Dibnahay cun caneyee dad alow ma sheegaa?!!” {W/Q Axmed Nur Hagi Mire}

January 2, 2012   //   Announcement, Opinion, Warar Somaali

Wixii aan ku soo arkey Dhulkii Udugoonaa

Waxaan jaalliyadaha qurba-joogta ah ee reer Puntland halkaan u soo marinayaa salaan diirran, intooda dhulkii ku sugnaydna bogaadin iyo mahadnaq gaar ah ayaan u leexinayaa sida dhabar adayga ah ee ay ugu sabureen dhibaatooyinka fadhiidka ah ee haystay kuwaasoo ay asal u ahaayeen maamul iyo siyaasad xumada dawladihii ay u dhisteen inay horumar gaarsiiyaan, iyagoo ka duulaya murtidii oranaysay dawlad xumi dawlad la’aan bay dhaantaa.

Anigoo soo joogay degaankaas muddo 18 bilood ah markii horena isla degaankaas ka soo jeeday waxaana halkan ku soo ururin doonaa daldaloolooyin aan ku soo arkay mandaqadaas oo aan is iri lagama aamusi karo waxna kama qaban kartide war qaylada dadka gaarsii calal aqal, yeelkeede waxaan isku dayi doonaa bal in layla eego talooyin aan soo jeedin doono, kuwaas oo aan ahayn biyo kama dhibcaan ee u baahan in layla lafa guro oo laga soo saaro kuwo biyo kama dhibcaan ah.

Dawlada haddaba maanta jirtay, walow ayan mas’uuliyada dhibahaan iyadu wada lahayn, haddana waxay ahayd mid uga sii dartay xaaladaas awalba qalafsanayd oo ay ka mid yihiin abni xumo, horumar la’aan, musuqmaasuq hantida lagu lunsanayo, difaac la’aan goboladii maamul goboleedka qaarkood maqan yihiin qaarkood kalena maalin walba colaado aan dhamaan lagu hayo oo aan sidii la rabay loogu gurmanayn. Intaa iyo ka sii badan oo dhammaan dawlad goboleedkaas looga jeeday inay la timaado wax ka qabadkeeda balse aan laga hayn, ayaa xaaladooda runta ahi ahayd sidan:

Horumar la’aan gobolka ragaadisay, waxaana kaaga filan oo aad kaga boganaysaa ama ka sawiran kartaa, markaad weydo diyaarad toos kuu geysa ama toos kaaga soo qaada Puntland oo dani ku geyeysiiso inaad Hargeysa ama Berbera sii martid adigoo adeegsanaya baabuur ama diyaarado aan waxba dhaamin N3 yadii xamar loogu safri jiray berri samaadyadii gaari-waa dhulkeenaas loo aqoon jiray. Waxay dawladahaasi aynu dhisanay inoo awoodi waayeen, toban iyo afar sano ka dib, inay waddo diyaaradeed (runway) iskaba yar dalka intaas le’eg ka hirgeliyaan wax kaleba ha joogaane si ay innoogu soo degaan diyaaradaha ka soo duula Dubai ama Nairobi.

Wadadii laamiga ahyd iyo dekeddii naftu uga jirtay Puntland labaduba hawlgab bay qarka u saarnaayeen dayactir la’aan awgeed halka maanta ay ahayd in Garacad, Bender Bayla, Xaafuun iyo Laasqoray dekedo iyo laamiyo gaarsiin tooda aynu is weydiin lahayn.

Nasiibdarro dheh! Shirkadaha wakiilada u ah kuwa Xamar ka jira guryahooda dhaadheer yaanay dadku u qaadan wax weyn oo horumar ah oo inoo soo kordhay. Waxa kaaga sii daran kuwa telefoonada dadka u qaybiyay oo sanadkii dadka lacagta ka macaasha 50% isla markaana si ay monopoly ugu haystaan dadka u ogolaan waayay calal aqal inay is wici karaan. Waxaan u jeedaa haddaad qaadatid Nationlink oo ah midda maanta ugu service ka fiican kuuma suurtoobi karto inaad wacdo Golis ama Olympic iwm.

