Boosaaso matahay casumada ganacsigga Soomaaliya! Qaytii 2aad

July 13, 2012   //   Opinion, Warar Somaali

Mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatay, allaha (SW) leh Aduunka iyo Akhiradda ba, Wanaagsanaan iyo hufnaan bini,aadam waxaa leh Nabbi Muxamed (NNKH).

Waxa marag ma doonto ah in aynu in badan oo kamid ah nolosheena aan  maskaxdeena akhristow iska waydiinay, “xagee baa ah ama ahaan doonta caasimada ganacsiga Somalia”?, Waxan u soo joogay meelo badan oo lagu falanqaynaayo su’aashaas lagaba yaabee dadkii falanqaynaayay in ay maanta maqaalkaan daalacanaayaan, ma fiicna in hadalka la saaraado waxan rabaa akhristow in aan u guda galo ciwaanka kor ku qoran, aana filaayo in aan wixii wanaagsan ee EEBE iga garan siiyo aan ka qoro.

Boosaaso waa mid kamid ah magaalooyinka halbowlaha u ah wadankeena qiimaha & qaayaha leh oo dhaca geeska afrika, waana magaalo qadiimi ah xaqiiqdiina kuwayn taariikhda iyo mansabka Somalia, waana magaalo leh xadaarad soojireen ah iyo mid ganacsi oo ay la wadaagi jirtay Wadamada Khaliijka Carabta & Hindiya, waxan horay u cadeeyay fanaanada caanka ah  saado ali warsame oo tiri:

 

Beledkaaga qiimaha

Bini aadami daayoo

Shimbirahaa ku baaqoo

Badi waxay yiraahdaan

Ma boosaasad ka timid

Ma badar baylaad ka timid

Anna waxan ku beer raqay

Berrigii udgoonkii

Ilbaxnimadu buuxdee

Dadka oo badaw ah oon garan

Baayacal mushtarig ba

Business ku kasocon jiray

Ma bilaadal boon baad ka timid

Ma bilaadal boon baad ka timid

 

Sida aan kawada dheregsanahay akhristaw wadanka oo meel aad u saraysa maraaya oo aan wadamada Africa ugu horayno aan ku jirno, aduunkana talaabo kasta oo la qaadaayo Somalia lagala tashado cod mugwayna aan ku leenahay, ayaa taariikhdu markay ahayd 1991 wadankeenii qiimaha lahaa waxa hal mar ku habsaday musiibo taas oo dhalisay bililiqo iyo barakacin shacabkii ku dhex noolaa nabada iyo hurmarka, ciidankii booliska ee loo aqoon jiray shacab difaace, daryeele, iyo baxnaanshaha umada, meletarigii ku sumadaysnaa halgamaaga wadanka, wadani dhab ah, shacabkuna u muujiyeen ixtiraam gooni ah kaas oo meesha uu yimaado fadhiga looga kici jiray haduu wadada maraayo laga joogsan jiray ilaa inta uu ka gudbaayo, waxay isu bedeleen qawlaysato sidii anyaxii u diirtay wadankii, waxay ku sifoobeen dhiigyacabnimo aan u diir nixin Dumar, Ciyaal, Duqow, Culimo iyo Aqoonyahan, wuxu magacoodii isu bedelay laayaan, akhristow waa taariikh qoran oo aan marnaba la iloobi Karin, khasaarihii nagaaray waa mid aan qiilna loo haynin, madoonayo in aan  ku sii dheeraado u jeedkaygu wuxu yahay in aan kuu sheego in shacabkii Somaliyeed ay u qaybiyeen sadex qayb oo kala ah.

