Bille Qaboowsade Xagee ku dambeeyay? [Warbixin]
May 5, 2012 // Warar SomaaliWaxa ay aheyd Tuesday, April 17th, 2012 , markii Ciidamadda Puntland
xabsiga dhigeen siyaasi Bille Maxamuud Qaboowsade, oo sida laga
warhayo aan illa iyo hadda si rasmi ah shaaca looga qaadin sababtii
loo xiray, iyadda oo Taliyaha Xiray oo ah sarkaal ka tirsan Laanta
socdaalka Puntland uu sheegay in amarka lagu xiray Bille uusan
garneyn.
Qaboowsade ayaa ka soo jeeda Beesha Ismaaciil Saleebaan Waxana uu horey uu u soo noqday Wasiir ka tirsan Xukuumaddii AUN Col. Cabdullaahi Yusuf ee Puntland, Sidoo kale waxa uLa taliye u aha Maxamuud Muuse Xirsi (Gen.Cadde).
Bille ayaa horey waxa uu kaalin wanaagsan uga soo qaatay horey
difaacii goboladda Jubooyinka xilligii Barre Hiiraale uu haysta, Bille
ayaa ah sidoo kale nin dhalinyaro ah oo in badan ku soo jiray
Saxaafadda Puntland kaas oo soo saaray dhalinyaro badan oo maantay
warbaahinta ka shaqeysa.
Xariga Bille waxa uu noqday mid dadka reer Bosaso maalin walba ay aad
u hadal hayaan, hasse yeeshe waxaa aad loola yaabay markii aan maqlay
in xarigiisa ay aad u taageereen Beesha uu ka dhashay gaar ahaan rag
ka tirsan Puntland.
Bille waxa sidoo kale uu aad uga dhex muuqday difaacii sharafta
shacabka gobolka Bari, gaar ahaan isaga oo shirweyne ay isugu
yimaadeen waxgaradka Gobolka Bari ka sheegay in la waayey dhammaan
adeegyadii muhiimka u ahaa shacabka gobolkan.
17. December 2011 Bille waxa uu ka mid ahaa dadkii sida weyn uga
hadlay mashaariicdii Faroole uu ka horistaagay gobolka Barri sida
Balaarinta Dekedda Bosaso, Dhismaha Xarumaha Isgaarsiinta iyo weliba
deeqihii waxbarshadda turkiga iyo dalalka kale ee loo leelixiyey
Garowe.
Dadka Reer Bariga ah maxaa ka khaldan
Dadka reer bariga ah ayaa ah kuwa intooda badan aan ka hadli Karin
waxa jira laakiin jecel in ay been isku sheegaan, Bosaso oo ay iigu
dambeysay mudo dhowr sanno ah imaatinkeygii waxa uu I tusay muuqaal ka
duwan tii aan u haystay.
Markii aan xasuustay sida beesha Bille Qaboowsade iyo beelaha kale uga
aamuseen xarigiisa ayaa waxaa soo xasuustay gabay hadda ka hor uu
tiriyey Madaxweyne Faroole kaas oo ahaa:
Hadday dadku baaba’aan
Haddeer Bari iyo Sanaag
Hadhow bogox iyo Nugaal
Beelaha bari naga xigiyo
Kuwaa Raas Casayr u badan
Qandaliyo Baargaal ku nool
Baylana ageheeda yaal
Hadday basanbaas noqdaan
Badaha qaarkood galaan
Barkood buuraha koraan
Abaaro hadday bataan
Haddii gaajo loo baa’ba’oo
Harraad loo wada bakhtiyo
Maxaa iga galay Puntland
Sidee magacay u ba’ay
Amiirkii beesha iyo
Anigu sow boqor ma noqon
Bahdaydu tujaar ma noqon
Maxaa iga galay Puntland
Xagguu magacay ku ba’ay?
Gabagaas ayaa ahaa mid ka turjumaya sida Faroole ula dhaqmayo Beelaha
degan gobolka Bari, kuwaas oo qaarkood buuraha ku gubay,kuwa kale
dalka ka carareen, iyadda oo hadda kuwa jooga mid jaban iyo mid jiisa
laga dhigay.
