Boqorada Sucuudiga Maxaa ka qaldan ?
October 23, 2012 // Warar Somaali
Hogaamiyaasha dalka Sucuudiga ayaa iyada oo ay ka soo wareegtay muddo 21 sanadood ah riditaankii dawladii dhexe ee Somaliya ee uu hogaaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre waxa ay diraan dhambaalo is daba joog ah oo ay hogaamiyaasha Somalida iyo shacabkoodaba ugu hambal yaynayaan 21 October ah oo ayku tilmaamaan in ay tahay maalinta qaranka Soomaliyeed .
Dhambaalkii ugu dameeyaay waxaa bishan October kow iyo labaatankeedii si wada jir ah u soo saaray boqorka dalka Sucuudiga boqor Cabdala bin Casiis iyo dhaxal sugaha dalkaasi Salmaan bin Cabdil casiis iyaga oo madaxweynaha cusub ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Somalidaba ugu hanbalyeeyay 21 October.
Hadaba Su’aashu waxa ay tahay miyaysan ogayn hogaamiyaashu Sucuudigu in 21 October ay ahayd maalin u gaar ahayd kacaankii 21 October ee uu hogaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre?
Cabdala Muumin
Puntlandnews24
Puntlandnews24.com



malaha waxay ku khaldeen..july 1st!!
gacaliye sida gaalada wax ha u tusaalayn diintu waxay ogoshahay in la guurdo dadka qaraabada ah sida ina edada ina habreeda ama habrowadaaga markaa waxuu ILAAHAY baneeyay dhib ma keenaan adigay wax wayni kaa khaldan yihiin dadka aad wax u sheegayso waa dad muslim ah 100% markaa hanola iman sheekada kufaarta.
No way, Really ? ka bax, Intaan ogahey odeyaal gaboobey ama dad la socon isbedelka ayaa ka shaqeeya in badan oo ka tirsan xafiisyada madaxda dowladaha Khaliijka, Taas baana Sababi karta, balse waa Yaab weyn!
Niman waxa kaqaldan wa boqortooyadan so jireenka ah hal siyaasad leh iyo mowqif marka boqor fahad oo xiligas filayo inu haayay iyo kuwan waa isku policy adunyada waa dhaxleen qoyskan somalidina xilka lakala boobaa even malin marnansho ma jirayso
Sida gacaliye inoo sheegay iska ilaaliya guurka qaraabada iyo gabdhaha lagu qasbo qof ehelkeed ah.
Boqortoyada Sucuudiga waxaa ka qaldani waa iska dhalnimada 7000 oo qof oo ilma adeer, ilma abti, iyo ilma eedo isu wada ah. Markii ay ehelku isku soo guro noqdaan (is gursadaan) dhawr generation kabid waxaa soo baxa dad caqli gaaban oo inbreeing ama inavel la dhaho. Intelligence Liberated Individuals seen in many 3rd world countries like KSA.