Amni-darradu waa halka qura ee karka iga keenay, waxay ehelkii aaynu wada ogayn wada noolaanshahooda iyo isjeceylkoodu maanta marayeen in aqoonyahankii, culimadii, indheergaradkii, ganacsatadii, inta indhaha loo soo xirto maalin walba mid ka mid masaajidada ama suuqyada ganacsiga hortooda la dhigo, ogoobeyna, ogoobeyna inta badan dibad laynoo kama yimaado. Waxaan filayaa taas meel ka dambaysa oo dadku sii dhursugaan ma jirto balse waa mar ku habboon qaylo-dhaan iyo wixii dhiig lehow kaca. Waxa intaas dheer colaadihii beelaha oo sii daba dheeraanayay oo hadda qaarkood soconayeen dhowr sano. Ma waxayu sugnaa, halka caasimadii qaranka oo labaatan sano ka dib shacabkeedii maanta garteen inay dani ugu jirto dawladnimo iyo qofkee meel wacan idiin hoggaamin kara laftuu doonaba ha ka dhasheene inay Puntland hadda ku baraarugto asaasid colaado qabiil iyo af duubasho hor leh. Ceebey tacaal! Bal aan idin weydiiyee shidaalada iyo macdanha loo tafo-xaydanayo yaa loo soo saarayaa, sow abni-daradaas aan soo sheegnay sii huri maaha colaadaha jira haddaan laysla garan qodob qodob arrin kasta oo khusaysa, iyadoo aanba laga soo horjeedin in khayraadka dalka la soo saaro haddana waa in laga digtoonaadaa haadaanta halista ah ee hoos taal. Aqoonyahanada wax ka qora dagaalada sokeeye waxay inta badan isku raacsan yihiin, una iilaan, waddan aan abni sugan lahayn iyo khayraadkiisa xiriirka ka dhexeeya, bal u fiirso Kongo, Angola, liberia, siera leone IWM. Dagaalsokeeyahaas waxay ugu yeeraan “lootseeking civil war”.

Af-salax-ku-dheg waxay xaaladdu ka taagnayd SAXAAFADDII Puntland oo ay u kalliftay inay ganacsigooda dhawrtaan markii lagu ilhaaneeyay, lagu xirxiray shaqadii ay bulshada u hayeen iyagoo lagu eedaynayo “qaran dumis ayaa tihiin” aan wax ka jira la arag.

Maamul xumadaas dawlad goboleedka Puntland ka jirtay waxaa bud-dhigayaal ka ahaa ragga aynu ugu yeerno xildhibaanada oo runtii ahaa kuwo iyagu xilka dhibaya ee aan ahayn kuwo xilku uu haba yaraatee wax dhib ah ku hayo. Raggaas iyo dhowrka gabdhood ee weheliya hal maalin war reerka sida ha laga daayo lagama maqal intaan joogay. Ciidamada dhawrka nooc ah ee wadooyinka qabsaday magacyada kala duwanna loogu yeeray mid wax laga weydiiyay ma jirin, dareenna kuma ayan hayn danaha loo keenay ciidankaas iyo waxa ay yihiin toona; ma ahayn kuwo beelihii laga soo doortay ku wareega ee nabdeeya dhexdooda, balse waxay ahaayeen kuwo makhaayadaha Garowe kaftan la fadhiya mushaharka sanadlaha u kordhana ku cuna meesha. Badanaa haddaad CV gooda fiiriso wax dugsi sare ka baxay waaba ku yar yihiin xildhibaanada Puntland ee maanta jira

Waxaa soo raaca cadaalad xumida meesha ka jiray, maxkamadii sare ee aan ka filaynay inay golayaasha sare ee dawladda kala gurto, kala ilaaliso qaabka ay maamulka ku wadaagayaan iyo inay garsoorka guud ee gobolka qaab u bixiso, ayaa maanta, Yusuf Xaaji Nuur ka dib, meel ay jaan iyo cirib dhigtay la garanayn. Waxaan soo arkay raggii aqoonta u lahaa sharuucda ee la wada yaqaanay oo derbiyada taagan maamulkii maxkamada sare na ay joogaan rag la iigu sheegay inay mu’adamiin ka ahaan jireen masaajidada Garowe. Waxaa laga yaabaa dad inay ka mashiiqsadaan hadalkaygan waxanse ku leeyahay ila soo arag oo maxkamaddii sare ee dawlad goboleedka Puntland yaan lagaaga sheekayn.

