuurka Dalka,haddaba waxaa muuqata in ay hadda jiraan shuruuc ka hor imaaneysa dastuurka dalakeena kuwaas ay kamid yihiin sharciga Doorashooyinka Golayaasha Degaanka,kaas oo dhowaan ay ansixiyeen Golaha wasiirada puntland, haddana uu horyaallo golaha wakiilada puntlad,sharcigaas waxaa ku qoran sidan hoos ku qoran:
- In Doorashooyinka Golayaasha degaanku ka dhici doonaan 20 Degmo kamid ah Degmooyinka Puntland,kuwaas oo lagu sheegay in ay ahaayeen Degmooyinkii jirey markii ay burburtay Dawladdii dhexe ee soomaaliya,iyadoo laga tegey degmooyin kale oo ay horay u magcawday Dawladdii dhexe ee soomaaliya ,mana jirto sabab sharci oo loo kala saari karo Degmooyin puntland wada ah isla markaasna isku waqti,Dawlad iyo Dekreeto ah,degmooyinka laga tegeyna wexey kala yihiin:-
- Degmada Baargaal
- Degmada Ufayn
- Degmada Rako
- Demada Waaciye
- Waxaa kale oo iyadana xusid mudan in dastuurka Dawladda Puntland uu qorayo in doorashooyinka puntland ay kawada dhicidoonto dhammaan Degmooyinka puntland,Degmo wlibana ay xaq u leedahay in ay hesho kuraasta ay kaga qayb geleyso dhismaha Dawlad Demuqraadi ah ee ka dhalata Puntland.
Haddaba Beesha Baaqan soo saartay markay aragtay arrimahan kor ku xusan waxaa lagama maar noqotay iney soo saarto Baaqan ku socda Xildhibaanada Puntland waan kan hoos ku qoran:-
Nuxurka Baaqa.
- Golaha wakiilada Puntalnd waxaan halkan ugu soo gud bineynaa baaqan aan kaga cabanayno in sharciga dalka loo adeegsado sida uu jecelyahay ninka gacanta ku haya ,taas oo macneheedu yahay in lagu tunto xuquuqda Dadka muwaadiniinta ah iyadoo la fulinanaayo dano qof iyo mid Qabiil.
- Waxaa Beesha baaqan soo saaartay cabasho ka soo jeedinayaan dhammaan Degmooyinka Puntland ee laga tegey ee aan kor ku soo sheegnay kuwaas oo loo diidanyahay iney helaan xuquuqdooda dastuuriga ah,ha ahaadeen kuwii dawladdii dhexe ee soomaaliya magcawday,ama ha ahaadeen kuwa kale oo mutaystay in Doorasho laga sameeyo.
- Waxaan u soo jeedineyneynaa golaha wakiilada puntland in ay iyagu dadka wakiil u yihiin ayna difaacaan cidda xuquuqdeeda la duud siyayo.
- Waxaan xaq dhawreynaa xilka aad u haysaan ummada iyo xeerarka dalaka,waxaana idinka rajeyneynaa tallaabo raali gelisa Bulshada Puntland dhammaanteed,gaar ahaan Demooyinka Baaqa cabashada ah soo gudbiyey.
- Waxaan rajeyneynaa inaad cabbirikartaan cawaaqibka ka imaankara bulsho la caburiyo,iyadoo laga dheehankaro Baraarugga maantay ka socda caalamka hereerteena deggan.
- Waxaan uga digeynaa Golaha Baarlamaanka Puntland in eysan sabab u noqon kala goa Dunta tabarta daran ee isu haysa Puntland,gaar ahaan xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sool,kuwaas oo waayadan dambe lagu xamanayo inay noqdeen kuwo u adeega cid gaar ah amase fushada Dano gaar ah.
- Waxaa muuqda in aysan hirgelidoonin hawsha xisbiyada badan iyo doorashooyinka Dawladaha hoose haddii aan la helin hoggaan lagu kalsoonyahay maadaama madaxda hadda hawsha loo diray aanay ehel u ahayn.