1. QAYB QAXDOO QAXOOTI NOQTAY

2. QAYB LAQALOO LA QOOR GOOYEE

3. QAYB QADOO QUUD LA’AAN JOOGEE

 

Halaagaas dhacay oo aan loo kala harin, ka dib, Magaalooyinkii Allah uu ku manaystay bilicda iyo quruxda ee somaliya qaar baa maray meeshii ay shacabkii mareen oo hoy u noqday burbur & jugta Madfaca oo joogta ah, qaarbaase Eebe ka badbaadiyay Halac iyo Hanfiga ka duulaya Baroonka, Dhishiikaha iyo Suugga IWM, oo marti geliyay shacabkii diifta iyo darxumada ka soo qaaday dagaalka aan ilaa hada hadafkiisa la aqoon, wadankaygii wuxu u burburay “Qoray qaadaye rid, baratay keeb qabashadiise Dhiig qub, Dhiig qubtaye ku qubayso”, ilaahow wixii dhacay adiga ayaan kaaga ashtagoonay! Dawadiisana adiga ayaan ku waydiisanay, Eebow nabad iyo nolol degdeg ah, Aamiin, Aamiin, Aamiin, hadaba akhristow Magaalada Boosaso, waxay ka mid tahay magaalooyinka fara ku tiriska ah ee ka badbaaday dagaaladii sukeeye waana waxa ilaahay loogu mahdiyo, waxana mudan in la amaano shacabka degaankaas ka soo jeeda oo runtii ku fara adaygay nabada iyo kala dambeynta, Magaaladu waxay taariikh wayn ka gashay aduunka gaar ahaan Africa xaqiiqdiina waa wax aad loogu faani karo, mahadaasna Allah ayaa leh, warbixin ay soo saartay

Qaramada midoobay waxa lagu tibaaxay [In magaalada Boosaaso, ay tahay magaalada ugu balaaratay xaga dhismaha, dhaqaalaha, dadka ku nool (population), qaarada Africa intii u dhaxaysay (1990 ilaa 2005),]

 

Akhristaw Boosaaso waxay hooyo & hoy u noqotay dhamaan dadkii ka soo barakacay dagaaladii halakeeyay wadanka gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha somaliya, shacabkii fara ku tiriska ahaa ee ku noolaa Boosaaso waxay si hagar la’aan ah oo aan takoor iyo midab sooc lahayn ugu istaageen dhamaan dadkii soo gaaray degaankaas oo ay la qaybsadeen wixii ilaahay ku quudiyay, ayaga oo ku soo dhoweeyay gacmo furan iyo caleemo qoyan, waxayna u muujiyeen waji aan ku salaysnayn caadifad iyo xumaan ayada oo la ogaa waxa ka holcaayay wadanka iyo ugaarsigii ka socday, arintaasi waxay Boosaso dhaxal siisay in sanado guduhood laga dareemo sara u kac dhaqaale oo baaxad wayn leh, oo dhamaan saameeyay ilihii dhaqaalaha, aan ku xasuusiyo akhristaw waxan isna meesha ka maqnayn maamul ku dhisnaa Isfaham, Cadaalad, Sinaan & Hufnaan oo ka dhexeeyay Dadlka degaanka Boosaaso ku teedsan deganaa tani waxay dhalatay ka dib markii Culumo, Aqoonyahan, Oday dhaqameed, siyaasi, oo  Rag iyo Dumar leh in ay si iskumid ah u wada ilaashaan hanaanka nabadda xasiloonida & kaladambeynta taasna waxa gacan mugleh ka gaystay shacabka degaanka oo aad ugu taageeray go’aanka madaxdooda si hagar la’aan ah u fulinaayay.