Garsoorkii guud ee umadda ayay taasi geyaysiisay inay noqdaan maxkamadihii meelo lagu gorgortamo oo laaluush wax lagu kala iibsado, dadkana layskaga hor keeno, haddaad i rumaysanaysona iska hor imaatinno badan oo jaraa’idyada laynoogu soo qoro waxaa ka danbeeyo cadaalad xumo aan anigu qaar badan wax ka soo arkay idiinna soo bandhigi doono iyadoo faahfaahsan. Iska hor imaadyadaasi waxay inta badan isu rogaan kuwo qoysas ama xattaa qabiilooyin iska horkeena, oo ku danbaya gacan ka hadal.

(Anigoo waaya-aragnimaydii aan ka soo helay maxkamadaha Puntland ka duulaya dhowaan waxaan abuuri doonaa WEBSITE ka turjumi doona caddaalad xumada guud ahaan Somaliya gaar ahaan Puntland ee la soco wixii talo iyo tusaale ahna igu soo biiri fadlan)

Waxaad qarsataa waa ku qaribtaaye, haddii laynoo ku sheekeen jiray ciidamada daraawiishta, kuwa birmadka, kuwo dhabarjebinta, wax ka jiraa ma jiraan. Madaxweynayaashan wiilashooda wata ee aynu beryahan danbe dooranaynaa waxay inoo keeneen in mid la arkaa ka cararo ciidamii dhisnaa eee madaxweynihii hore ka tagay bilaabona inuu qorto kuwo isaga u daacad ah oo badanaa beeshiisa u badan iyagoo kuwii horena xeryahooda joogaan balse aan waxba loo dirsan. Taasi waxay kalliftay in la waayo ciidamo hal qiyaadad leh oo si degdeg ah meel lagu jiheeyn karo taasoo isla markaa noqotay sababaha keenay in magaalooyin waaweynaa oo Puntland ah qaarkood maqan yihiin kuwo kalena loo soo dhutinayo.

Ciidamo ku sheeggii dhisnaa haddaan aragtidayda soo koobo wax tarkooda waxaa ka badnaa dhibta ay shacabka ku hayeen iyagoo kolba xabbad wadda-banaysi loogu yeeray dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku gumaadaya. Marka laba beelood isku fara baxsadaan oo ay dhibta ka mid noqdaan iyagoo beelaha kala raacaya, akhlaaq xumada iyo qori jiqiil ka gelintu shacabku waa u caadi; ogowna hadal laguma ceshee naftaada halis ha gelin haddiiba allla kuu diro dhulkii waayahaan dambe.

Booliisku in kastuu ka roonaa daraawiishta ruuxadoodu tayayn iyo wax ka qabad bay u baahnaayeen.

Shacabka niyad jabkooda guud waxa kuu sawiraya afkiibaa juuqba gabay oo waxaba laga caajisay dawlad iyo waxa khuseeyaba in laga hadlo iyo ku dhaqaaqidda inay dhaqankoodii hore ku noqdaan oo ku ilaashadaan danahooda intii awoodi u saamaxdo.

Saacado badan bay innagu qaadanaysaa haddaynu wadno qorista cilladaha jiray dhulkii marka waxaa ila habboonaatay inaan soo koobo oo ku gabagabayo bal sida xalku ku imaan karo aniga aragtidayda, ismana lihi hebel la doortay ama laba ha wato ama toban uu dhalay ha watee ayaa cillad bixin karay qalloocan allifkiiba ka soo bilowday baraha maantuna uga sii daray.

Xalku wuxuu ku imaan karaa baan is leeyahay, qabla kulli shii in dib beelihii ku bahoobay Puntland isugu yimaadaan shirweyne, ka hor intaan doorashada soo socota la gaarin. Dib loo lafa-guro halka wax ka khaldameen loona soo wada jeesto sidii wajahad loogu samayn lahaa maamulka gobolka iyadoo laga bilaabayo xubno u qalma ilaalinta masiirka dadka oo beel walbii soo dirsato iyadoo laysku ogyahay marka Baarlamaanka laga hadlayo

Haddii baarlamaanka ay soo galaan dad fahmi kara mas’uuliyadooda waxay u noqon doonaan aas-aas culus maamul wanaagsan oo meeshaa ka hirgala. Waxaan jeclaan lahaa weliba, wacyi ahaan kama aynaan korine, in golayaasha lagu soo daro aqal sare oo ka kooban isimada beelahaas inta laysku raaco ee soo jireenka ahaa. Golahaas oo noqon kara ama noqon doona halka u dambaysa ee loo noqdo haddii khilaaf yimaado sharciyada aqalka hoose ama dawladu soo jeedisana saxiixa u danbaya isagu lahaada aqalkaasi isagoo wax ka eegaya danta guud ee isku haynta beelaha walaalaha ah ee wax isku darsaday ee aan laacdan siyaasadeed iyo danaysiga golayaasha kale dheg jalaq u siin.

