Beesha Maxamuud Ibraahim [Majeerteen] oo baaq cabasho ah soo saaray [Bayaan]
August 22, 2012 // Warar SomaaliKu: Madax-dhaqameedyada bahweynta Majeerteen
Ku: Madaxweynaha Dowlad Gobeleedka Puntland
Ku: Wasiirka koowaad ee Dowlada Ku-meelgaarka ah ee Federaalka Somaliya
Ku: Guddiga Xallinta Khilaafaadka
Ku: Guddiga Xulista Xildhibaanada
Ku: Warbaahinta Somaliyeed
Asalaamu Aleykum:
Beesha Maxamuud Ibraahim (Reer Maxamud) oo ka mid ah beelaha majeerteen ee dega
degaanka Mudug ayaa ku tilmaantay sida loo qaybiyey xubinihii baarlamaanka ee beesha
majeerteen kaga soo aaday Baarlamaanka boob iyo is qadarin la’aan gooni loogu qaatay saamigii
u dhexeeyey beesha. Arrintaasi oo markii labaad ah.
Waxay beeshu mas’aaluyida dulmigaas dusha uga tuurtay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo si ku
tala gal ah Isimaddii Beesha MI uga reebay liiskii xafiiskiisu diyaariyey. Waxaa kaloo iyaduna
xusid mudan in wakiilka boqorka Daarood uu arintaa boobka ah guddoomiyey.
Tixraac:
Saamiga kuraasta barlamaanka ee Beesha majerteen heshay waxaa lagu dhisay qaybtii
Embagathi ee 2004,oo cadadkeedu ahaa 12. Waxaa qaybiyey marxuum Cabdullaahi Yusuf oo
xiligaa ah musharrax u taagan jagada madaxweynimada Soomaaliya. Wuxuu si ku takri falid
ah oo aan qaddarin iyo tixgalin ku jirin ugu sadburiyey reerkiisa oo uu qoondeeyey 7 ka mid ah
qaybtii beesha majeerteen heshay. Waxaa xusid mudan in xiligaa aysan Isimadu dawr ku lahayn
qaybinta kuraasta baarlamaanka. Inkastoo cabashooyin is daba joog ah beeshu u soo gudbisay
beesha caalamka, hadana lagama hoos qaadin lamana tixgelin.
Waxaa nasiib darro in dulmigii Embaghathi beesha Maxamud Ibraahim lagu sameeyey uu
si rasmi ah maanta oo Soomaaliya xiliga kala guurka ka dugbayso mar labaad la hergilayo,
arrintaas oo uu garwadeen ka yahay xafiiska ra’iisul wasaaraha oo dhiiri galiyey in aan beesha
guud ee majeerteen wada tashi ka yeelan habka loo qaybsanyo saamiga baarlamaanka. Arintaas
oo sababtay in shirarkii wada tashiga ahaa ee u dhexeeyey isimada beesha guud ee majeerteen ay
qabsoomi waayaan.
Beesha Maxamud Ibrahaaim waxaa lagu yaqaan sumcad aad u sarraysa oo ay ku dhex leedahay
dadka degaanka la wadaagto. Waxaa kale oo Beesha lagu yaqaan wadaninimo, iyo inay dawr
muhiim kasoo qaadatay gobanidoonkii Somaliya. Mar kastana u heelan tahay wadajir, cadaalada,
iyo horumarka umadda Soomaaliyeed.
Madaama la hereer maray hab maamuskii wanaagsanaa ee lagu yiqiin madax dhaqameedyada
ee xeerinaya waxa dadku isu yahay, wada dhalashada, iyo degaan wadaaga; madaama
mas’uuliyiinta beesha Majeerteen ee maamulada haatan jira ay qeyb ka yihiin cadaalad darrada
iyo duudsiga, waxa beesha Maxamuud Ibraahiin waxay ogaysiinaysaa Guddiga Qabashada
Xubnaha Baarlamaanka, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Hay’addaha Dawliga ah eek u
hawlan sidii looga gudbi lahaa nidaamka ku meel gaarka ah. In dib u eegaan habka loo soo xulay
beesha Majeerteen ee baarlamaanka.