Wa billaahi tawfiiq
-
- Beesha CaJi li braahiil (Magacyada saxiixayaasha Baaqan)
- Nabadoon Cali Cumar Guure
- ,, ,, Yuusuf Faarax Maxamuud
- ,, ,, Xirsi waaberi Xaaji nuux
- ,, ,, Cali Cumar Guure
- ,, ,, Xasan huruuse Guuleed
- ,, ,, mahad askar maxamd
- ,, ,, Maxamad AW-Aadam Yuusuf
- ,, ,, Aadam cali saalax
- ,, ,, Mxamad Aadam muuse
- ,, ,, Xasan Axmad muuse
- ,, ,, Maxamad Xuseen Maxamuud
- ,, ,, C/laahi Shire Maxamad
- ,, ,, Axmad Xasan Maxamuud
- ,, ,, Jaamac Jibriil muuse
- ,, ,, Cabdi faarax Maxamuud
- ,, ,, Khaliif huruuse Yuusuf
- ,, ,, Bashiir ciise Irbad
- ,, ,, Ismaaciil Sheekh cabdisalaam
- ,, ,, Axmad C/laahi Xaaji Cumar
- ,, ,, Axmad xaaji Maxamuud Axmad.
- Ganacsade Maxamd huruuse yuusuf
- ,, ,, Cismaan Shure Maxamad
- Ganacsade Yaasiin Cartan Maxamad
- ,, ,, Cali Mire cartan
- ,, ,, Maxamda siciid Dable
- ,, ,, Maxamad Mire waaberi
- ,, ,, C/laahib cabdi saalax
- ,, ,, C/risaaq salad Cabdi
- ,, ,, Cumar Jaamac Jiriido
- ,, ,, Maxamuud Bile cabdi
- . Maxamuud Mire waaberi
- ,, ,, C/salaam Naxar maxamad
- ,, ,, Sahal Maxamd Axmad
- ,, ,, Axmad Cismaan Irbad
- ,, ,, bAxmad Maxamad Maxamuud
- ,, ,, Naalaye Aadam yuusuf
- Aqoon yuahan Dr C/qaadir Shire Maxamad
- ,, ,, ,, Maxamuud Yaasiin Cartan
- ,, ,, ,, Liibaan Faarax Xasan
- ,, ,, ,, Maxamuud Cabdi Beeldaaje
- ,, ,, ,, Axmad Cali Cumar Guure
- ,, ,, ,, C/qaadi Barre Daalib
- ,, ,, ,, Mahdi Cabdi kaatun
- ,, ,, ,, Salad Siciid Cartan
- ,, ,, ,, C/kariim Farax Ismaaciil
- ,, ,, ,, Maxamad yuusuf Beeldaaje
- ,,, ,, ,, Siciid Abshir maxamad
- ,, ,, ,, Axmad Maxamad Huruuse
- ,, ,, ,, Maxamad Maxamuud Idiris
- ,, ,, ,, Maxamd cabdi Cismaan firdhiye
- ,, ,,, ,, yuusuf Cali Samatar
- Haweenka Marwo Khadiijo cismaan Fidhiye
- Sareedo Jaamac cadde
- Mahado Cabdi maxamad
- Buuxo Maxamuud Cumar
- Murwo Xareed Ilbir
- Raxmo yuusuf Cali



Beesha Cali jibrahiil qoraalkoodu Hal qof Ayuu ka Hadley waana gudoomiyaha gudiga doorashada isaga ayey khaladkii saareen laakiin nasiib daro odeyga meesha heysta mar ma’aysan soo qaadin waana arin aad looga xumaado hal beel oo saaran Hal nin halka nin yaa magacaabey oo keeney meesha arinta la’og waa DR faroole isaga kadoonta wixii idinka maqan cuqdada iyo naceybka aad cusman mahamud u qabtaan iska daaya naceybka ciqaab alle baa lagu mutaa marka tolow was iga talo
JIRIIDO markii uu ahaa gudoomiyaha gobolka bari oo ay cali saleebaan hadlaan wuxuu oran jiray ader ma degaan baad tihiin , wabeneye iyo carab aya idinka degaansan idinkana xaqleh , markaasay sidii dhoocilo duryami jireen , markii xabadu socotayna wad ogaydeen in la arkay afartan jirro ooyayay sidii dumar oo leh baaba’nayeey, hoognayeey , naagihiiniina ay dhaheen nafura cali jibrahil hana waseene sida ay idiin waseen , dhanka kale cali jibrahil hadalna idinkaga adag , adkaysina idinkaga adag , xabadna idinkaga adag marka maxaadba tiigsataan, googarada jiiida kaliya
