Beesha Muuse Saleebaan ee W/Ameerica oo Ka Hortimid Kororsiga Xilka Xukuumada Puntland

October 1, 2012   //   Warar Somaali

Shir balaaran oo ay ku yeesheen waqooyiga Ameerika mid ka mid ah Beelaaha daga Puntland ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo ku saabsan xaalada cakiran ee waayadaan danbe ka taagneeyd deegaanada Puntland. shirkaas oo ay ka soo qeeybgaleen qeybaha kalla duwan ee bulshada ku abtirsata beesha Ugaar-salebaan. shirkaas waxaa ka soo baxay qodobo ay ka mid yahiin.

1- in ay si dagdag ah uga laabato maamulka Puntland dib u habeeynta ay rabaan in ay ku sameeyaan deegaanada iyaga oo fulinaya dano gaar ahaaneed oo faroole leeyahay si uu u helo waqti dheeraada oo uu ku burburiyo bulshada Puntland waxaa nasiib daro ah in maamulka faroole uu rabo in uu xaqiro dagmooyin qadiim ah kuwaas oo kale ah.

Rako.Waaciye,Baargaal,Ufeeyn,taas oo ah arin cadaalo daro ah isla markaasna abuuri karta qalqal siyaasadeed iyo iska horkeen bulsho iyo cadaalo darada loo geeysanayo dadka ku abtirsada Dagmooyinkaas kor ku xusan.

2- waxaa na siib daro in faroole doonayo in uu sameeyo waqti korarsi isaga oo doonaya inuu iska hor keeno beelaha walaalaha ah ee Reer Puntland waxaan kula talineeynaa faroole iyo xukuumadiisa in aysan marna arinkaas ku dhaqaaqin isla markaasna ay xushmeeyaan Dastuurka iyo xeerka Puntland isla markaasna badbaadiyo bulshada reer Puntaland.
3- in dadka reer Puntland isu yimaadaan kana tashadaan aayahooda si loo helo maamul wada jira oo badbaadin kara bulshada Puntaland maadaama ay dhamaaneeyso watiga xukuumada hada jirta.
Waxaan kula talineeynaa Gudiga Doorashooyinka ee faroole gacantiisa ku sameeyay in ay ka fogaadaan iska horkeenka umada Puntland sidii ka dhacday maalin aan sidaa u sii fogeen Dagmada Rako tan iyo intii la sameeyey guddiga doorashooyinka waxaa jiray mudaharaadyo looga soo horjeedo maamulka Puntalnd uu ku doonayo inuu xukunka ku darsado. Sidaa daraadeed waxaan ka soo horjeednaa doorasho kadiba dhacda January 8.
Puntland waxaa dhib iyo sumcad xumo ugu fillan mudadii maamulka haatan jira uu talada la wareegay oo ay dhaceen dilal qorsheeysan oo ka dhacay magaalooyinka waaweeyn oo loo geeysanayay saraakiil sarsare oo ka tirsan Puntland iyo bulshada rayidka ah iyo aqoon yahano Odhaqameedyo iyo dagaalo u dhaxeeya beelaha Puntland dhexdooda. dhamantoodna ma jirto cid danbiyadaas iyo dilalkaas loo soo qabtay oo caddaalada la horgeeyey. Sidaa daraadeed Puntland waxay u baahan tahay isbedel dhab ah oo dalka u horseeda nabad, cadaalad iyo Midnimo, Puntland waxay u baahan tahay hogaamiye ku yimaada rabitaanka shacabka.
Wabilaahi Towfiiq
PN24 masuul kama ahan qoraalka ee waxaa leh masuuliyadeeda beesha iyo afhayeenka magaciisau hoos ku xusan yahay. 
Qoraalkan waxaa na soo gaarsiiyay Cabi casiis Timir Shire Afayeenka Beelaha Muuse Salaabeen
EMAIL: faysalcade2000@hotmail.com

COMMENTS

RSSComments (1)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Wiil Rako says:

    Mnasha allah waa warfiican oo lagu farxo in ay dadka reer Puntland kahoryimadeen xukun xumida Faroole iyo cadaalad darada kataagan gobolka. Markaani waa markii laysku xirmilahaa oo lagatashanlahaa Faroole iyo wiilashiisa meesha ku xidideestay oo moodey in ay dadka kaxoogweeyihiin.

Leave a Reply