Oday Waayeel ah oo aan kula kulmay Bosaso ayaa ii sheegay , in Bosaso
dadka xabsiyadda ka buuxa ay yihiin reer bariga qabiiladda yar
yar,reer koonfureed iyo Oromo kuwaas oo qaarkood habeenkii waxa la
doono lagu fushado.
MAXAA TALO AH
Hadii Bille la xiray, waxaa ku xiga oo la xirayaa waa
Boqorka,Islaanka,beeldaajaha iyo weliba ganacsatadda waa weyn ee dalka
sharafta ku leh, kuwaas oo intii la xiro iyaggana laga aamusi doono
isla markaana aysan iman doonin in mar dambe laga hadlo xariga iyo
dhibtaadda dadka soo gaareysa.
Ragga Bille Qaboowsade xarigiisa gacanta ku lahaa waxaa ka mid ah nin
magaciisa leygu sheegay Gentleman oo ay ilma adeer yihiin, wasiir ku
xigeena ahaa,iyo weliba oday suldaanka beeshooda ah oo labadaba lacago
ka qaatay Faroole.
YAA KA TALIYA PUNTLAND (QUDAY IYO UDAY)
Puntland waxaa taladda ka go’daa caruurta Faroole sida wiilashiisa
Maxamed C/raxman iyo Khadar C/raxman kuwaas oo noqday Quday Saddam
Xuseen iyo Uday Sadam Xuseen, hasse yeeshe Odayga iyo Caruurta ma ka
fekereen in meeshu tahay Soomaaliya oo cidna cid xoog ku haysan Karin?
Jawaabta ayaa ah MAYA, Caruurta waxa ay wataan dhalsho Australia ah
hadii ay socto arimaha ay ku jiraan waxaa iman doonto in dalkii ay ka
yimaadeen lagu dacweeyo, oo sidaas ay ceeb uga timaado.
International Affairs, National Security (CID), African Oil, Saraceen
International, Saraceen Mineral Company , PMPF, Puntland marine
forces, Pathfinders, Political aspects, Military operations,
Faroole,Khadar,Faroole,Mohamed, are all in their hands.
Ugu dambeyntiina waxaa talo ku soo jeedinayaa in Siyaasi/Aqoonyahan
Bille oo xabsiga weyn ee Bosaso lagu xiray isaga oo aan maxkamadda la
keenin si deg deg ah xoriyadiisa loo siiyo isla markaana mag dhow laga
bixiyo wixii soo gaaray, iyadda oo aanu ka warhayno in dhaawac uu ka
soo gaaray Isha Bidix ka dib markii Askartii soo qabneysay ay ku
dhufteen.
Omar Yusuf
omardoxa@gmail.com
Galkacyo,Somaliya



Qormadan waxaa ka buuxa kicin dadweyne iyo arimo aan habooneyn, runtii qof walba oo Muwaadin ah waxa uu lee yahay xurmad, balse waa in la helaa cid labada dhinac ee is-heysta ka dhex-dhexaad ah, anigu waxey ila tahay in arintaan aan la buun-buunin, ee la sugo bal meesha ey ku danbeyso dacwada Kiiskan. Waxaan qabaa hadii qofku khatar gasho amaanka amase ka qeyb-qaato kicin dadweyne waa in la xiraa iyadoo loo tiigsanayo qodobada Amniga.
bila qabawsade ma sharcigu ka weyn yahey hadi la xiro mideda kale bosaso waxa lagu xir xira rer bariga yar yar iyo oromada ma wax saxafad lagu so qora qofka alkooliga ah oo cabsan hada waxa mel kuma so qoreen wana la xiraya wixi guxooda ka deraya ama bila qabowsade ha ahado ama cidkale ee daya cadifada iyo qabyalada sida xaaqa ureysa okale idiin ku xumatey
Cirkaa belo u dhufsatay ileen meel joog baa laga waaye-
Xerada bahal kaala bax baa loogu duceeyey!!!
NIMAAN TALIN JIRIN HADUU TALIYO NIMAAN TEGI JIRIN BAA TAGA.
WAXAAN IDIN LEEYAHEY ( BILE QABOWSADE ) WAXAA XIREY SIDAAD SHEEGTEEN FAROOLE IYO DABO DHILIFYO IDAGA JAWAASIIS U AH OO AY BILE ISKU HEYB YIHIIN.