Suldaan CabdiRashid Suldaan Muuse Shire-farey Ugaas CabdiXakim Nuur Farax
Xildhibaan CabduLaahi Adan Dude Waxgaradka beesha Mohamuud Ibraahiim
Nabadoonada beesha Mohamuud Ibraahiim Culimada beesha Mohamuud Ibraahiim
Qurb-joogta beesha Mohamud Ibraahiim




runti anigu waxan dhihi laha besha hatan cabanysa horta nimanyahow dadka waxlaalma gaaro mxud slman hadu qaytina qateyna waa walalihin oo hada lagu so weeraroba isaga ku difaaci laha oo wa cad walalka cuney midakalna waxan dhihi nimanku cadkini kaliya ma cunine inta kale jifa ah omjtrn codkado wey cuni jireen tas waynu iska arki jirney maxamud sleman mid ban dhihi laha war nimanyahow wadanka idinka madaxka ah ee cadalada dhowra oo meesha boon wax naga sineysan jifiyaha buyuurka siya oo mjertenka ah
waa nin beesha nuux maxamud uhadlaya
Kkkkkkk walaahi walayab in manta la dhaho galgalo kama mid aha maxamud saleman 1991 wixi ladagalamay hawiye galgalo um bay ahayd wala og yahay tariq ey ledahay marka cuqdada ha iska daayo
kkkkkkkk,,,reer mahamud iyo wabeneye is biirsade ee wax naqda hadii aad wax noqon kartaan,
caro waxba kuu kordhi meyso,
mahamud saleban qaabka uu wax uqeybsaday
adiga waxba kaama galin
adiga jajabkada wax laqeyso teyna hafara galiaina
waxaa ayaan daro in maanta lagu mashqulo kursi la siiyaay beel ka mid ah maxamud saleban galgalo waa la wada ogson yahay in ay dhashen beel ahan maxamud saleban wa qabiil leh qiimaha ay layahin belah kale haday ahaan lahayd degmo celal sedex nooc xolaha wadoyin.waxwalbo tariiq ayaa xustay ee dib ha loo eego gaalgalo waa u qalanta in la siiyo kursi waana beel ku leh taariiq fog belaha somaliyeed
ilaahow laan gaab hanaga dhigin
bal waxa qeyla baxaya araga?
wax waliba qabiil ayaa lagu qeysadaa hadii aad yartahay walaalahaa carada kadaa,
sxb galgalo wey iga kaa xiktaa,
waana ragii dhoor qarni lasoo dagaalayay
hawiye marka maanta adigoo hoostayda kujira inaad aflagaada latimaad waa qalad,
ilaahow laangaab hanaga dhigin,kkkk
Waxaa nasiib daro ah in reer maxamuud o dh dadki uso halgamay qaranka somaliya oo calanka baluuga ah keenay in manta xaqooda galgale lasiiyo midakale reer maxamuud wa nimanki kismaayo magaca harti ku hayay o kur ugu qaday wayo caydiid intu layabay wiilasha reer maxamuud sugay wateen bu xata lacag ku bixiye in la so qabto marka wa nimanka darood iyo xoriyadi somaliya ka dhexmuuqday walalayaal iska dulqaata waxad tihin halyeeyadi somaliyed ku mj
waxaa leeyahay walalahaya Mahamud ibrahim reer mohamud adkaysta waqtigina wuu iman anaga hadan nahay wabeeneye xaqdaradi idinku dhacday mid la mida nagu dhacday galgale oo cariish ku lahayn puntland in uu kursi helo anago 3 gobol ee bari daga degmada qowna qaas u leh iyo bursalah majerteen intisa kalana la siman dhalyo ahaan in kursigeni la boobo waa nasiib daro aad u xun insha allah xaqa wuu dahiri doono
wiilka labaxay qardho boy waxaad tahay jaahil indho xiran oo aan caalamkaba lasocon .ma ogtahay somali Alle wuxuu u duleeyay in ay tahay xaqdaro iyo dulmi ay ku hayaan dadka dhexdooda taana caro alle ay mutaysatay .
midakale waa in aad lasocotaa waxa kasocda caalamka tadawurkiisa obaama ayaa mareykan madaxweyne ka ah oo nin madowa adiguna maxamuud saleebaan baad leedahay baa wax walbaa ku xaqleh taasi waa booli caro alle darteeda kuu sababi kareysa bari in aad gumowdo oo waliba heer aad gaadho in lagu yiraahdo waa inan gumeed kii aan naagahooda lagayin . intaysan kuugu dhicin doqono umada walaaladaya ah hanagu soo jeedin oo booli hana cunsiin oo hanabadin gunimo iyo caro alle . reer maxamud iyo intii kale ee xaqooda ladudsiiyay waa in ay ka dhiidhiyaan .