Waxaa ku xigaya dhisidda xubnaha maxkamada sare oo soo bandhigidooda ay igula fiicnaan lahayd in loo daayo ururka garsoorayaasha gobolka (hadduu jiro haddaanu jirine dhaqso loo asaaso) markeeda horeba oo markay dawlada isku afgartaan la horgeeyo aqalka hoose ee baarlamaanka dabeedna kan sare qalinka ku duugo, maxaa yeelay haddaan garsoor laysku raacsan yahay oo adag uusan jirin, mid caddaalad iyo aqoon ku shaqaynaya uusan noqon waxaa imaanaya in qof walbii sharciga gacantiisa ku qabsado, shacabka marka laga hadlayo, dawladduna sharci iyo sharci darroba hawlaheeda iyadu iska fushato, taasi oo hurin karta kala gurasho iyo fadqalalooyin qoto dheeraada oo aan harin.

Ciidanka daraawiishtu xaqiiqadii wuxuu u baahnaa in unkid hor leh laga soo bilaabo, intaas u dhaafi maayo.

Ciidanka booliiska si loo tayayo iyagana sidoo kale waa in la helo saraakiishii booliiska ee ruug caddaaga ahaa si tartartiib tartiib ahna ciidanka loogu tababaro rag aqoonta hoose dhamayay sida iskuulada sare si ay noqdaa kuwo denbi baarista meel fog ka gaari kara, sharciyada iyo xuquuqda shacabka na yaqaana ama la bari karo, maskax furan dadkana la shaqayn kara.

Gabagabadii maamulka kan ku xigi doonaa, qiimo kasta ha ku kacdee, waa inuu noqdaa mid qorshe iyo sharci ku shaqaynaya beeshana gaarsiin karaya heer doorashooyin xor ah lagu qabto, lagagana baxo inay meeshu noqoto “inta kale ma rootibaa!” ee ninkii wax is bidayaba isi soo sharixi karo shacabkuna qof iyo cod ku kala doortaan. Kaftan dhable ba hayga ahaatee waxaan intaa ku dari lahaa bal maanta tolow yaan jiirooniga halkii hore laga soo bilaabine, ……….halkoo mar kor ha looga kaco! Inta doorashadaa xorta ah laga gaarayo.

Haddii intaas kor aan ku soo sheegay la helo waxa dhici karta door ka dib ama labo in Puntland lagu soo biiriyo mandaqado hor leh oo awalkii horeba, ra’yigayga, khalad looga tagay.

Isku duuduuboo yaan gaf loo arag qoraalkayga ee dood saliima ha loonoo furo aynuna meel dan guud ku jirto isugu nimaadno.

WA SALAAMA CALAYKUM

 Qore: Ahmednur Abdi Hagi mire

COMMENTS

RSSComments (14)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. walaal horta aan isu kaa sheegee waa cabdiraxmaan axmed xaaji waana ku salaamayaa axmed nuurow walaal marka hore ayaa isugu keen damaysay intaas ka dib wax fiican ayaad sheegtay laakiin waa hadii wax lagu qaadanayo

  2. puntland says:

    horta waa in dawlada puntland wax ka qabataa diyaradahan aan toos uga degeyn puntland eetaransitka ku noqonaya meelo aan dan u aheeyn dadka u socda puntland aad ayaan u soo dhoweeyn qoraaga fikradihia kuwaan mucaaradaya qaar ba ka xun sida uu u soo diyaarshey qoraagu oo ah cadoow aan puntland u dhalan ee ka xun fikradaa noocan oo kale si aanay saxaafada puntland ugu faa iidayn shacabkeeda iyo madaxdeeda

    aad baan u soo dhoweeyn fikrada nocaan ee danta dalka iyo dadka looga hadlayo waana ku mahadsanyiin pn 24 iyo qoraaguba guul iyo horumar puntland cadoowguna ha jabo

  3. Wiilkii-Raaska` says:

    Haa xalku wuxuu ku jiraa xisbiyo madaxbanaan. Haa xalku wuxuu ku jiraa doorasho madaxbanaan. Haa xalku wuxuu ku jiraa mudanayaal aqoon leh oo madaxbanaan. Haa xalku wuxuu ku jiraa masuuliyad madaxbanaan. Marna ma isweydiiney, yey ka madaxbanaan yihiin ???.