XAQIIQDA WAXEY TAHEY SIYAASADA IMINKA KA SOCOTA PUNLAND WAA SIYAASADII FIRCOON OO AH IN DADKA LA DACIIFSADO, LAAKIIN INTEE AYEY SOCONEYSAA SIYAASADUL FIRCOON?
DADKII KA XOOG WAAWEYNAA FAROOLE SIDA, QADAAFI XUSNI MUBAARAK ,SEYN CAABIDEYN BIN ALI AAWEY KUWAAS WEYKA XOOG BADNAAYEEN , KA DHAQAALO BADNAAYEEN, KA AQOON ROONAAYEEN.
AF WALIINJO IYO AARAN JAAN WAXBA MAAHA DHOWAAN WAXAAN LEEYAHEY WAXAA U HAREY BILO MA GAARAAYAAN SANAD.
GAROOWE ISKUMA DIFAACI KARAAN DADAKA JEELASHA KU XIRAN WAA LAGA SII DEYN DOONAA WAXAA LAGU BEDALAYAA KUWO IYAGA AH MOORIYAANKA SACIID DHEERE MADAXIISA WAXAA LA SURI DOONAA WADA GOROOWE,
kkk puntlandnews24 haday waxa fahantay so dhowada. maxa idnku dhacay wata bunbun jirten faroole iyo caruurtisi oo dadka coments ka masax jirten qofkii wax ka sheega. anigu hada puntlandnews amanimayo wayo waxa badan baya iga masaxeen comments. sas darted hada waxn uga guureya, raxanreeb iyo galgalanews runtii webkan puntlandnews24 wuxu qor comments dad gaar leeyiihin maha web dhexedhexda ah wayo anigu waxan markasta waxa ka qori jirya dhibka iyo siyassadda xumada kooxda faroole horjoog dalka iyo dadka ku hayan.lakin nasibdaro puntlandnews24 waxay aad iyo aad u taageer jirta farooletema dhanka msaxad comments. almuhima haday hada waxa fahamen wan so dhwayanaya so dhowadaa walalyal. taageershii hore farooleteam oo so biiray noqda
Puntlandnews24.com waa dad aad iyo aad saxaafada ugu xeel dheer waxaad taas markhaati u ah fikirka dadka siday u gudbiyaan marka adeeroow haddii aadan ku qanacsanayn booqo websityada kale . Ogoow wadamadaan aan ku noolnahay waaqtigu iyo waanadu waa lacag wax free ah ma jiraan marka adeeroow intaas allaha kugu anfaco.
Waa imaanayaa xalku wax iska ahaada ma jiraan.
“Dahir”
Puntlandnews 24 waxaa weye dad ka dhawrsoon xumaanta, munaafaqnimada iyo isku dirta umada ehelkaa ee puntland waxana laaga weydin maayo adiga iyo waxa kula halmaala.
Ama gafuurka soo duubo ama dabada soo duubo ee dilaayo waxaa ku sugaya TIIRKA TOOGA’SHADA ee Puntland,
you better understand simple fact!
war heedhe ismaaciil saleebaan waa layaqaanaa waa qabiilada ugu badan puntland ayay ka mid yihiin waana dad sharaf leh sxb puntlandnws24 ka saar warkaan ninkaan bile hada wax matarin idinkuye qabiilkiisaad afla gaadayseen ee ka saara warkaan mida kale ismaaciil saleebaan miskiin baa tahaye uguma awood yara ee waa dad nabada jecel soo baar sxbow qof kii suaal ka qabana haysoo jawaabo warkaan
@axmed marka aad caytameso oo ciise maxmud afka ku taagayso waxaa ficanan lahaa inaad meesha aad ka soojeda sheganlahayd markaas ayaad jawab fiican naga helilahayd lakiin hada waxaad lamitahay tumaalkii badarka shiitay oo xabadii u damaysay ka tagay boring
@puntland defens inader waa runtaa sifican baad uhadashay puntland nina kaama xigo ismacil saleeban cidana macayikarto
Anaga ARI BOOWE ayaa ku jirnaa keliya AALA TAHAY marka BILLE Geesigeena ayuu ahaa hadii isaga la xiray waa in aanu amusnaa ama oo afka iska qabsanaa
OUT ayaa la dhahaa odayaasheena markii ay Garowe tagaan marka hadii aanu hadalno soo nala ceyrin maayo
Waaw…Puntlandnews24 runta kama xishooto.