walaalayaal marka hore waxan rabaa in aan ka hadlo qoraalkan , qoraalkan waxa qoray rag dhalinyaro ah waxayna baalmareen pointgii laga lahaa waayo waxay aflagaado u gaysteen baarlamaanki ay dacwada u ahaayeen , waxana meesha ku qoran nabadoono badna oo aan ogayn qoraalkan oo kala jira magaaloyinka iyo tuulooyinka , wan cambaaraynaynaa qoraalkan , , hal midna aan ku daro cayda iyo aflagaadada hala joojiyo ninkii caytama waa naag ama been ku hanjaba waxanleenahay googarad qaado sida ninka cowlyaha sheeganaya. diciif waliba marka uu itaal waayo ayuu af xunku hadaqaa, dadka dadka u liita ee markla xabadu bilaabato ama 5la dilo ooya waa layaqan , ader cali jibrahil carmo in ay ka khudbeeyaan ayay rabaan as soon insha alah , nin baa yiri , GAR CALI SALEEBAAN IYO ILMO GARAB KEENAY GOOGO BAA UDAMAYSA, marka hore hadalka barta indho yucuuryahay , cali jibrahil waligiis ayuu xoog ku haystay cali saleban waana la ogyahay marka ay idin baadaan inaad oran jirteen BANAAN SHARAXLEE BARI KULA DHACAY BALO KULA TAG ,
WAXAAN KU NACAY IANAN REER BARI AKHRISTO WAX KU SAABSAN WAA WAXAANOO KALE WAA WUXUUSH REER BARIGU DADNIMAADII BAA KA DHIMATAYA SHINBITU MA DUU SHAA MISE MA DUUSHO ABY ISKU HAYAAN
loooooooooooooooooool
runti hadi lo hadlo somalia waxan ku arkay wax raagu isku laayo heeshisna an laga gari karin hadaba ufeyn iyo kobdheexad wa dhuul Cawalyahan ali in ay shegtan cali jibrahil na ilama habona dhul an dhuulkada ahen wa dareen ku jog daadki magaloyinkas asasayy aya wali nol oo ah daad wayeel ah sida Sicid ibrahin iyo ini kaabo_yare cali jibrahil wa daad walalo hayaga ah oo nala dega lakin ma shegan karan daadka dhulkisa xaquqda saxafada hala ilaasho wad mahadsan tahin
cali jibarhiil waa qabiil yar oo an koramka buu xinkarin lol cabshadooda waxba laga sow qadi maayo cali saleebaan baa bosaaso kaqaxiyeey kulahaa lol war hadii adeer cali bosaaso ka guroo meesh bosaaso tuulo bay noqonaysaa lol ani adeerka ma ihi lakiin waa ogahay xaqiiqda in laysxaqiro mahan bosaaso adeerka baashiday iyadoo tuulo ah lol
loooolz wixi la raabo miya la iska qoraya Degmo wa Qardho-Waciye-Carmo wixi dheerada way so dahen thnks
asc ramadan kariim beesha xaq ayay uleedahay fikirkeeda waxaana wanaagsan dawlada puntland in ay tixgeliso rabitaanka dadka balse caqabadu meesha ay kajirto waa dawlada dhexe ee xamar joogta oo rabta in degmooyinka iyo gobalada ay ahaadaan intii siyaad bare ku ogaa marka su,aasha waxaa weeye sidee la isu waafajiyaa rabitaanka shacabka puntland iyo tan dastuurka somalia.