  4. Nirvana says:

    Haa, Xubnaha Barlamaanka halugu xiro shuruuda ah sida in Qabiil walba xildhibaanada kasoo galeya ay noqdaan ugu yaraan 35% jaamici iyo 50% dugsi sare dhameeyay.

    Sidoo kale shaqaalaha dowlada, dadkii cilmiga u lahaa ayaa dal iyo dibadba diyaar u ah odey amd dhalin jaahil ah hadduusan hawl qaban karin, Sida qoraagu uu ku sheegay “xildhibaanada oo runtii ahaa kuwo iyagu xilka dhibaya ee aan ahayn kuwo xilku uu haba yaraatee wax dhib ah ku hayo”

    Hana la dhiso hay’ád “Xisaabi Xil ma leh” oo u hirgasha ilaalinta shaqada karaaniyada, xildhibaanada iyo shaqaalaha kale ee dowlada.

  5. Garaad Ciise says:

    Mahadsanid, Aqoonyahan Ahmednur.

    Waa warbixintii loo baahnaa, Doorashada soo socota ee lagu dooranayo Golaha Wakiilada yaan xildhibaan loo dooran Qof aan laheyn Aqoon Jaamacadeyd ma Khibrad aad u dheyr.

    Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradahana maxaa ka fiican haddey fikradaha uu walaalkeyn usoo jeediyay ay hir galiyaan.

  6. Dahir says:

    Asc, Jibriil wuxu yiri haddii Cadde xilligan joogi lahaa arrinku sida waa sii xumaan lahaa. Waxay aniga ila tahay in Cadde ka culays badnaa Cabdiraxman waayo, Cadde wuxuu daboolay baahidii dhaqaale ee dawladdii TFGda ee Cabdullaahi madaxda ka ahaa, arrinkaasina culays cid waliba garaneyso ayuu P/land ku ahaa. Wuxuu Cadde waliba ku sii daray wax-qabadyo kale iyo ilo dhaqaale xagga P/land cidina ma inkiri karto. Haddaba, runtu waa in Faroole helay fursad aan madaxdii isaga ka horraysay helin. Ma jiro madax-weyne soo maray Somaliya ama P/land oo magaaladii uu ku dhashay uun culayska saaray aan ka ahayn Faroole… sow ma aha dhaqanka la yiraahdo ”Penny wise, Pound foolish”.
    Waxa maamulkan Faroole laga sheegayaa waa uun walaalkaa u hiili haddii laga gardaran yahay iyo haddii uu gardaranyahay… waa madax-weynahayagii iyo maamulkayagii, cabashada dadka waa in la tix-geliyaa, weliba waa in orod iyo dhaqso lagu xalliyaa meesha qaylo ka yeerto.. Madax-weyne faroole iyo taageerayaashiisa waxaan kula talin lahaa P/land in aanay gacantooda ku burburin.
    Asc.

  7. maxamed says:

    xalku wuxuu ku jiraa in axsaab iyo doorasho xor ah la helo,maamulkuna wuxuu bilaabay in uu hawshaas hergeliyo si hadba suuragal ah
    iyadoo loo baraayo waxaa hortaagan kuwa aanu
    wadanaqaan oo doonayaa in ay wax boobaan horaa loo jiri tuug dhergay ayaa dhaama mid gaajeysan hadaan wax isbedelin waxaanu dooraynaa faroole waayo hadduu ka jeesto garowe magaalooyinka kale ayuu waxka qabandonaa insha allaah.

  8. ma xuam qoraaga qiimayntiisa waxna waa kajiraan kala waxa uu sheegay yaase wax khaldan ee hada jira keenay ma faroolee macade ma c/llaahi

    xaqiiqdu waxay tahay in uusan faroole keenin ee aya soo jirtay ilaa dhismihii puntland maamul walba oo soo mara puntalnd uu dhibkaas haystay waxna ka qaban

    taa badalkeedana waxaa la orankaraa faroole waa ka dhaqaaq fiican yahay labadii nin ee ka horeeyay laakin waxaa qabsaday xili xun oo uu kusoo aaday waxaana la orankaraa waa madaxweyne raba in uu wax saxo oo haykal dawladnimo layimid lakiin xili adag hogaaminaya puntaland waxaan qabaa hadii cade xiligisii ay ku beegnan lahyd dhibka hada kajira puntaland in uu faraha kabixi lahyd puntland waxna uusan ka qabteen

