Beesha Ismaaciil Saleebaan oo kudhaliishay gudiga KMG ee doorashada Puntland inay degmada Gumbax ka saareen degmooyinka xibiyada looga tartamayo

July 26, 2012   //   Warar Somaali

Beesha Ismaaciil Saleebaan oo ka mid ah beelaha Puntland ayaa soo saaray bayaan ay ku cambaaraynayaan Gudiga KMG doorashooyinka Puntland kadib markii ay sida ay sheegeen degmada Gumbax ee uu maamulka Puntland horay u magacaabay laga saaray inay u tartanto golayaasha deegaanka, islamarkaana xisbiyada aanay wax tartan ah ka samayn doonin degmadaasi Gumbax.

Bayaan ay kasoo saareen kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso ayay arinkaan ku shaaciyaan, waxaana bayaanka uu u qornaa sidaan:

 

Ku: Golaha Xeerdajinta Puntland                                                                               Garoowe

OG:Golaha Sare Ee Garsoorka Puntland                                                                     Garoowe

OG:Madaxwaynaha Puntland                                                                                     Garoowe

 

Ujeeddo:Baaq ay soo sartay Beesha Ismaaciil Saleeban

 

Hordhac:

 

  • Ø Waxay somaaliya xornimo qadatay sandakii 1960 sandkaas oo ay ku  soo birtay aduunka,

Xoriyaddii ka dib waxaa dhacay maamul xumo iyo talo xumo iyo nin jeclaysi owgeed waxay wayday maamulkii iyo kala

danbeentii sababna waxaa u noqday  cadaalad xumo

  • Ø Intaasi markay dhacday
  • Ø Waxaa isku yimid waxgarad,culimada,aqoonyahanka,isimada ,haweenka gobolada waqooyi bari waxay goosteen in ay sameestaan maamul iyo kala dameeyn

waxay ku guuleesteen 1998 in ay sameystan maamul loogu magac daray Puntland kaas oo si wada jir ah ay uga wada qeeb

galeen beelaha puntland una taagan baadi doonkii somaliweyn

waxay usamaysteen xeer  hoosaad lagu maamulo si loga nabad galo tala xumadii Dowladii somaaliyeed ku dhacday waxaan soo

dhaweynaynaa shirka dib u yagleelka dowlada somaaliyeed ee ka furmay 25/7/2012 Muqdisho

waxaan leenahay hanoqdo mid miro dhal ah,dalkuna kugaaro dowladnimo iyo hormar

 

Hadafka Beesha:

 

  • Ø Beesha ismaaciil saleeban waxay ka mid ahayd Beelihii udub dhaxaadka u ahaa dhismihii puntland 1998 taaso aheed ujeedadi loo dhisay in ay si siman ugu adeegto danta somaali weyn iyo tan shacabka puntland .
  • Ø Degmada Gumbax waxaa magacaabay maamulka Puntland  waxaana lagu sixiyey xeerka  iyo dastuurka Puntland
  • Ø Puntland Waxay ka koobantahay 37 Dagmo ,
  • Ø Wuxuu cadaynayaa xeerka puntland in dagmooyinkas usiman yihiin Hormar  Maamulka ,iyo Xaqsoorka

Dhaliil soo jeedin :

 

  • Ø Dhowaan waxay puntland isku raacday kana mid ahayd xeerka puntland in loo gudbo nidaamka  axsaabta badan ah
  • Ø Dad dano gaar ah leh oo aan daneenayn xeerka talo wadaaga ah ee puntland ayaa waxay soo sareen qoraal qabyo ah oo oranya 20 Dagmo ayaa laga hirgalinayaa axsaabta ,
  • Ø Waxay cadayyeen gudiga doorashooyinka in ayyan dhexdhexaad ka noqon Karin xilka loo idmaday maadaama ay ku fashilmeen shaqadoodii ugu horaysay
  • Ø Hadaba waxaa iswaydiin mudan su aalahan soo socda

1)  Meeyay xeerkii Puntland u dhignaa?

2) Ciddii doontaa mawax bayku dari kartaa  waxana maka dhimi kartaa ?

  • Ø Iyadoo aynu ognahay gobolo kamid ah Puntland ay ka maqan yihiin gacanta puntland
  • Ø Waxaanu hay’adda sharci dejinta  Puntland ku baraarujinaynaa in ay ilaaliyaan xeerka puntland

Cida fufuraysana midnimada iyo wada jirka wax ka qabtaan .

