Boosaso oo diyaar garoow xoogan loogu jiro Ciidul Fidriga [Sawiro]

August 16, 2012   //   Warar Somaali

Magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa ka socota qaban qaabo xoogan oo loogu diyaar garoowayo ciida barakaysan ee Fidriga oo ay ka harsantahay maalmo kooban.

Suuqyada dharka lagu iibiyo, baqaarada dharka, iyo goobaha kalle ee lagu farsameeyo macmacaanka sida xalwadda, doolshada iyo buksudka ayaa siweyn looga dareemayaa mashquul, waxaana meelaha qarakood aad ku arkaysaa dad waawayn iyo carruur isugu jira oo ka dukaamaysanaya goobaha oo dhan.

Inkasta oo diyaar garoowgu jiro ayaa hadana dadwaynaha  markaad waraysato waxa ay ka cabanayaal qiimaha doolarka lagu sarrifo oo gaaray heer aad u hoosaysa halka maciishada kallena ay kor u kaceen.

Waxaana eedda ugu balaaran ay dusha ka saarayaan dhinaca dowladda Puntland.

“Sida aad la socotaan maciishada iyo dharka waxaa uu marayaa heer aan awalkiisu gaarin, dadkuna waxaa ay noloshooda ku tiirsantahay lacago ay dadka dibadda jooga usoo diraan, laakiin nasiib daro $150 qoyskii bisha heli jiray maanta waxa ay u dhigantaa iyagoo hela $50 ama halmalyan waxba kuuma tarayso” sidaasi waxaa ku calaacashay Ruqiyo Maxamed Warsame oo ah haweeynay suuqa ka dukaamanaysay alaabaha ciidda.

“Hargaysa oo Somaliland ah dowladooda waxa ay ku guulaysatay doolarka inuusan dhaafin qiimo ay dowladda joongoysay laakiin nasiib xumo xukuumada Puntland waan la yaabanahay waxa ay dhibaatdan dhaqaale wax uga qaban la’dahay shilin Soomaligana  ay iyadu ay bangiyada ugu guranayso” ayay ku warantay haweenay diiday magaceeda oo suuqa Bosaso aanu kula kulanay. waxaa ay intaasi raacisay dowladdu inaysan lahayn damiir ay dadkeeda dhibaataysan ugu damqato.

1-kii doolar ayaa lagu sarifaa sh.so.  21,000

Dadwaynaha magaalada Boosaso waxaa ay sanadkan ciidayaan iyadoo qasaarihii ugu xumaa dhaqalaaha Soomaliya soomara ay ku habsatay suuqii ugu waynaa bariga Afrika ee Bosas oo ay ku xirnaayeen gobolada dhexe,Somaliland,Ismaamulka Somalida Itoobiya,Kenya iyo koonfurta dalka Soomaliya, waxaa gubtay hanti lagu qiimeeyay inay ka badantahay 15-milyan oo doolar dhamaadkii sanadkii tagay ee 2011-kii markii dab xoogan uu ka kacay suuqa dad badana ay waayeen waxa ay nolosha qoyskooda ku maareeyaan,hanti burburkii dabka ka dhashay awgiis.

Dowladda Puntland ayaa iyadu u muuqata mid daawanaysa heerarka isrogroga ah ee ku dhacaya ascaarta iyo sarifka, dhibka ugu wayna lagu aanaynayo sh.so. oo suuqa ku yaraaday.

Puntland-News24

 

 

 

COMMENTS

RSSComments (6)

Leave a Reply | Trackback URL

  1. Xaawo reer Puntland says:

    Waxaan idiinka digayaa inaad xalwada iska yareysaan waayo caafimaadkiina uma fiicna oo wadna xanuun ayey keentaa.

  2. masha alaah wa meel barwaaqo ah oo ilaahay ku manaysay ilbaxnimo iyo xadarad sojiren ah marka sidaah ulasocda kulaylkedu waa cafimad waxay udanar tahay daba dhilifka idoor

  3. Idiil says:

    kan khaatumo seeg wata bosaso kulaylkeda maxad ka doontay awal madki tuloyinka lasacaanod ka soo qaxay baad ahayd haku soo noqon lagama bahan bosoosa ninka cadawo u ah kuleykeedu naar buu uyahay sidu adiga kugunaqday kii u dhashay ama daacad u ah o ku farxsan horumarkedan kuleelkeda waxaba Uma arko raaxo ayuu u yahay mar tuloyinkaga ku ekew viva boosaso kulayledi ban u xiisay bosaso seeqa

  4. wiil boosaaso says:

    dhulbhante maseyr miyaa waxaas sxb laascanood waa tuulo carmo baa ka dad badan ilaah baa langaab kaa dhigay dadka magaalooyinkooda udhaaf bosaaso haday naar tahay saas uma camirnaateen sxb

  5. Guureeye says:

    Warheedhe qof wax og waxna yaqaan baa intuu hadlo ladhageysto, wuxuu sheegana hela, bal kanoo kale deya! Wuxuu kuleeyahay Boosaso waa naar, Naartii Alle kugee ma iraahdaa, malaha maalinbuu asagoo qaxootiyah joogey, oo kuleyle jiro, xataa ma uu garankaro baan filahayaa haddii laweydiiyo Foore!

    Bal joogoo, diiriye Boosaso markaad timi yaa kuwadey?

  6. Oh bosaso. Kuleel badaan waka restay wale dib ugu malabto meshu wa qurxontahay lkn daaab naar cml wlh ciil akuqawanayo marki bosaso haben sexato kuleel bisha marso. Ugusidaan meshu kulula. Wale qof bosaso mar kataga inu dib ugisolabanen wa mesha kalia eee gayiga somaliyeed ugu kuleelka badaan oo kuleel darti loga hayamo caku bosaso naar weye. Wale dadka kusomay wa dad naf adag

Leave a Reply