  9. haji says:

    S/c qoraal kaan rutii waa mid loo baahnaa noociise qoraaguna waa mahadsan yahay. waxaase loo baahan yahay sida qoraaguba sheegey in wixii wanaaga lagala boxo wixii kale na aan xumaan loo arag . waxaan se anigu jawaab uraadinayaa. soo aalahaan.
    mudane madaxwayne faroole ma wasiirka arimaha diba iyo hor,umarinta garoowaa mise waa madax waynihii dowlad goboleedka puntlnd????? boosaso waa magaladii hooyada u ahayd somali oo dhan xiligii burbur kii ilaa hadeer maxay galabsatey????? waxaan raadinayaa so,aalahaas jawaab tooda cidii inta fahanta jwaab uqalanta su,aalahaas waan soo dhaweyn lahaa mahadsanidiin.

  10. Ahmed says:

    Waxan jeclaan lahaa in MAAMULYAQAAN-Sweden noo sheegsheego waxqabadka faraha badan oo uu yiri waa jiraa,sababtoo ah ninka maqaalka qoray waa inoo sheegay waxa qaldan.

  11. Dahir. says:

    Asc dhammaantiin…. Carruurta marka loo xiirayo si xanafta sikiinta loo illowsiiyo waxa laysugu daraa xiiris iyo afuuf wada socda ilaa hawshu ka dhammaato. Waxa la yiraahdaa ‘Xiir-qaboojis’. Waxay aniga ila tahay dhaliili inay ka jirto xagga maamulka hadda iyo ka horba,laakiin qoraagu waxa uu ka sheegayaa ay tahay yarehe buun-buunis iyo inaan meesha wanaag ka jirin. Asc.

  12. Suldaan says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkk waxaa ilowdey hadaladii puntland shalay iyo maanta ku soo dar ilaa waa isla intii waxa aad soo qortey waa wax ay fahmeyan reer puntland kkkkkkkkkkkkkk hadii ay noqotey arin dadku ku bararugeena ma iska wadaan bahasha tani dadka ka dhexsocon meysee wax kale ku badala

  13. maxamed says:

    asc waxaanu iskuwada raacsanahay in wax badan qaldanyihiin waxaa muran badan ka jiraa
    xagee wax ka bilawnaa? waxaa hubaal in si qaldan maamulka loo aas aasay hay’adaha dawladuna ayan wax horumar ah sameyn,yaa dhiha karaa wasaarada heblaa waxaas qabatay miisaaniyadba looguma talagelin waa system madax ka nool ah odayaasha oon khibrad maamul lahayn ayaa la dhegeystaa cidii isku dayda in ay hadsho waa mucaarid qolo walbaana odagooda ayaa faaniyaan kan kalena
    waa xun yahay sacabku maalin walba waa meyshay ka shidan tahay inta kale waa daawadeyaal,in badan xalka waxay u aragtaa in dawlad soomaaliyeed inta laga helaayo in aan wax la bedelikarin laakiin su’aashu waa markaas ma cirkaa wax ka soo degeyaan.

  14. MAAMULYAQAAN. says:

    Waad ku mahadsan tahay qoraalkaaga. Waxaan moogahay PUNTLAND 2 bilood iyo bar. Inta aad sheegtay waxna waa ka jiraan waxna kuma qanacsani sida aa u dhigtay marka hor ilaahay loo hadlo.
    Walaal dhaliilaha faraha badan ee aad sheegtay waxay u baahan yihiin ku noqosho(waa sida aan qabo)maxaadse uga hadli weydey waxii horumar ah ee ummaddu isla qirsan tahay dadka oo dhanna uwada muuqda!!.

    Waxaad aad iyo aad ugu tiiq-tiiqsatay dhaliilo haddii wanaaga jira la bar-bar dhigo ay shiiqayso dhaliishaasi, waxaane u qaadanayaa in aad ula jeedid wax sixid, iyo toosin.

    Haddii qof mucaarad ahi mucaaradnimadiisa wanaag u adeegsado wax badan ma khaldamaan, ibtilo waxay ka dhacday in aanu naqaan mucaaradnimo aynu la aadno meeshii aan ku haboonayn!!!

    waxaan ku faraxsanahay in qadiyadda PUNTLAND ina wada khusayso ilaalinteedu-ee barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen!!!!

    HANOLAATO PUNTLAND
    CADOWGEEDUHA JABO!!!

    maamulyaqaan-SWEDEN

Leave a Reply