Abaabulkii Iyo Dhisidii Puntland

Akhristaw sida taariikhda ku cad, Puntland waxuu hindiseheedu yimid kadib shirkii 2aad ee loo qabtay Somalida kaas oo ka dhacay magaalada Qaahira, ee wadanka Masar 1996, shirkaas kadib waxay bilaabeen dhamaan Aqoonyahankii, Ganacsatadii, Cuqaashii in ay dhisaan maamul metela goboladii loo aqoon jiray Bariga fog, mudo kadib waxa curtay maamulka Puntland kaas oo siwayn loo soo dhoweeyay dal iyo dibadba, akhristaw inaga oo weli maanka iyo maskaxda kuhayna ciwaanka kor ku qoran waxan rabaa in aan kuu sheego miisaanka aan la ilaawi Karin ay magaalada boosaso u gashay umada somaliyeed gaar ahaan reer Puntland, wixii shirarkaas kharash ku baxay badi waxa daboolaayay dakhligii ka soo xireen jiray Magaalada Boosaso, u jeedka ugu wayn oo reer Boosaasood hiil iyo hoo ay ula istaageen dhisitaankii Puntland wuxu  ahaa in Puntland ay u heelanaato raadinta nabada iyo xasiloonida umada somaaliyeed. Isku soo wada duuboo Magaalada Boosaaso waxay taariikhda umada somaliyeed ka gashay baal Dahab ah waxana aan shaki ku jirin in ay u qalanto CAASIMADA DHAQAALAHA SOMALIA. Waxan ku soo gabagabayn qabyta 2aad ee qormada

DARIIQ HUFAN BAA HAGAAG U GASHOO

HOGAANKAAGA NACAB MAHAYSAN KAROO

HALYAAGAAGU KAAMA GALO HAGAREE

ALOW HALIS & DHIB KA HAYEE

DUCA AAN HARIN BAAN

HANTI KAAGA DHIGNOO

NABAD AAN HARSANATAN

KU HAYSO GUNTOO

KU HURIMAYNOO

KU HAGRANMAYNEE

ALOW HALIS & DHIB KA HAYEE

W/Q: Maxammed  Cabdulaahi Siciid (CAAQIL)                                                                                              caaqilka100@gmail.com                                                                                                                la soco qaybta 3aad

COMMENTS

RSSComments (8)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. mohmed said says:

    boosaso waa ma gaala ganacsi wana magaalo ganacsigeedu ku xiran yahay in badan oo kamid aha soomaliya lkn wali ma noqon karto casumada ganacsiga becouse ma jiraan dowlado lasheegikaro oo dekada boosaso wax ka la soo dega marka lama orankaro waa dekar ku haboon in ay ku xirtaan maraakiibta waa way in ka badan 2markan ugubadnaa malaha systemka xaawiyaatka mase kuntenariska iska faan maha ee waxaynu ku faano ay nu helo

  2. puuntlander says:

    MASHA ALAAH BOOSAASO XURMADEEDII KAMA HELIN MASUULIYIINTII XILKA ISKU BADESHEY WAAYO RAGA XILKA WADA QABTEY MA AY RUMESNEEN IN AY U DHASHEEN BOOSAASO WEY KU DANGAAREEN UUN. WAXAAN U SSHEEGIU HEEGEYNAA DADKA

  3. liii gaaas somalilander says:

    matuuladan yar ayaad leedihiin caasimada ganac siga ayaynoqon kartaa waa marso reereed majeerteen bay wax ugasoodagaa iyo ragkale oo markiihore ahaa budhcad badeed markii danbana ganacsade noqday

  4. Hassan says:

    Cajib cajib cajib runtii arin la yaab leh waxan ka yaabaa oo xaqiiqa ah dadka ay bosaso sidaa wacan uso dhawaysay in maanta marka ad ku kulan tan mel an ahayn p/land runti xiqdiga iyo xasadka u uqabo ku tusayo . Hada wa ninki shalay naf la caariga ahaa oo ay p/land so dhawaysay . Ilahayow kuwan wanag laga sugi maaye bal sharka iyo xasadkoda p/land gees ka mari.

  5. g.kulaalaaye says:

    RUNTI WAA MAQAAL AAD U QIIMA BADAN, XAQIIQDIINA MAGAALA BOSASO WAA HOOYADA GANACSIGA PL AMA SOMALIA, WAXASE IS WAYDIIN MUDAN BOSASO XAQEEDII MAHASHAY?…….’
    RUNTA AAD AYAAN ULA DHACAY MAQAALKAN , IYO SIDA HUFAN EE WRITER UU U ABAARAY XAQIIQDA IYO UMADDA REER BOSAOIYO WANAAGOODA….WAXA AAN KAA CODSANAYAA CAAQIL IN AAD QORTE MAQALKAN .BOSASO XAQEEDII MAHASHAY