 

Gabagabo

 

ü Beeshu waxay ay hadaf keedda ku soo gabagabaynaysaa in la ilaaliyo sharcigii udhigan reer Puntland ,

ü In laga durko wixii wax udhimaya habsami u socodka iyo jiritaanka Puntland

 

Beesha Ismaaciil Saleebaan (Magacyadda saxiixayaasha baaqan)

 

Nabadoonnada :

1.  Maxamuud Cabdi Cawad

2.  Cabdi Geele Nuur

3.  Cabdi Axmed Maxamed (Cabdi Ugaas)

4.  Siciid Jaamac Caynab

5.  Diraac Cali Daad

6.  Siciid Maxamuud Axmed

7.  Saalax Muumin Maxamed

8.  Shire Maxamuud Guuleed

9.  Samatar Siciid Jaamac

10.  Maxamuud Yuusuf Nuur

Aqoonyahanadda:

11. Yaasiin Muuse Maxamed

12.  Maxamed Axmed Xasan

13.  Maxamuud Axmed Muuse

14. Siciid Xasan Axmed

15.  Shirwac Maxamed Shirwac

16.  C/risaaq Jaamac Cali

17. Maxamuud Maxamed C/laahi

18. Axmed Yaasiin Muuse

19. C/casiis C/laahi Cismaan

20. Axmed Samatar Faarax

Ganacsatada:

  1. Maxamuud Cabdi Geele
  2. Maxmed C/laahi Cawad
  3. Cali Abshir Saalax
  4. Guure Cali Daad
  5. Maxamed Cali Gabax
  6. Maxamuud Cartan Maxamuud
  7. Maxamed Maxamuud Nugus
  8. Maxamed Siciid Seef
  9. Xuseen Siciid Seef
  10. Axmed Jaamac Ciise
  11. Yuusuf Saalax Jaamac
  12. Siciid Saalax Cali

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (5)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Nugaalsame says:

    1.burcad badeed qaybtood ay katirsayihiin madaxtooyada faroole iyo qoraalo ay kooxda xiriirka caalamiga ahi kucadynayaan oo loo gudiyey madaxtooyada isla mar ahaantaasna jawaab cad kabixin waayey
    2.cunaqabatayntii hubka ooo uu jabiyey ee xeerka 191(r)192(a-g)
    3.kutagrifal awoodeed iyo musuq maasuq ay beesha caalamka ku eedaysay

    hadaba waxaa cad in faroole kufashil may xaaladii siyaasada soomaaliya iyo tii puntland ayadoo aynu ognahay odayaashii dhaqanka meesh ay kala marayaa

  2. Danarad says:

    Waa in laga digtoonaayaa qiyaamada iyo dastuurka beenta ah e reer faroole.horay baa looga wada digay dastuurkaan waxaa mahad eebe ah in shacabka reer puntland ay arkeen danibka loo qoolayo

  3. qadar says:

    Dowlada faroole waxba uma ogola besha Ismaacil-saleebaan waa xaqiiq,waxaan aniga iyo dhalin yaro kale ayaa kuguda jira sababta dowladan faroole ay aad ugu lid tahay beesha ismacil saleban,ma reer faroole ayay xurgufi dhaxmartay oo aar gosanaya,ma ku xigenadisaa waxbaa jira markaan sababta jirta aan helno ayaan ku soo daabici doona PUNTLAND NEWS,waad mahad santihiin.

  4. Yuusuf Yare says:

    waxaan aad uga xumahay beelaha hada qeeylinaya ee leh dastuurku waa xaaraan iyo dagmooyinkayagii ayaa laga tagay beelahaas oo awalba cadaalad daro iyaga oo lagu hayo u sacabtumayay maxaa hadaba maanta ay ugu qeeylinayaan wax aan jirin iyo qof walba tuulo intuu shirka la yimaado haddii uu dhaho waa dagmo anigu waxa aan u arka in ay ceebtahay qabaailadan waxa ka qeeylisiinayana waa arimo kale ayaan anigu u gartay waad mahadsantihiin

  5. Si gobonima leh bay u hadalkoda u dhigen besha karamaysan ismacil saleban. Kuwan gudiga dorashoyinka isku shegaya. Wa kuwa jaahilin ah ma mcqul ba dadka iyo dagmoyinka qaybna ha codeyan qaybna xaq uma leh xage lagu arkay muwadin kasta wuxu xaq u leyahay in u codeyo. Xata tuulo hajoge. Wadanki waxa illahay gcnta u gashay dad sufaha. O kamaran qiyam hogaamined. Faroole iyo kooxda aaran jaan waxan ma kagarasha xuma mise waa cadow umadan looso diray

Leave a Reply