Hadii sida websiyadda qaar aad noqon laheydeen, cidna idinma soo booqteen, websikiina waa kan ugu horeeya Puntland marka laga soo taago Horseednet
PUNTLANDNEWS VIVA. ALLOW XORIYADDA SII BILLE QABOOWSADE
ciise maxamuudka hadiiba faroole iyo ilmihiisa dhibka ay puntland ku hayaan la sheego waxay saxaafada u edeeyan, iska daaya qabiika iyo qurunka aad faroole ku taageraysan oo noqda kuwo isa qabta xumaanta iyo xaqdarada uu faroole iyo wiilashiisu dalka iyo dadka ka gelayaan.
Omar yusuf adiga uunbaa is ceebeyeye ee wax kale ma soo kordhin is ku xishood ninyahow oo qabiilada afka kala bax inkasta oo aan la yaaban nahay webkan waxa ka khaldan lkn xishood ku waa wax qaali ah
waa arin aad looga yaabo maxaa yeelay Bile Qabowsade oo aan wax danbi ah lagu haysan oo in mudo ah kuxiran xabsiga Boosaaso aysan jirina dad u hadlo oo ka muuqda Bosaaso.waxaan waydiisanaynaa dowladan puntland inay xoriyada siyaasiga ay si dhaqso ah usiiso maadaama aysan jirin wax lagu haysto oo danbi ah.waxaan ka codsanaynaa familka ama qoyska ismaaciil saleebaan inay ka had laan xaq darada lagu haysto Bile.waxaan kaloo maqlay in laa luush la isku daayo taasina ku tusayso in cadaalad jirin.dadwaynaha Punland ka daaya laa luushka aad siinaysan madaxda poliska iyo inta ka saraysa,waayo waxay taasi sabab utahay in dad aad u farabadan oo aan danbi lahayn la xirxiro si laa-luushka uu u bato,waad mahadsan tihiin.
Arintaan waxa ay u baahan tahay, in wax laga qabto hadii sidaan ay dhacdo oo siyaasiyiintii la xir xiro maxaa dalka yaal.
Faroole soo ma ah kii Baarlamaanka weerar oo dhalinyaradda ku laayey, soo dalka madaxweyne in loogu doorta maba aheyn.
NIN DAMBIILE AH OO AQALKII GOLAHA WAKIILADDA DHAN WEERAR WAXA UU U BAAHAN YAHAY SIDA MADAXWEYIHII LEYBERIYA JAARLES TAYLAR IN MAXKAMADDA LA SOO TAAGO.
SIIYA XORIYADA SIYAASIGA
International Affairs, National Security (CID), African Oil, Saraceen
International, Saraceen Mineral Company , PMPF, Puntland marine
forces, Pathfinders, Political aspects, Military operations,
Faroole,Khadar,Faroole,Mohamed, are all in their hands
oo dhan ma dalka ayeey ka jiraan , kuwaan waxaa ku filan dhowr boqol wiil oo kala cayrisa, mise hadii aan laga qaban dalka walaahi Puntland waa loo yaaba
Walaahi, waan ka naxay Bille ileyn qofka hadii uu ka dhashay beel aan awood badan laheyn sida ay doonaan ayaa laga yeelaa walaahi waa arin murugo leh.
Allow ka saar dhibta uu ku jiro laakiin caruurta faroole dhibtaas ku dhameyn doonta.
meel daran iyo rera muskood buu ku danbeyey bile qabowsade
barta qaynuunka saxaafaad waxaa ka mamnuuc ah lagu soo qaato qabiil/gobal/ iwm
bile waa saxafi qaran wixii sharcigu kuu haysana way baxxaysaa
bulshadda calam idnka socota u soo gudbiya war ka madax qabyaalad / iska saar lana tartama assaagiin meeshana is qaada
ceeb ceeb caleek puntlandnews 24 waxaad ahaaydeen dad ka dhawrsoon xumaanta munaafaqnimada iyo isku dirta umada ehelkaa ee puntland waxaas kor uga baxa yaan laydinku wiirsan ceeb caleek
akhlaaq xumada joojiya oo qabiilada ha caayiyana ismaaciil saleebaan maaha qabiil daciifa ee afkiina uraya hakutaagina ninkaa dowladaa xirtay iyadaana kamasuula wadanka