  6. ahmedpunt------------ says:

    allaa yacizak ,runtii waxaad taabatay mawduuc muhiima laakin qoraaga waxaan is’iri waxaa’aad katagtay ,maahmaahdii ahayd sidaan kuugu lisay igumaadan hambeyn ,oo qoraagu wuu asiibay in boosaaso tahay caasimadda ganacsiga soomaaliya ,waxaa kaloo aay mutaysatay caasimaddii puntland maadaama aay maaleen naaskeedii boosaaso oo aay ku yagleeleen dawladdii lagu aasaasay puntland ,waxay ahayd in laga dhigo caasimadda puntland maadaama aay tahay rugtii dhaqaalaha iyo ayadoo ah magaalo dad kala jaada oo qabiilla badan aay dagaan runtii kabadalan caasamadda haddaa ee garoowe ,taas oo boosaaso horumarkeedana qayb lixaad leh kaqaadan lahayd boosaaso horumarkeeda oo waliba sidaan aaminsanahay haddii waagaa 1993 boosaaso lasiin lahaa caasimadda in aay boosaaso aay gaari lahayd inta hadda aay joogto caasimadda garoowe labajibaarkeed waayo waxyaabo badan oo aay weyday garoowe oo xagga horumarkaa oo kadhiman baa boosaaso heli lhayd oo horumara ..waan idin salaamay

  7. caraseedo says:

    Waxaan leeyahay qoraagu hayiraahdo Boosaaso manoqon kartaa caasumad somaliyeed???????maxaa yeelay haddayba tahay caasumaddii ganacsiga,sababtoo ah waa meel ay somali oo dhan ka ganacsato iyo waliba dad ka soo jeeda adduunka kale,sida dawladaha carbeed,hindiya iyo waliba Afrikaanka kale oo tiro badan,waana meel aan lahayn midabtakoor iyo kala gurka ummadda somaliyeed oo qofkii jooga gudaheeda ka walwalimaayo maantay maxaad cuntaa[[Allaa barakeeyay,dadkeeduna dun wacanaa]].
    Boosaaso Deeqa ayaa idiin diyaaree
    Ku soo dhawaada,naftiina iyo maalkiinana ku aamina.
    Biyokulule markaad soo booqataa bushigii kaa baqoolaa,walwaltira,maskiin koriya weeye beledka Boosaaso.

  8. asc maasha alaah qoraagu caadi maahan lakin sxb waxaa kaa buuxda wadaniyad somaliyed lakin taas waa waxa nalakula cillbay oo ruta waayo shacabka rer pl wiil iyo gabadh hooyo iyo aabbe waxay raadinayan somaliweyn somaliweyna waxay raadinaysa sidii p/and loo bur burin lahaa somalina aan loo midayn marka qoraaga waxan ugu baaqaya adoo kumahad san wadaniyadaada buxda bal somali wayn dib nooga dhig inta aan helayno wax diyaar ah . Tusaale dadka rer pl waa dadki koonfur iyo waqooyiba daganaa dagaal sokeeye kadib iyo dhib badan waxaa lala galay dagaal laba geesod ah oo waqooyi iyo konfur ah ujudeedka loo la dagaalamayeyna ma ahayn cid ay dhib ugeystene waxay ahayd isir nacayb iyo in umad dhan la tir tiro lakin nasib wanaag waa noolyihin wali ayagiibana marti loo yahay oo maantay somali oo dhan ku nooshahay p/and intaa kadib wali cudurki ma harin oo haduu muuqda asgoo is bahaysi ah marka waxan kula talin lahaa dadka rer pl ama ku abtirsada inta somali jacaylka iyo waxa aad ku mashquulsantihin ukaadisan midnimadina marka hore raadsha iyo saad umidoobi lahayden markaa kadib tashada lakin wax aan cidina idinla rabin yaan layku mashquulin hawshu waa fogtahay dadka rer p/and ama ku abtirsada ..d…r..d. Na wali ma baraarugin

Leave a Reply