Marka waxaa jira degmooyin ay dawalada siyaad bare katagtay oo maanta shacabka badan ku nooleynn iyo meelo ahaa tuulooyin ay maanta shacab badan ku noolyahin oo kabadan kuwa kunool degmooyinkii siyaad bare .
saas darteed aniga waxaan xal u arkaa in siyaasiyinta kasoo jeeda degmooyinka ufayn rako balidhidin bargaal carmo waaciye iyo kuwa kaleba in ay musharaxiintooda iska soo sharxi karaan degmooyinkooda maadama xisbi kasta khasab ku tahay in uu degma kasta ka haysto tageerayaal 100qof ah marka markasta dadka degan degmooyinkaas way soo gelayaan golaha barlamanaka puntland
Baaqa ay Beeshu so jeedisay xaq bay u leeyihin inay dawlada ucalaacalaan lkn yaan laysku qaadin degmooyinka waaciye gudoomiye iyo gole degaanba weylaadahay yaan layskula dhuuqin ee cabashadu beesha haku ekaato ok…
@ xayawaanka la magac baxay cawlyahan cali adeer waxaan ku sheegaya inaad tahay maangab maangab dhalay oo cuqdadaysan dadka geeridada haya waa cali jibrahiil wada hadlaysa beryahan xabadi iyo laynti ayaan kaa dayey walle bosaso sidad 2011 uga qaxday bana kugu celinaya hadadan afkaada huurada leh edeb uyeelin nijaas baa tahaye tan labaad ufayn adiga oo beel yar ah iska daaye salebaanada aad sheeganayso oo dhan baan soo hawaysan karin rag difaacda bay leedahay geeridana yaqaan iyo xabada maaha adigoo kale marki 5 lagaa dilo ba,ayeey dhahaya dida dumarka
ufayn ma degmaa mise waa tuulo yaab badanaa reer kasta haday tuulo degmo lugushego waa yaab mida kale qofkasta codkiisa buu dhiibanayaa qabiilkii magaalo kasta ubadan waa la arki donaaa lol
waa arin is weydiin mudan beshu baqa ey so sartey lkn waxa nasiib daro ah ufeyn waciye bargaal waa degmoyin qadiimi ah qateyna magacyada dhowladi dexe ee somliya maxa loga tagey? khladku ma dadka deganka ba mise waa dhanka xukumada? maxa degmoyinka ku dhegen logu sameyey golayaal dhegan iyaga na loga tagey? waxan u arkaa khaladku in uu yahey 2dhinacba hadey noqoto xukumada iyo shacabka kaso kala jedo degmoyinkaa oo iyagu ka gabiyey arimaha deganadoda. wayo hadi adan adigu wax qabad ula iman degankaga nina gacmo kugu keni mayo ayaan aminsanahey..
kkkkk Caadalada ad radinayso wa te yadse ka doneysa raagad u Calcalayso wa Saleeban Mohamed iyagi ayaba ku heshin wayey ila 1300 sano ka hor ayey haben iyo malin isleynaya is toganayan is xogayan is reb rebayan macala
adigo yar yarka majeetten ahe kuwo ka badan sida Reer bicidyahan iyo siwaqron ayaba wayey wax xage jogta adigu mida kale an ku qoslay kkk Degmada ufeyn raag ba iska leehe ha shegan wa dhuul Cawalyahan weyne waxana asasay iNi Kaaba yare tarikhda so baro dhulkuse wa weynyahe intan laga buxsan meel xar xaro wale wa iga talo thanks xumana ha u qadan ina ader?
Cadaalada waa aasaska dowlad cadaalad hadii lawaayo walaahi doowlad majireeyso
asc fikirka beesha xaq bay u leeyihin inay sheegtan waxay xaq u leyihin lkn hada ka hor bay aheen inay ka hadlan maqaalkan wad laso dahdeen talo kalenah wan so jeedinaya ufeyn hala dhiso maqaalka hanjabaad badan ba kuso darteen beeshu si nadiif ah wax ha u doonto ilahay ba cadaalada jecel mida kale marki dowlada dhacday rako tuulo aheed waciye tuulay aheed xaqiina inad radsataan waa wajib lkn si nadiif ah ku radiya hadalkayga hadi beeshu dhibsado walaalayaal waa bilson iso cafiya
waa arin lagu farxo hanolaato beesha cali jibraahil