Ooo majerteen se u qatay 12 xubin halka marexaan u helay 14 xubin wa suale marexaan oo yar su intaas kuhelay majertena 12 uhelay bal igaga jawaba.
REER MAXAUD XAQ BAY U LEEYIHIIN KURSI BAARLAMAANKA SOMALIA,BALSE SOMALIAYA OO KA BADAN 10 MALYAN BAA KURAASTA BAARLAMAANKA LAGA DHIGAY 275 KURSI,MAJEERTEEN OO GAARA ILAA 2 MILYAN AH BAA LA SIIYEY 12 KURSI IYADANA WAA XAQ DARO KALE SOW MAAHA,MARKII NIN IYO CODKIISA LA GAARO OO QABYAALADA LA WAAYO BAA LAGA BIXI DOONA. NIDAAMKA BEELAHA MA SHAQAYN KARO WAAYO MEEL AAN 10 KUN OO QOF DHAMEYN BAA KURSI HELEYSA,MIDKALOO 100 KUN AH BAA KURSI WAAYEYSA.
Mohamoud saleebaan wax yar ayaa oo haray sidee habar Gidar qadka aka baxday ayaa aykan aka bixi doonaa, wax lagaaray waqtikii, Cali saleebaan,Ismaciil Saleeban iyo Ugaar saleebaan aay badali lahaayaan. waxii ka dhacay Libya iyo Masra ayaa ku dhici doona Mohamoud saleebaan. anagaa boontootii noo sii nayaa Gursi. reer maxamud waa dhalta xaq ayaa u laayihiin in la siiyo kursi
Anigu waxaan la yaabay Nuux Maxamuud baa haley Kursi Reer Maxamuud waa waayay, Maxamuud Saleebaan Dulmigii ey Daarood iyo Harti idin ku naceen maantana Mj baa idin ku nacay, ee Arintan wax ka qabta ka hor intaan tolaan idin ku dhicin.
war heedhe afkiina bal xakameeya dhalinyaro oo maxamuud saleebaan haku xadgudbinina. somaalidu waxay ku maahmaahdaa ido indhahood waa riyo marka majeerteen oo dhan wax lalama gaari karo ilaahay baa na lehe wixii la helo maxamuud saleebaan ba kuma filna marka waxaan u soo jeedin walaalahayga meesha wax ku soo qoraya inay ogaadaan in meesha ragg idiin joogo barlamaankuna waa wax inaka dhexeya ee idinku waxaaba idinku filan agaasimyaal iyo madaxa shirkadeed lakin aniga wadankla oo dhan hadii nala siiyo waa naga yaryahay
waa nasiib daro 12kii xubnood oo beesha majeerteen lahaa 7 kamida inay qaataan maxmuud saleebaan oo beelhoose oo majeertan ah caqligaaga bata macruufadayareeya
Runti waa arin folxun. Waxay ku dhaqmayan. Beshan ka dhashay o iimanka la’. War dadka tolka ka xishoda. O tolnimada iyo wada dhalarhada ay dadku xerinayan xeriya.arin gar ah bay ka hadlen besha sharafta badan maxamud ibrahim.illahay iimanka iyo xishodka haku so celiyo rer tolkey.kolay dhogori kumay harin ceebta iyo cad quudhedkana kamay xishodaane ..xata qax umay la’ahan hal. M.p
Kkkkkkkkkkk kkkkkkkk ilaahow maxamuud saleebaan xagee iimaan ugasoo iibiyaa,war xataa lafaha walaalihiina ee qaylinaya hal qof masiin weydeen,inleen ceeb looma dhinto, walaalayaalow dulqaad muujiya,midnimadana quweeya, waxaa iman doonta doorasho aan cidina waxba qaybin oo qof walba codkiisa ridayo,masrkaasaan arkaynaa bal boqor inuu u sad buriyo iyo inkale, wabillaahi towfiiq